WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey, ayaa dawlada Eriteria ku soo rogey cunaqabateyn, sabab looga dhigey hubeynta ay Eriteria hubeynayso kooxaha carqalada ka wada geeska Africa. Shir uu Golaha Amaanku yeeshay maanta oo Arboco ah, ayuu xayiraad ku soo rogey in dawlada Eriteria hub ay soo gadato, ama laga gato, iyo waliba hanti badan o ay leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado Eriteria xidhiidh la leh.

Qaraarka cunaqabateynta lagu saarey ayaa dawlada Eriteria ku amrey iney joojiso hubeynta dhamaan kooxaha xasilooni darida ka wada  geeska Afrika.

 

Xigasho; VOA