WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  
qurbominnesotay_300_293.jpg

Waxaa dhawaantan Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay wafdi ka socda qurbo joogta u dhalatay Degaanka Soomaalida ee ku nool cariga Maraykanka.

Wafdigaas oo ka kooban xubno Qurbo joog ah oo door libaax ka qaatay baraarujinta walaalahooda qurbo joogta ah iyo isku xidhka sidii qurbo joogtu ay u maalgashan lahaayeen degaanka ay u dhasheen ayaa waxaa ka mid ah Mudane  Maxamuud Sheekh, Badri Yuusuf Ciise iyo Maxamuud Cabdi Cali oo ka wada tirsan ama xubno ka ah ururka jaaliyada ee Somali Ethiopian Economic & Cultural Development Association ee ka jira Minnesota, USA.

Waxaa kale oo xubnahani ay ahaaayeen aasaasayaashii idaacada la iska arko ee Jigjiga TV ee ka jirta Minnesota.

Waxaa kale oo xubnahan yimid ka mid ah Mudane Cumar Dool oo ka tirsan qurbo jooga doorka wayn ka ciyaaray hirgalinta maalgashiga ay xubnaha dibadaha ku nool ka sameeyaan Degaanka Soomaalida.

Waxaa kale oo wafdigan la socda Mudane Bashiir Garaad oo degan Magaalada Seatle isagoo lixdii sanno ee u danbeeyay si aad ah uga shaqeeyay hogaaminta jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Washington.

Xigasho; Cakaaranews