WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  

Saxaafada wax ka qorta arrimaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxey, in badan ka hadashaa isbadalka nabadgalyo iyo kaalinta uu ku leeyahey, Hoggaanka Nabadgalyada DDS, Cabdi Maxamed Cumar. Shaki kuma jiro in wax badan laga qabtey nabadgalyada deegaanka intuu Cabdi hogggaanka ahaa; haddaba, waxaanu qormadan ku miisaameynaa, halka ay xaalada nabadgalyadu mareysay, ka hor intaan xilka loo dhiibin, iyo tallaabooyinka uu qaadey Cabdi Maxamed Cumar, iyo waliba natiijada ka soo baxdey.

Horaantii snadkii 2006, waxaa magaalda Jigjiga, ku xoogeystay unugyada ONLF, iyadoo ay Jigjiga noqotey halka ay shuftadu ka hesho dhaqaalaha ugu badan. Xubnahoodu ma aysan qarsan jirin iney ONLF yihiin, iyagoo fagaarayaasha ka sheegan jirey in uu dhawyahey wakhtigii ay waddanka qabsan  lahaayeen. Dhalinyaro aad u tiro badan, oo ka qalinjabisey, dugsiga sare, ayaa loo duufsadey Eriteria, si taba bar militari loo soo siiyo. Masuuliyiintii dawlada qaar kamid ah ayay kalsoonidii ka luntey oo xidhiidh qarsoon la sameystey ONLF, iyagoo gawaadhidoodu hor taagnaan jireen guryo waaweyn oo unugyada ONLF uga kireysnaa xaafada 5aad ee magaalada Jigjiga.

Dawladu markey aragtey calaamadahaas kor ku xusaa, ayey go’aansatey in la baddalo, Hoggaankii Nabadgalyada ee xilligaas; Mahdi Ayuub. Dadka markaasi la filayey iney jagadaasi qabtaan  kuma uusan jirin, Cabdi Maxamud Cumar. Waxaa ka mid ahaa dadka loo so bandhigey in ay xilkaasi qabtaan, waxna ka baddalaan amni xumada soo kordheysay; Gurey Fidaar oo makraasi ahaa, Wasiirka Biyaha, xubina ka ahaa guddiga fulinta ee xisbiga, balse ka gaws qabsadey inuu shaqada ka soo bixi karo. Waxaa kale oo ka mid ahaa magacyada la filayey iney jagadaas qabtaan, Jamiil Muxumed Gaas, oo horey u ahaa Hogaanka Nabadgalyada, Bashiir Xaaji Fure, iyo kuwo kaleba.

Markan dawladu waxay go’aansatey iney saaxada soo galiso dhiig cusub, waxaana la go’aansadey in shaqada lagu tijaabiyo, Cabdi Maxamuud Cumar, oo markaasi ahaa Wasiirka Maalgalinta, siyaasadana ku cusbaa. ONLF iyo ungugyadeedu wey dhayalsanayeen Cabdi, oo qorshahoodii, waxba kama aysan badalin, dhalinyaradii Eriteria ay u direena wey soo noqdeen, oo waxay bilaabeen iney qaraxyo ka sameeyaan, isla markaana dad ganacasto & shaqaale dawladeed ah ku toogtaan badhtamaha magaalada Jigjiga. Cabdi Iley wuxuu markaasi xabsiga geeyay, dad uu ku tuhunsanaa iney ONLF yihiin, lugna ku lahaayeen xasilooni darrida magaalada ka bilaabatey. Balse unugyada ONLF oo aad u firin fircoonaa xubnahoodii wey ka sii deysteen xabsiyada.

Magaalada Jigjiga oo kaliya kuma ayna istaagine, waxay ONLF bilawdey iney khal khaliso shacabka miyiga ku nool, iyagoo weerarro isdaba joog ah ku qaadey, Coballe, Caado, Dhoobaweyn, & Iimey, dad shacab ahna ku laayey meelo fara badan oo deegaanka ah. Markii danbena, waxeyba weerar banbaanooyin ah la beegsadaan xafladii Ginboot ee magaalooyinka Dhagaxbuur & Jigjiga, iyagoo halkaasi ku diley dad ka badan 50 ruux, kuna dhaawacey masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyhii deegaanku.

Cabdi Iley, ma uusan waabannine, wuxuu go’aansadey inuu si rasmi ah u ogaado halka ay dhibaatadani salka ku hayso, wuxuuna abbaarey ubucdii ONLF ee magaalada Jigjiga, isagoo u shaqeynayey sidii askari boolis ah, hadh & habeena dhaxanta wareegayey. Wuxuu habeenba xadhig furaba, wuxuu aakhirkii gacanta ku dhigey, xogtii ONLF oo dhameystiran, xarumihii lagu maleegayey qaraxaydii shacabka lagu gumaadey iyo dhalinyaradii Eriteria lagu soo barey sida wax loo qarxiyo. Sidoo kale, wuxuu gacanta ku dhigey dadka markaasi iyagu laf-dhabarta u ahaa hawlaha shuftadu fulineysay ee xidhiidhinayey dadka wax qarxinayey iyo kuwa maal galinayey. Isagoo ku waaya aragnimo qaatey tallaabooyinkii hore ee uu qaadey, markan, xabsiga kaliya ma uusan geynine, wuxuu la tiigsadey xukun maxkamadeed, wuxuuna isu dhaafiyey xabsiga Ziwaay oo ku yaalla meel 100 Kilo Meter u jirta magaalda Naazret.

ONLF damaceedii ayey dib u liqdey,  kadib markii Hogaanku hogggaanka furey dabin walba oy maleegtey. Xafladii Ginboot ee kal hore, Cabdi, wuxuu shacabka Jigjiga ku soo shiriyey fagaarihii ay ONLF hal sano ka hor ku leysay shacabka faraha badan, isla markaana wuxuu damaanad buuxda ku siiye in dadku ay nabadgalyo ku ciidaan, isagoo dhex galey shacabkii gacantiisana ku wada salaamey. Magaalada Jigjiga, waxaa ka bilaabatey in shaqaalaha dawlada iyo dadka caadiga ahba ay kalsooni gasho.Sharaftii dawladnimada ayaa dib u soo laabatey, waxayna shacabku dhadhamiyeen macaanka ay nabadu leedahey.

Dadaalkaas dheer & natiijada ka dhalateyba, waxey hogggaanka dhaxalsiisey, in dawladu u abaal gudo, kuna siisey billad dahab ah. Kulankii uu Reysul wasaaraha Itoobiya; Meles Zenawi la yeeshay hoggaaminta sare ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, sannadkii ina dhaafey, ayuu Hoggaanka Nabadgalyada ku ammaaney, shaqada uu qabtey. Maanta wuxu Cabdi Maxamuud Cumar xubin ka yahey, guddiga fulinta ee xisbiga haya talada deegaanka; isagoo waliba ku jira guddiga sare ee go’aanka kama danbeysta ah ka qaata arrimaha waaweyn ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed.

Halkaas dadaalkiisii kuma uusan joojinnine, wuxuu Hoggaanku, u tabaabusheystay sidii uu ONLF, uga soo af jari lahaa miyiga iyo guud ahaan deegaanka Soomaaliyeed oo idil, si shacabka xoola dhaqatada ah uu ugu noolaado nabad iyo xasillooni.

Magaalada Jigjiga, iyo agagaarkeeda markii uu Hoggaanku, ONLF kaga adkeeyey, ayuu si uu deegaanka uga sifeeyo, wuxuu guda galey inuu daraasad ku sameeyo, sida ay miyiga uga hawl-galaan, isagoo xog badanka helay dhalinyarada ka soo niyad jabta la socodka ONLF, ee iskaga soo xaroota. Sidoo kale, wuxuu hogggaanku, xog ka soo helay shacabka dagmooyinka, wakhtiyadii uu shirarka ka soo qabanayey. Waxaa u caddaatey, in ONLF, ay tahey budh-cad damacsan iney shacabka kaga adkaato handadaad iyo dil, sidaas darteed, aysan taageero u haynin shacabka miyiga ku noolo.

Bishii August, ee 2008, mar ay Hoggaanka & Madaxweynuhu shir u qabteen shacabka gobolka Fiiqeed, ayey garwaaqsadeen, in ay lagama maarmaan tahey in tallaabooyin xoog leh la qaato si shacabka looga bad-baadiyo jirrida ONLF. Markaas ayaa xafiiska N/galyada & Wasaarada Gaashaandhiga, gaar ahaan taliska Koonfur-Bari, oo iskaashanaya ay dajiyeen qorshaha lagu dhisey “Ciidanka Khaaska” ee Deegaanka Soomaaliyeed. Kadibna, waxaa miisaaniyaddiisii laga ansixiyey Baarllamaanka deegaanka, September-2008

Kahor intaan Jinacsani tababarka loo xareynin qeybtii hore, wuxuu hoggaanku diyaariyey, shuruucdii & qawaaniintii ay ku dhaqmi lahaayeen ciidaankaasi khaaska ah. Waxaa dhanka kale, garab socotey taba barkan, diyaarinta hey’ad wardoon iyo daraasad lagu sameeyey halw-gallada ONLF, meesha ay wax u soo maraan iyo deegaanka ay gabbaadka ka dhigtaan, iyo waliba soo iibinta qalabkii & gaadiidkii ay ku hawlgali lahaayeen, ciidanka khaaska ahi.

Maalintii ciidii Carafo ka horeysay, ayaa magaalada Jigjiga ugu horeysay ciidankan, mar tababar loo keeney, bulshaduna aad ayey ugu faraxdey waliba u soo dhaweeyeen. Maalmo kadib, kadib markii tababarkii loo xidhey, waxaa la geeyey xarumo looga diyaariyey; Qabridahare, Dhanaan, Dhuxun & Bullaale.

Illeen, waa rag la soo diariyey  waajibkoodana garanayee, durba, waxay cashiro lama illaawaan ah u dhigeen ONLF. Bishii u horeysayba, kooxdii Dhanaan ka hawlgaleysay, waxay qudha ka jareen, Doolaal. Ma ayna ku istaagine, xagga Dhagaxbuurna, waxaa isku meel la dhigey 5 nin oo bud-dhige u ahayd, shuftada gobolkaas, uuna kamid ahaa ninkii isagu ka danbeeyey xasuuqii 40-ka ruux ee shacabka ah lagu laayey tuulada Coballe, laba sano ka hor; Cabdullaahi Guud-Cade. Raggan oo sida la sheegay markii la laayey ku xiniinya dirirahayey, Ina Cumar Cismaan waxaa ka mid ahaa, Maxamed Basey, Maxamed Xasan Bare, Muxumed Nuur iyo Maxamed Sheekh Mukhtaar. Dhanka Wardheerna, nin deegaanka Yucub aad shacabka u dhibi jirey oo lagu magacaabo Ilyaas, ayay ciidanka khaaska ahi dhulka soo dhigeen. Tiro malaha ONLF-at ay laayeen,, waxaanse ka soo qaadanney oo kaliya hoggaaminta caanka ahayd ee ay muddada yar kaga takhalluseen.

Haddaba, Ilka doofaar la sahansey oo shuftadii ay bulshada Soomaaliyeed 18-sano ka fadhiyi weyday, ee xasilooni iyo horumarba u diidey, muddo gaaban ayey ciidankani dharbaaxooyin ay la gagabaan ku dhufteen. Waxaa hadaba la guda galey sidii kor loogu qaadi lahaa tayada awoodeed iyo qalab isla mar ahaantaana loo kordhin lahaa tirada ciidankan, si loo soo afjaro, kooxahan nabdiidka ah.

Eegga.com