WARARKII U DANBEEYAY

Waxaan ahayn nin dhalinyaro, waxaana sideedii sano ee u danbaysay ka tirsanaa jabhada ONLF, gaar ahaan xubnaha gudaha wadanka ka hawl-gala. Waxaan ku biirey markaan dhameeyay dugsiga dhexe, anigoo ka raacey meel u dhaw magaalada Dhagaxbuur bishii August ee sannadkii 2000. Intii aan ka tirsanaa jabhada ONLF, waxaan ka qayb galey dagaallo badan, qayb ka ahaa weeraradii lagu qaadey Garbo, Gudhis, iyo Coballe; waxaan dhaawacmey 6 jeer oo 2 kamid ahi ay aad halis u ahaayeen, dhaawicii i gaadheyna aanan wali ka soo kabannin.
Dhawr sano kadib markii aan ku biirey jabhada, waxaa soo baxay xan iyo hadal hoose oo ah in madaxda ururku is khilaafsanyihiin, balse aysan ahayn wax sidaasi u sii weyn. Inkastoo aana cidna sii weydiinin, haddana hadalada dhagaheyga ku soo dulayey, waxaa ka mid ahaa; Bashiir Ugaas Mahad ayaa laga wareejiyey dugsigii tababark, hub ayaa Itaxaad laga gadey, urur axmaara ah ayaa lala midoobey, Maxamed Siraad Doolaal ayaa arrimihii dibada laga baddaley oo meel kale la geeyey, iyo Salaxudiin baa qasnadii dhaqaalaha laga wareejiyey. Balse maamulkii ciidanka wax dhib ahi kama dhex jirin oo amarka meel unban ka qaadan jirney; Admiral Maxamed Cumarna mar walba farriimahiisa ayaa nasoo gaadhi jirey.
Muddo hada hal sano laga joogo, ayey hal mar xaaladu is baddashey oo waxaa soo if baxay khilaaf kii hore salka ku haya oo meel walba gaadhey. Markan iskamaana dhaga tirine, waxaan isku dayey inaan si dhab ah u ogaado waxa la isku hayo, waxaana iisoo baxdey in ururku u qeybsanyahey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan; Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo Dr. Maxamed Siraad Doolaal, aniguna aanan is ogeyne, aan ka mid ahay garabka Admiraalka. Kala qeybsanaanta markanina, waxay noqotey mid dhalisa muran aad xun oo dhex mara xubnaha & taageerayaasha ururka oo garaba garabka kale ku eedeeynayo inuu ka masuul yahey bur-burka ku yimid jabhada. Haddaan isku dayo inaan wax ka sheego, qodobbadii la isku eedaynayey, waxaan ka xusuustaa, sida soo socota

1. Wixii lagu eedeynayey Garabka Admiraal Maxamed Cumar Cismaan
· In xafiiskii Eriteria ee ururka uu ka wareejiyey Bashiir Ugaas Mahad, isla markaana Canada uga yeedhay Bashiir Axmed Makhtal oo uu adeer u yahey, kuna wareejiyey.
· In hubka ay Eriteria siin jirtey ururka uu ka gadan jirey Sheekh Xasan Daahir Aweys, Itaxaad, iyo Maxaakiimta, isagoo sabab ka dhigey in maadaama aysan Eriteria bixinnin waxaa hub ahayn uu qayb ka iibiyo maxaakiimta si markaasi kharash hawl fulin ah uga soo baxdo.
· In uu madixii jaaliyadaha ka baddaley Hanad Maalinguur, kuna wareejiyey seedigii Maxamed Macallin
· Inuu ka baxey sida la sheegay go’aan lagu heshiiyey oo ahaa in la weeraro magaalada Garbo kadibna Guunagado, balse uu ka war wareegay in Guunagado la weeraro kadib markii Garbo la galey. Arrintaasi oo ka cadheysiisay Sheekh Deeq, kuna kalliftey inuu iska dhaga tiro admiraalka isagoo amar ku bixiyey in la galo Guunagado, halkaasoo uu Admiraalku Sheekh Deeq ku eedeeyey inuu Al-Itaxaad yahey.
· In carruurtii ay Eriteria tababarka milatari ku soo siiyeen, markii ay xadka Soomaaliya & Ogaadeeniya u dhexeeya keeneen loo qaybiyey laba qeybood ; halkaasoo qeyb heybtoodu u badneyd Maalinguur lagu hagaajiyey dhanka Shilaabooo oo ay biyo la’aan badani ka jirtey, ayna noqdeen wax oon diley, wax la qabtey iyo wax la diley; halka kooxdii kale oo u badnaa jananka haybtiisa ay nabad qab ku tageen meeshii ay ku socdeen.
· In haweenkii ka tirsanaan ururka ee cadawga ka baxsadey, uu dhoofiyey Canbaro dheer iyo Rooda Afjano oo kaliye, isla mar ahaantaana uu iska indho-tirey in wax loo qabto Bishaaro Wacdi, Xabsa Macallin Cali, iyo Qasad, oo uu waliba u kala war xuma tashiiley, gaar ahaan Bishaaro iyo Qasad.
· Inuu qasnajigii ururka Salaxudiin Macow ku amrey inuu wixii lacag ah ku wareejiyo Ina Af-waranle oo uu ka dhigtey xisaabiye cusub
· Inaan si loo simanyahey loo daryeelin dhaawaca uruka, kaliyana la daweeyo kuwa ay isku qoyska yihiin; tusaale ahaan xilligii uu dhaawacmey Dhabuuke, uu jananku ka dhaga adeygay in Kenya lagu soo daweeyo, inkastoo ay arrintaasi markii danbe Caddaani ficil galisey kharashna u direy Dhabuuke. Hasa ahaatee markuu Admiraalku arrintaas maqley, wuxuu Caddaani ku yidhi ‘ninkan Obada ahi Ugaas-Nuur uma dhalannine yuusan isku keen dirin’
· Inuu guryo ka iibsadey magaalada Qaahira ee Wadanka Masar
· Inuu shirqool ku diley hoggaamin badan oo ururka ahaa, isla markaana ku eedeyn jirey in ciidanka dawladu dileen
· In Admiraalka iyo Caddaani ay isku dayeen iney khaarajiyaan Doolaal iyo Macow iyagoo jooga xerada qoxootiga ee IFO wadanka Kenya
· Inuu ka danbeeye xadhiga 8 ruux oo ay booliska Eriteria ku xidheen xero qoxooti oo ku taalla Musawac; dadkaasi waxaa ka mid ah Nasro Siraad Doolaal oo ay wada dhasheen Maxamed Siraad Doolaal
2. Wixii Lagu Eedeynayey Garabka Dr. Maxamed Siraad Doolaal
· Inuu sir badan gacanta u galiyey cadawga; islmarkaana fashiliyey xubnihii sida qarsoon uga hawl-gali jirey magaalooyinka, laf-dhabartana u ahaa dhaq-dhaqaaqa ururka, sida Fawzi Cali Cabdi, Xasan Axmed Makhtal, Cabdullahi Daahir, & Carab Soocane
· Sidoo kale wuxuu cadawga gacan ku siiyey Mobile lanbarkii Axmed-daahir Xasan Makhtal oo lagu diley duleedka Jigjiga isagoo hawl-gal weyn markaasi soo fulieye magaalda Jigjiga.
· In Doolaal iyo Bashiir Ugaas Mahad ay cadawga gacan weyn ku siiyeen qabashadii Bashiir Axmed Makhtal, iyagoo dakano ka dhaxeysay u daba socdey
· In isaga iyo Salaxudiin Macow ay internetka galiyeen cajalado laga duubey General Cabdulahi Mukhtaar oo halkaasi sir badan oo ururka ay banaanka dhigeen
· Iney qafaasheen warbaahintii ururka sida Radio Xoriyo
· Inuu cadawga gacan ku siiyey qabashadii Dhiire Caafi iyo C/nuur Maxamed Sooyaan, kuna farxeen qabashadooda
· In Doolaal iyo Macow ay qaybsadeen lacagtii ku jirtey qasnadii ururka ee Jarmalka
· Inuu Doolaal u habar-wacdey Sheekh Xasan Cabdile-Turki, halkaana lagu soo taakuleeyey ciidan badan iyo dhaqaale
Markaan xogtaa helay kadib, waxaan sii dhugsadey bal inaan ogaado, sida ay golaha dhexe ula kala safanyihiin labada garab, iyadoo xubnaha qaarna loo badinayo garab, ayey hadana jiraan qaar tuhun laga qabo garabka ay raacsanyihiin , kuwa markaasi dhagahayga soo gaadhayey, waxay u kala safanyihiin sida soo socota

Garabka Maxamed Siraad Doolaal
1.. Salaxudiin Macow
2. Cabdi Caddood
3. Dhabuuke Ceelaabe
4. Mustafe Haybe
5. Cabdullahi Yaasiin
6. Maxamed Wali Cabbaas
7. Hanad Maalinguur
8. Bashiir Ugaas Mahad
·
Garabka Maxamed Cumar Cismaan

1. Sulub Cabdi Axmed
2. Daahir Private
3. Muxumed Anni
4. Maxamed Macallin (Seedigii)
5. Canbaro Dheer
6. Cabdullahi Guud-cade
7. Maxamed Basey
8. Sanweyne

Koox labada Garaba La Shaqeysa
1. Cabdiraxmaan Maadey
2. Diirane Cabdi Yaasiin
3. General Cabdulahi Mukhtaar
4.. Axmed Majeerteen
Haddaba, markii aan arkey halka xaal marayo, kala qaybsanaantuna meel hoose gaadhey, waliba ay billaabatey , uusxabaal, shirqool iyo dilal gaadmo ah oo meel ay ka socdaan aan la garaneynin ayaan garwaaqsadey iney tahey dhaxalkii iyo natiijadii ka soo baxdey maatadii aan moora-duugney, ummulihii aan dooxney, carruurihii aan gawaadhida ku gubney, reerihii aan subax walba galeynay, diinta Islaamka een rabitaanknaga siyaasadeed ku saleynayney, isla markaana turjumaad khalad ah ka bixineynay. Waxaa maskaxdeyda ka weynaatey danbiyadaas, oo aan kala garan waayey in maankeygu qummanaa iyo in kale, mar walbana waxaa maankeyga ku soo dhacayey gaadhi dad shacab ah wadey oo marayey meel u dhaw magaalada Wardheer oo la igu amrey inaan miino waddada u galiyo, la iina sheegay inuu gaadhi cadawgu leeyahey wadada mari doono, halkaasna ay ku nafwaayeen 13 ruux oy ku jireen laba carruur ah oo naaska nuugaya iyo hooyooyinkood, iyo wiil 18 jir ah oy labada lugood ka go’een.
Markaas, ayaan billaabey inaan la tashado asxaabtii aan isugu dhaweyn oon is weydiino, sidii aan yeeli lahayn.. Tashi badan kadib, waxaa noo soo baxdey iney xaaladu xuntahey sii joogna lahayn sababtoo ah ururka dhexdiisii oo la isku halleyn karin oo dilala gaadmo ahi ka bilawdeen, taageeradii shacabka oo yaraatey, iyo isku dhacii MJXSG iyo jabhada, iyo tii cadawga oo noo sii dheereyd. Waxaan annagoo 5 dhalinyaro ah ku tashaney sidaan saxariirkan kaga bixi lahayn, halkaasoo 3 naga mid ahi ay gumeysiga isu dhiibeen, aniga iyo saaxiibkeyna aan Kenya soo galney.

C/raxmaan Qarxiye
Garrisa/ Kenya
email: qarxiye2010@yahoo.com

FG: Aragtida maqaalkani waxa ay ku kooban tahay qoraaga ee ma aha fikrada Eegga.com