By Editor - Posted on February 10th, 2008
Wararka naga soo gaadhaya magaalada London ayaa sheegaya in Madaxweynaha Eriteria uu amar ku siiyey, Maxmaxe Cumar Cismaan iyo Cabdiraxmaan Maadey in ay si degdeg ah u soo galaan Asmara. U yeedhistan ayaa sida dad ku dhawdhaw Admiraalku sheegayaan waxay shaki galisey maamulka ONLF maadaama hawshii uu Isayaas uga fadhiya ay muuqatay in ay ku guul darreysteen.
Eriteria ayaa waxay qorsheysay in ay ONLF qaraxyo, dilal lagu hoobto iyo xasuuqyaba ka sameyso deegaanka Soomaalida si markaas ay ciidamadeeda Eritrea nafis uga helaan cabsida ay ka qabaan dagaal dhex mara iyaga Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee hawlgalladii bilihii u danbeeyay ciidamada Ethiopia ka fuliyeen deegaanka Soomaalida ayaa waxay keeneen in barnaamijkii Eritrea fashalmo kadib markii ONLF-tii noqotay wax la dilay, qaar badan oo is dhiibay iyo in yar oo iyagu wali dalka dhexdiisa ku tabaalaysan.
Eriteria waxaa horay u sii joogey, Cadaani Hirmooge oo dabayaaqadii sannadkii hore sida la xaqiijinayo meesha geeyay 43 dhalinyaro ah oo reer Dhanaan ah si markaas loogu tababaro siday dadka shacabka ah u gumaadi lahaayeen. Caddaani oo isagu ah ninka dhaxalka u helay xilkii Bashiir Makhtal ayaa waayadanba ku hawlanaa siduu Eriteria ku geyn lahaa da'yarta Ogadeenka ah ee jooga dalalka Ethiopia dariska la ah.
Sida wararku sheegayaan Maxamed Ismaaciil oo guddomiye ku xigeenka garabka Admiraalka ee ONLF wuu ka gaws qabsadey inuu tago magaalda Asmara wakhtigan xaadirka ah ee arrimuhu xasaasiga marayaan. Si kastaba ha ahaatee, maaalmaha soo socda ayaan ogaan doonaa qorshaha cusub ee Isayaas u soo dhiibo ONLF.
Eegga.com
London
By Editor - Posted on February 10th, 2008
Waxaan ahay nin dhalinyaro, waxaana sideedii sano ee u danbaysay ka tirsanaa jabhada ONLF, gaar ahaan xubnaha gudaha wadanka ka hawl-gala. Waxaan ku biirey markaan dhameeyay dugsiga dhexe, anigoo ka raacey meel u dhaw magaalada Dhagaxbuur bishii August ee sannadkii 2000. Intii aan ka tirsanaa jabhada ONLF, waxaan ka qayb galey dagaallo badan, qayb ka ahaa weeraradii lagu qaadey Garbo, Gudhis, iyo Coballe; waxaan dhaawacmey 6 jeer oo 2 kamid ahi ay aad halis u ahaayeen, dhaawicii i gaadheyna aanan wali ka soo kabannin.
Dhawr sano kadib markii aan ku biirey jabhada, waxaa soo baxay xan iyo hadal hoose oo ah in madaxda ururku is khilaafsanyihiin, balse aysan ahayn wax sidaasi u sii weyn. Inkastoo aana cidna sii weydiinin, haddana hadalada dhagaheyga ku soo dulayey, waxaa ka mid ahaa; Bashiir Ugaas Mahad ayaa laga wareejiyey dugsigii tababark, hub ayaa Itaxaad laga gadey, urur axmaara ah ayaa lala midoobey, Maxamed Siraad Doolaal ayaa arrimihii dibada laga baddaley oo meel kale la geeyey, iyo Salaxudiin baa qasnadii dhaqaalaha laga wareejiyey. Balse maamulkii ciidanka wax dhib ahi kama dhex jirin oo amarka meel unban ka qaadan jirney; Admiral Maxamed Cumarna mar walba farriimahiisa ayaa nasoo gaadhi jirey.
Muddo hada hal sano laga joogo, ayey hal mar xaaladu is baddashey oo waxaa soo if baxay khilaaf kii hore salka ku haya oo meel walba gaadhey. Markan iskamaana dhaga tirine, waxaan isku dayey inaan si dhab ah u ogaado waxa la isku hayo, waxaana iisoo baxdey in ururku u qeybsanyahey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan; Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo Dr. Maxamed Siraad Doolaal, aniguna aanan is ogeyne, aan ka mid ahay garabka Admiraalka. Kala qeybsanaanta markanina, waxay noqotey mid dhalisa muran aad xun oo dhex mara xubnaha & taageerayaasha ururka oo garaba garabka kale ku eedeeynayo inuu ka masuul yahey bur-burka ku yimid jabhada. Haddaan isku dayo inaan wax ka sheego, qodobbadii la isku eedaynayey, waxaan ka xusuustaa, sida soo socota
Wixii lagu eedeynayey Garabka Admiraal Maxamed Cumar Cismaan
· In xafiiskii Eriteria ee ururka uu ka wareejiyey Bashiir Ugaas Mahad, isla markaana Canada uga yeedhay Bashiir Axmed Makhtal oo uu adeer u yahey, kuna wareejiyey.
· In hubka ay Eriteria siin jirtey ururka uu ka gadan jirey Sheekh Xasan Daahir Aweys, Itaxaad, iyo Maxaakiimta, isagoo sabab ka dhigey in maadaama aysan Eriteria bixinnin waxaa hub ahayn uu qayb ka iibiyo maxaakiimta si markaasi kharash hawl fulin ah uga soo baxdo.
· In uu madixii jaaliyadaha ka baddaley Hanad Maalinguur, kuna wareejiyey seedigii Maxamed Macallin
· Inuu ka baxey sida la sheegay go’aan lagu heshiiyey oo ahaa in la weeraro magaalada Garbo kadibna Guunagado, balse uu ka war wareegay in Guunagado la weeraro kadib markii Garbo la galey. Arrintaasi oo ka cadheysiisay Sheekh Deeq, kuna kalliftey inuu iska dhaga tiro admiraalka isagoo amar ku bixiyey in la galo Guunagado, halkaasoo uu Admiraalku Sheekh Deeq ku eedeeyey inuu Al-Itaxaad yahey.
· In carruurtii ay Eriteria tababarka milatari ku soo siiyeen, markii ay xadka Soomaaliya & Ogaadeeniya u dhexeeya keeneen loo qaybiyey laba qeybood ; halkaasoo qeyb heybtoodu u badneyd Maalinguur lagu hagaajiyey dhanka Shilaabooo oo ay biyo la’aan badani ka jirtey, ayna noqdeen wax oon diley, wax la qabtey iyo wax la diley; halka kooxdii kale oo u badnaa jananka haybtiisa ay nabad qab ku tageen meeshii ay ku socdeen.
· In haweenkii ka tirsanaan ururka ee cadawga ka baxsadey, uu dhoofiyey Canbaro dheer iyo Rooda Afjano oo kaliye, isla mar ahaantaana uu iska indho-tirey in wax loo qabto Bishaaro Wacdi, Xabsa Macallin Cali, iyo Qasad, oo uu waliba u kala war xuma tashiiley, gaar ahaan Bishaaro iyo Qasad.
· Inuu qasnajigii ururka Salaxudiin Macow ku amrey inuu wixii lacag ah ku wareejiyo Ina Af-waranle oo uu ka dhigtey xisaabiye cusub
· Inaan si loo simanyahey loo daryeelin dhaawaca uruka, kaliyana la daweeyo kuwa ay isku qoyska yihiin; tusaale ahaan xilligii uu dhaawacmey Dhabuuke, uu jananku ka dhaga adeygay in Kenya lagu soo daweeyo, inkastoo ay arrintaasi markii danbe Caddaani ficil galisey kharashna u direy Dhabuuke. Hasa ahaatee markuu Admiraalku arrintaas maqley, wuxuu Caddaani ku yidhi ‘ninkan Obada ahi Ugaas-Nuur uma dhalannine yuusan isku keen dirin’
· Inuu guryo ka iibsadey magaalada Qaahira ee Wadanka Masar
· Inuu shirqool ku diley hoggaamin badan oo ururka ahaa, isla markaana ku eedeyn jirey in ciidanka dawladu dileen
· In Admiraalka iyo Caddaani ay isku dayeen iney khaarajiyaan Doolaal iyo Macow iyagoo jooga xerada qoxootiga ee IFO wadanka Kenya
· Inuu ka danbeeye xadhiga 8 ruux oo ay booliska Eriteria ku xidheen xero qoxooti oo ku taalla Musawac; dadkaasi waxaa ka mid ah Nasro Siraad Doolaal oo ay wada dhasheen Maxamed Siraad Doolaal
1. Wixii Lagu Eedeynayey Garabka Dr. Maxamed Siraad Doolaal
· Inuu sir badan gacanta u galiyey cadawga; islmarkaana fashiliyey xubnihii sida qarsoon uga hawl-gali jirey magaalooyinka, laf-dhabartana u ahaa dhaq-dhaqaaqa ururka, sida Fawzi Cali Cabdi, Xasan Axmed Makhtal, Cabdullahi Daahir, & Carab Soocane
· Sidoo kale wuxuu cadawga gacan ku siiyey Mobile lanbarkii Axmed-daahir Xasan Makhtal oo lagu diley duleedka Jigjiga isagoo hawl-gal weyn markaasi soo fulieye magaalda Jigjiga.
· In Doolaal iyo Bashiir Ugaas Mahad ay cadawga gacan weyn ku siiyeen qabashadii Bashiir Axmed Makhtal, iyagoo dakano ka dhaxeysay u daba socdey
· In isaga iyo Salaxudiin Macow ay internetka galiyeen cajalado laga duubey General Cabdulahi Mukhtaar oo halkaasi sir badan oo ururka ay banaanka dhigeen
· Iney qafaasheen warbaahintii ururka sida Radio Xoriyo
· Inuu cadawga gacan ku siiyey qabashadii Dhiire Caafi iyo C/nuur Maxamed Sooyaan, kuna farxeen qabashadooda
· In Doolaal iyo Macow ay qaybsadeen lacagtii ku jirtey qasnadii ururka ee Jarmalka
· Inuu Doolaal u habar-wacdey Sheekh Xasan Cabdile-Turki, halkaana lagu soo taakuleeyey ciidan badan iyo dhaqaale
Markaan xogtaa helay kadib, waxaan sii dhugsadey bal inaan ogaado, sida ay golaha dhexe ula kala safanyihiin labada garab, iyadoo xubnaha qaarna loo badinayo garab, ayey hadana jiraan qaar tuhun laga qabo garabka ay raacsanyihiin , kuwa markaasi dhagahayga soo gaadhayey, waxay u kala safanyihiin sida soo socota
Garabka Maxamed Siraad Doolaal
1. Salaxudiin Macow
2. Cabdi Caddood
3. Dhabuuke Ceelaabe
4. Mustafe Haybe
5. Cabdullahi Yaasiin
6. Maxamed Wali Cabbaas
7. Hanad Maalinguur
8. Bashiir Ugaas Mahad
Garabka Maxamed Cumar Cismaan
1. Sulub Cabdi Axmed
2. Daahir Private
3. Muxumed Anni
4. Maxamed Macallin (Seedigii)
5. Canbaro Dheer
6. Cabdullahi Guud-cade
7. Maxamed Basey
8. Sanweyne
Koox labada Garaba La Shaqeysa
1. Cabdiraxmaan Maadey
2. Diirane Cabdi Yaasiin
3. General Cabdulahi Mukhtaar
4. Axmed Majeerteen
Haddaba, markii aan arkey halka xaal marayo, kala qaybsanaantuna meel hoose gaadhey,oo hayb-hayb loo kala baxey, waliba ay billaabatey , uusxabaal, shirqool iyo dilal gaadmo ah oo meel ay ka socdaan aan la garaneynin ayaan garwaaqsadey iney tahey dhaxalkii iyo natiijadii ka soo baxdey maatadii aan moora-duugney, ummulihii aan dooxney, carruurihii aan gawaadhida ku gubney, reerihii aan subax walba galeynay, diinta Islaamka een rabitaanknaga siyaasadeed ku saleynayney, isla markaana turjumaad khalad ah ka bixineynay. Waxaa maskaxdeyda ka weynaatey danbiyadaas, oo aan kala garan waayey in maankeygu qummanaa iyo in kale, mar walbana waxaa maankeyga ku soo dhacayey gaadhi dad shacab ah wadey oo marayey meel u dhaw magaalada Wardheer oo la igu amrey inaan miino waddada u galiyo, la iina sheegay inuu gaadhi cadawgu leeyahey wadada mari doono, halkaasna ay ku nafwaayeen 13 ruux oy ku jireen laba carruur ah oo naaska nuugaya iyo hooyooyinkood, iyo wiil 18 jir ah oy labada lugood ka go’een.
Markaas, ayaan billaabey inaan la tashado asxaabtii aan isugu dhaweyn oon is weydiino, sidii aan yeeli lahayn. Tashi badan kadib, waxaa noo soo baxdey iney xaaladu xuntahey sii joogna lahayn sababtoo ah ururka dhexdiisii oo la isku halleyn karin oo dilala gaadmo ahi ka bilawdeen, taageeradii shacabka oo yaraatey, iyo isku dhacii MJXSG iyo jabhada, iyo tii cadawga oo noo sii dheereyd. Waxaan annagoo 5 dhalinyaro ah ku tashaney sidaan saxariirkan kaga bixi lahayn, halkaasoo 3 naga mid ahi ay gumeysiga isu dhiibeen, aniga iyo saaxiibkeyna aan Kenya soo galney.
C/raxmaan Qarxiye
Garrisa/ Kenya
By Editor - Posted on February 10th, 2008
Magaalada Diridhabe oo ay ku noolyihiin dad badan oo Soomaali ah, ayaa waxaa la filayaa in maamulkeeda madax looga dhigo muwaadin ka soo jeeda qawmiyada Soomaalida.
Sida qorshuhu yahay wxuu isbaddalkani dhici doonaa sannad kadib marka la qabto doorashada xaafadaha ee magaaladaasi. Nidaamka maamul ee hada ka jira Diridhabe ayaa wuxuu ka dhashey heshiis ay galeen xisbiga EPRDF iyo xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida ee SPDP, oo ku heshiiyey in labadii sanoba uu midkood magaalada Mayor u magacaabo.
U diyaar garowga doorashooyinka ka dhici doona Diridhabe iyo sidii Soomaalidu kaalin fiican uga qaadan lahayd, ayaa waxaa ku hawllan oo magaalada Diridhabe ku sugan, Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida, Cabdullahi Xasan iyo Guddoomiyaha Xisbiga haya talada deegaanka, Daa’uud Maxamed Cali.
Eegga.com
Diridhabe
By Editor - Posted on February 10th, 2008
Kulan aad u weyn oo ay shaley isugu yimaadeen masuuliyiinta kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, ayey ku doorteen ergadii dawlada u matali lahayd shirweynaha xisbiga ee furmi doona horaanta 1da bisha March. Ergada loo doortey iney dawlada matalaan oo ay tiradoodu tahey 9 qof ayaa ka kooban wasiiro iyo hoggaamo, waxaana lafilayaa iney xubnahaasi noqon doonaan maamulka cusub ee loo sameyn doono xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida. Inkasotoonaan wali helin magacyada xubanaha oo idil, haddana waxaa naloo xaqiijiyey iney ka midyihiin xubnaha lagu doortey shirkii shaley, Hoggaanka Nabadgalyada, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Ka Hortaga Msiiboyinka, Wasiirka Ka Hortaga AIDSka, iyo afar wasiir oo kale. Horey waxay 52-da dagmo ee dawladu ka koobantahey u soo magacawdeen min 6 xubnood oo uga qayb gali doona kalfadhiga xisbiga. Shirweynaha xisbiga ayaa la filayaa in lagu dhisi doono maamul dar dar galiya hawlaha horumarinta iyo nabadgalyada, iyadoo xooga la saarayo dhanka tayada. Eegga.com Jigjiga
By Editor - Posted on February 10th, 2008
Wasaarada Arrimaha Dibada ee wadanka Kenya, ayaa qoraal ay dawlada Ethiopia u soo qortey ku sheegtay in hadalkii uu BBC-da ka sheegay, ku xigeenka af-hayeenka baarllamaanka Kenya, Faarax Macallin uusan ahayn mid ka turjumaya aragtida dawlada ee uu ahaa ra’yi u gaar ah Faarax, isla markaana aysan u dul qaadan doonin cid kasta oo iney xumeyso isku dayda xidhiidhka qotada dheer ee Kenya iyo Ethiopia.
Sida uu noo sheegay sargaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ethiopia, waxaa kale oo qoraalka dawlada Kenay uu xanbaarsanaa in ay baadhitaan ku sameyn doonaan xidhiidh ka dhexeeya Faarax Macallin iyo aragagixisada geeska Afrika.
Hadalka uu Faarax ka sheegay idaacada ayaa waxaa dhanka Ethiopia, horey jawaab uga bixiyay, hoggaanka nabadgalyada ee dawlada deegaanka Soomaalida, oo wareysi siiyey idaacada Voice of America.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on February 10th, 2008
Hawlgal aad u ballaadhan oo ay hey’adaha kala duwan ee nabad galyada u qaabilsan Dawlada Deegaanka Soomaalidu, labadii todobaad ee ina dhaafey ka fuliyeen magaalda Jigjiga, ayaa lagu fashiliyey dabinno ay ururada nabadiidka ahi maleegeen. Kadib markii goobo ay ONLF waayahan gabbaad ka dhiganeysay oo ka tirsan gobolka Fiiq, lagu soo jabiyey, shuftadiina wax dhintey iyo wax cararey lag dhigey, ayey waxay magaalda Jigjiga u soo direen dhalinyaro Eriteria lagu soo barey sida wax loo qarxiyo, kuwaasoo dhawr qarax ka sameeyay magaalada.
Waxaa hawlgalkan hadda dhamaadey lagu soo qabtey ninka lagu magacaabo, Xasan Axmed oo isagu bud-dhigaha u ahaa qaraxyadii u danbeeyay ee magaalada Jigjiga ay nabadiidku ka sameeyeen. Sida laga ogaadey xubno ONLF ah oo iska soo dhiibey gobolka Fiiq, waxaa ay sheegeen ninka lagu magacaabo Khadar-Dheere oo isagu in mudda ahba ku xidhnaa magaalda Jigjiga, inuu ahaa ninkii gacanta ka tuurey bamkii laayey dadkii ka soo qaybgaley xafladii Ginbood ee magaalada Jigjiga lagu qabtey kal hore, islamarkaana dhaawaca u geystay, madaxweynaha deegaanka Cabdullaahi Xasan. Khadrar-Dheere ayaa isagu markii hore u xidhnaa oo kaliya inuu ka tirsanaa ONLF, isla markaana tababar sida wax loo qarxiyo ah ku soo qaatey Eriteria, balse u sheegay xubno ONLF ah oo xabsiga ku soo booqdey ineysan dawladu ogeyn inuu ku lug lahaa qaraxii May 28, ee dadka shacabka ah lagu laayey. Nabad-sugida deegaanka ayaa sheegay iney hayeen magaca ninka tuurey bamka, sababta Khadar-Dheere qariseyna ay ahayd inuu sheegtey magac kale markii boolisku qabtey.
Qaraxyadii Jigjiga ka dhacey, sida la sheegay waxaa ka qayb qaatey 7 xubnoo oo ka tirsan ONLF, ku waasoo afar ka mid ah la qabtey, labana ay ku dhinteen falalkey fulineyeen, halka wali la raadinayo mid ka mid ah. Magaalada Jigjiga ayay haatan xaaladeeda amni aad u wanaagsantahey, kadib markii si rasmi ah xididdada loogu siibey shuftadii nabadiidka ahayd ee damacsanaa iney khalkhal galiyaan xasiloonida magaalada.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on February 18th, 2008
Waxaa magaalada Jigjiga ka furmey qiimeyn aad u ballaadhan oo ku socota xeer ilaalinta heer kilil, heer gobol iyo degmo ee gobollada Jigjiga, Dhagaxbuur, Qoraxay Fiiq, Wardheer iyo Shinniile. Wasaarada Caddaalada oo aan in muddo ah qiimeyn lagu sameynin, ayaa lagu qiimeyn doonaa xeer ilaaliye walba sida uu u gutey waajibaadkiisi.
Waxaa qiimeynta maamulaya gudi xukuumadu u saartey oo uu madax ka yahey Hoggaanka Nabadgalyada iyo Caddaalada, Cabdi Maxamuud Cumar. Saddexda gobol ee hadhey ayaa la filayaa in iyagana la billaabo bisha soo socota.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on February 19th, 2008
Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida, Cabdullahi Xasan ayaa billaabey qiimeyn uu ku sameynayo waxqabadkii golaha wasiirrada. Qiimeyntan oo ah mid la sameeyo lixdii bilood ba mar ayaa lagu qiimeyn doonaa shaqadii la qabtey lixdii bilood sannadka 2000, taariikhda Ethiopia.
Qiimeynta ayaa waxaa ay ka socotaa qolka shirarka ee ku dhexyaala madaxtooyada deegaanka ee magaalada Jigjiga. Wali ma ogin wasaaradaha la qiimeeyay, iyo faah faahinta halka ay mareyso, waxaanuna dhaqsa ah u soo daabacno marka xogtaasi na soo gaadho.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on February 21st, 2008
Waxaa magaalda Jigjga kusoo qul qulaya ergooyin ka kala socda 52 dagmo ee
deegaanka Soomaalidu ka koobanyahey ku waasoo ka qaybgaldi doona
shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed oo furmi doona
7-da bisha March oo ku beegan 28-bisha የካቲት.
Sida uu Eegga.com u sheegay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga; Mudane
Daa'uud Maxamed Cali, waxaa kale oo shirka ka soo qaybgali
doona ergooyin ka iman doona deegaannada kale ee Ethiopia, iyo
masuuliyiin ka socota dawlada Federaalka.
Waxaa kale oo shirweynaha xisbiga markii ugu horreysay ka qaybgali doona wufuud ka
socota jaaliyadaha kasoo jeeda deegaanka soomaalida Ethiopia.
Eegga.com
Jigjiga.
By Editor - Posted on February 22nd, 2008
Dagaal aad u weyn oo dabaayaqadii sannadkii ina dhaafey ka dhacey agagaarka magaalada Galaalshe, ayaa waxaa jab weyni ka soo gaadhey ONLF, jabkaasoo sababey in wixii badbaadayi ay isasoo dhiibaan. Haddaba shirweynihii nabadgalyada ee gobolka Fiiqeed ka dhacey bishii January, ayaa waxaa yimid dhalinyaro naftooda soo bad baadisey oo ka waramaya wixii ka dhacey Galaalshe iyo guud ahaan dhibaatada budhcadnimadu leedahey.
Halkan Ka Daawo Muuqaal Caddeynaya Arrintaas
Eegga.com
Fiiq
By Editor - Posted on February 23rd, 2008
Jijjiga, February 22, 2008 (WIC) – The Disaster Prevention and Preparedness Agency (DPPA) said relief food has been properly distributed in Somali State.
Agency Deputy Director Gebremedihn Belay made the above remark recently while briefing a delegation comprising the United Nations Chief Coordinator in Ethiopia and ambassadors of different countries residing in the country that toured the state to assess the humanitarian condition in Somali State.
He said the swift measures taken during the past three months have helped prevent the food shortage that occurred earlier in the state.
According to him, 230,000 quintals of relief food has so far been distributed, which is 94 percent of the set target.
The number of needy has been declining, he further said adding that the distribution of relief food would also gradually fall if even rainfall distribution follows.
Somali State Chief Administrator, Abdulahi Hassen on his part warned anti-peace forces like the Ogaden National Liberation Front (ONLF) to refrain from disseminating erroneous information about the existence of humanitarian crisis in the state.
No single person has been displaced due to food shortage and there is no humanitarian crisis whatsoever, Abdulahi said urging those in doubt to visit the state and witness the truth.
Some international humanitarian organizations have been disseminating wrong information as they were forced to leave the state after being caught while supplying terrorists with drugs and providing other kinds of support, he said, pointing out the door is closed to those organizations that undertake covert acts under the disguise of providing humanitarian assistance.
The Chief Administrator finally told the delegation that they could visit any part of the state to see the objective reality.
By Editor - Posted on February 29th, 2008
Qabri-Dahar (www.eegga.com). Wararka ka imanaya Magaalada Qabri-Dahar ayaa sheegaya in maalintii Isniintii ee bishu ahayd February 26, 2008, ay maleeshiyo ka tirsan maleeshiyaad beeleedka Degmada ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan argagixisada UBO meesha la yidhaahdo Ceelka Mararaale oo ka tirsan Degmada Qabri-Dahar kana xigta dhinaca Goglaha.
Wararka waxay intaa ku darayaan in maleeshiyadaasi ay weerar ku qaadeen argagixisadaas oo lagu soo sheegay in iyagoo firxad ah ay degaankaa soo galeen. Sida aanu ka helnay illo xog-ogaal ahi, waxaa kaloo argagixisada nabad-diidka laga furtay hub gaadhaya ilaa 4 qori.
Sida la wada ogsoon yahay, waxaa tirada nabad-diidka UBO ee Maleeshiyada Qabri-Dahar ay dishay isla bishan gudaheeda ay gaadhaysaa ilaa 7 argagixiso. Waxaa maleeshiyadan oo aad u habaysan iskuna xidhan ay ilaa iminka nabad-diidka UBO ka furteen hub aad u fara badan.
Wararka kale ayaa iyaguna tibaaxaya in dagaalkan u dambeeyay ay laba qof ka dhaawacmeen Maleeshiyada Qabri-Dahar, kuwaas oo isla maantaba diyaarad kuwa qumaatiga u kaca lagaga soo qaaday Qabri-Dahar oo la keenay dhakhtarka Harar. Dhakhaatiirta caafimaadka ee Qabri-Dahar ayaa ku sifeeyay in dhaawaca labada xubnood soo gaadhay uu yahay dhaawac fudud.
By Editor - Posted on February 29th, 2008
Jigjiga (www.eegga.com) Waxaa gaba-gabo mareysa waddada isku xidha magaalooyinka Jigjiga iyo Harar oo dhismeheedu waayadanba socdey. Qiyaastii waxaa labada magaalo u dhexaysa masaafo dhan 105 Kilometer, waxaana la dhameeyay 90%. Mashruucan oo la bilaabay bilowgii sannad-miisaaniyeedkii aan soo dhaafnay ee taariikhda Itoobiya waxaa qandaraas ku qaatay Shirkad ka diiwaan-gashan dalka Shiinaha oo la yidhaahdo China Roads & Bridge Construction Company (CRBCo).
Dhismaha waddooyinka deegaanka Soomaalida ayaa u socda si dardari ku jirto, iyadoo dhismaha jidkan uu barbar socdo mashaariic kale oo lagu samaynayo laamiyo oo kala ah Mashruuca Laamiga ee Jigjiga-Wajaale, Mashruuca Laamiga ee Qabribayax-Dhagaxbuur, Mashruuca Laamiga ee Qabridahare-Shaygoosh, Mashruuca Laamiga ee Qabridahare-Dhanaan, iyo Mashruuca Laamiga ee Dhanaan-Godey.
Dhinaca kale hawsha Mashruuca Laamiga ee Dhagaxbuur-Qabribayax aya iyaduna ku dhaw meel dhamaad ah, taasoo abuurtay in ay wax ka badasho hanaanka qaab-nololeed ee bulshada Degaanka ku nool.
By Editor - Posted on March 1st, 2008
Shuftada ONLF ayaa xaley kawdii habeennimo magaalada Dhagaxbuur ku dishey Hooyo, Shuun Maxamed Kheyr-Sheeg, kuna dhaawacey ninkeedii, Maxamed Sheekh Cabdi iyo gabadh yar oy dhaleen oo jirta 3 bilood.
Kooxda dilka gaysatey oo ahaa 5 nin ayaa markey soo galeen guriga reerka oo ku yaalla xaafadda 3aad, xabad afka kaga dhuftey Hooyo Shuun, xabbad kalena isu mariyey Maxamed Sheekh oy kallida kaga dhacdey Shuuna dhabarka, halka gabadhii yareydna lugta kaga dhacdey.
Hooyo Shuun waxay ifka kaga tagtey 7 carruur ah oy u yartahey gabadha dhaawaca ah ee 3-da bilood jirtey oo loogu yimid iyadoo jaqeysa dhiigii hooyadeed. Carruurta inteedii kale ayaa argagixii la kala cararey oo la la’yahey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Eegga.com
Dhagaxbuur
By Editor - Posted on March 4th, 2008
Wasaarada Caafimaadka Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa soo gabagabeysay naqshadii Isbitaal weyn oo laga dhisayo magaalada Jigjiga. Isbitaalka oo ay ku bixi doonto kharash dhan $30 Malyuun, ayaa waxaa la rajeynayaa in dhismihiisa la dhameystiro sannadka soo socda. Isbitaalkan oo loogu magac darey Jijiga Referal Hopital, ayaa ka koobnaan doona qaybo kala duwan oo lagu daaweeyo cudurrada kala duwan.
Deegaanka Soomaalida oo ay ku yaryihiin isbitaallada waaweyn ayaa la filayaa in dhismaha isbitaalkani wax weyn ka baddalo, una fududeeyo in ay bulshadu daaweyn ku hesho deegaankooda dhexdiisa. Wasaarada Caafimaadka ee deegaanka Soomaalida ayaa la filayaa in dhismaha isbitaalkan ay go’aan ka gaadho shirkadii dhisi lahayd todobaadka fooda inagu soo haya.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 4th, 2008
Waxaa galabta magaalada Jigjiga ka furmey shirkii golaha dhexe ee xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida. Shirka hordhac u ah shirweynaha xisbiga oo furmi doona maalinta Jimcaha ah ee soo socota, ayaa socon doona laba maalmood.
Dhanka kale waxaa magaalada Jigjiga soo buux-dhaafiyay ergooyin ka kala yimid dagmooyinka deegaanku ka koobanyahey oo ka qayb galaya shirweynaha xisbiga. Ilo lagu kalsoonyahey ayaa Eegga.com u sheegay in ay suurta gal tahey in la dhimo tirada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga iyadoo muhiimmada la saarayo dhanka kartida iyo tayada. Golaha dhexe ee hada jira ayey tiradiisu tahey 75 xubnood.
Wixii ka soo kordha iyo habka uu u dhoco shirweynaha xisbiga waxaad kala socon kartaa Eegga.com
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 7th, 2008
Maanta oo ay bisha March 7, 2007 waxaa qolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga ka furmey shirwynihii 5aad ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka badan 400 oo ka kala yimid 52-da dagmo ee deegaanku Somalidu ka koobanyahey, waxaa lagu furay riwaayad iyo heeso baraarujin oo ay diyaarisay kooxda Ilays ee booliska deegaanka Soomaalida.
Riwaayadda dabadeed, waxaa khudbad soo dhaweyn ah soo jeediyey guddoomiye ku xigeenka xisbiga, Mudane Daa’uud Maxamed Cali, oo ay uga danbeeyeen wakiilo ka socdey axsaabta bah-wdaagta la ‘ah xisbiga oo ka kala yimid qaybo ka mid ah degaamada kale. Islamarkaana waxaa kale oo hadal kooban ka soo jeediyey, shirka la taliyaha arrimaha amniga ee raysul-wasaaraha, Ato Abay Tsehay oo muujiyey in dawlada federaalka iyo ururka EPRDF-ba ay taageero weyn u hayaan shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed.
Intaa kadib waxay ergadii dooratay shanta xubnood ee noqon doona shirguddoonka, oo kala ah; Daa’uud Maxamed Cali, Cabdullahi Xasan, Cabdifataax Sh. Cabdullaahi, Axmed Carab iyo Cabdinasir Axmed.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa ergooyinku ay galabta ku dhageysan doonaan warbixinta golaha dhexe ee xisbiga, dabadeedna waxay ka doodi doonaa qorshaha xisbiga ee labada sano ee foodda innagu soo haya.
Xaalada shirku halka ay kolba mareyso kala soco Eegga.com
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 8th, 2008
Maanta waxay ahayd maalintii labaad ee shirweynihii 5aad ee XDSHS. Waxaa shirka lagu billaabey warbixintii golaha dhexe ee xisbiga oo uu soo jeediyey guddoomiye ku xigeenka xisbiga, Daa’uud Maxamed Cali. Warbixintaas oo taabatey dhinacyo kala duwan, waxaa dhalliil loogu soo jeediyay xubnaha xisbiga, gaar ahaanna waxay warbixintu tilmaantey in qaabdhismeedka xisbigu uu noqdey caqabada ugu weyn ee haysata xisbiga iyo waxqabadkiisaba.
Dhageysiga warbixintaas kadib wuxuu shirweynuhu guda galey in laga doodo caqabadaha hortaagan xisbiga heer gobol iyo heer dagmaba, tii oo gobol waliba uu soo bandhigey aragtidii uu ka qabey warbixinta, caqabadaha ka horyimid qorshayaashsha xisbiga, iyo waxay u arkaan xalka dhibaatooyinka. Doodihii gobollada oo aan soo koobnayna waa sidan:

Fiiq
Markii ugu horreysayba waxaa doodii la siiyey ergadii ka socotey gobolka Fiiq, oo warbixinta shirweynaha lagu xusey in bilihii u danbeeyay isbadal la taaban karo laga gaadhey hawlgalladii nabadgalyo ee gobolkaas laga fuliyay. Xubnaha xisbiga ee gobolkaasi waxay shirka ka sheegeen in xubno ka tirsan baarllamaanka federaalka iyo golaha dhexe ee xisbiga oo gobolkaas laga soo doortay ay khaakhuul galiyaan hawliha xisbiga iyo xukuumaddu ka wadaan degmooyinka kala duwan ee gobolka, waxaana magacyada halkaa lagu xusay ka mid ahaa Bashiir Cabdullahi Caydaruus, Axmed C/caziiz, Aflow, iyo Feysal Daahir Xaashi oo intaba lagu tilmaamay in ay si isku xidhan u turuntureeyaan hirgalinta nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Qoraxay
Inkasta oo warbixinta xisbigu ay tilmaantey in gobolka Qoraxay aysan hawlihii nabadgalyo sidii loo baahnaa u suurta galin, haddana waxay ergadu shirka ka sheegeen hawlgallo dhowr ah oo nabadiidka lagu wiiqay oo dhacay kadib intii warbixinta la diyaariyey. Sidoo kale, waxay ergada Qoraxay ka eed sheegteem magacyada dad ay sheegeen in ay qas iyo lab ku dhex wadeen nidaamyadii lagaga hor tagayay nabadiidka, dadkaas waxaan ka mid ahaa: Khadar Macallin Cali, Raxma Maxamuud Haybe, Fardawsa Geelle, iyo Cabdullahi Maxamed Cali Taraar.
Afdheer
Ma aysan jirin caqabad wayn oo dhinaca amni-darrada ah oo warbixintiu ku xustey gobolka Afdheer, hasa yeeshee waxay ergadu ka cawdeen maamul xumo iyo masuuliyiinta gobolka oo ay sheegay in xildhibaano heer killil ahi ay u gacan dhaafeen maamulladii dagmooyinka. Hoggaanka Horumarinta Xoola dhaqatada ee DDS, Axmed Shide, ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah xubin aan baarllamaan ahayn ugu magacaabey guddoomiyaha dagmada Gurra Dhaamoole. Dhanka kalena waxay caqabad haysata ku tilmaameen Maxamed Cabdi Xamow, Rashiid Xaaji, iyo Axmed Shide.
Dhagaxbuur
Gobolka Dhagaxbuur waxay warbixintu ku sheegtay in aan natiijooyin badan laga gaadhin hawlgalladii nabadgalyada ee gobolkaas horaan looga fuliyey. Guddoomiyaha gobolka, Ibraahim Diriq, ayaa isagu shirka ka sheegay in dadaalkii loogu jirey in lagu sifeeyo nabadiidka ay dhabar jab ku keeneen xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbiga isagoo waliba magac dhabey, Jamiil Muxumed Gaas. Dhinaca kale shir guddoonka ayaa iyaguna ku nuux-nuuxsaday in ay jirto caqabad ka weyn xildhibaannada qalalaasaha ku dhex wada bulshada, iyaga oo ka shanqadhiyay in ay jiraan sababo kale oo qarsoon oo keenay in aan wali la helin magacyada 83da oday ee ku xidhnaa Admiral Mohamed Omar Osman oo horaan maamulka loogu xil saaray in ay soo helaan sharcigana hor keenaan.
Kadib markii ay dhammatey warbixintii gobollada shaley, ayaa waxuu shirguddoonku fursad siiyey xubnihii la soo eedeeyay, waxaana ka mid ahaa xubnihii is difaacey Khadar Macalin Cali oo shirka ka sheegay inuusan caqabad ku noqonnin hawlgalladii nabadgalyo ee gobolka Qoraxay.
Wixii ka soo kordha kala soco Eegga.com
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 9th, 2008
Markii saaka la isugu soo noqdey qolkii shirku ka socdey, waxaa isla markiiba la guda galey doorashada golaha dhexe ee xisbiga. Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo tiradooda laga soo dhimey 75, lagana dhigey 47, ayaa waxaa ka mid ahaa raga ku sii jirey ee dib loo doortey; Cabdullaahi Xasan, Daa’uud Maxamed, Cabdi Iley, C/fataax Sh. C/llahi, Axmed Carab, Ibraahim Yuusuf, Caydaruus Baaruud,iyo kuwo kale, waxaana ka mid ahaa xubnaha ku cusub golaha dhexe, C/raxmaan Gurey, Maxamed Dirir Cumar, Ubax Aadan iyo xubno kale oo badan. Dhanka kale waxaa xubinnimadii golaha dhexe waayey xubnihii shirkii shaley la eedeeyay, iyo qaar kale oo ay tirada golaha dhexe ee la dhimey saameyn ku yeelatey. Sidoo kale waxaa iyana la doortey 5 xubnood oo ah guddiga baadhista iyo kormeerka oo kala ah; Cumar Cabdi Maydhax, Guuleed Cabdullaahi, C/rashiid Shariif, Farxaan Xuseen, iyo Xikam Sh. Cabdullahi.
Gabagabadii shirweynaha, waxaa hadallo ka soo jeediyey masuuliyiin ka socotey Ururka Nabada & Horumarka Soomaalida Ethiopia, oo lagu martiqaadey shirweynaha. Niskii danbe ee maantana, waxaa shir dib u galey xubnihii loo doortey golaha dhexe, waxaana guddoomiye loo doortey Cabdifataax Sheekh Cabdullahi, Daa’uud Maxamed Calina ku xigeen halka Axmed Carab loo doortey xogahayaha X.D.SH.S. Xubnaha kale ee guddiga fulinta loo doortey waxay kala yihiin; Cabdullahi Xasan, Cabdi Iley, Maxamed Rashiid, C/raxmaan Gurey, Axmed Sheekh, Dr. Axmed Maxamed, Suldaan Wali, & Cbdisalaan.
Ergooyinkii ka yimid dagmooyonka kala duwan ee deegaanka Soomaalida, ayaa la filayaa iney horaanta todobaadka danbe u kala anababaxaan goobihii ay ka yimaadeen.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 12th, 2008
Warbixin ay ay wasaarada Arrimaha Dibada ee Mareykanku soo saartey malaintii Talaadada ee ay bisha March ahayd 11, ayaa sheegtey in kooxda nabadiidka ah ee ONLF ay masuul ka ahaayeen dilal loo geystay shacab aan waxba galabsannin, leexsasho cunto gargaar ah, iyo kumanyaal dad masaakiin ah oo laga qixiyey deegaannadoodii.
Dhacdooyinka warbixintu ka warameyso ayaa dhacey sannadkii ina dhaafey ee 2007,oo ay kooxda nabadiidka ahi deegaanka Soomaalida ku laayeen in ka badan 300 oo ruux oo shacab ah. Inkastoo hey’adaha xuquuqda aadamaha u doodaayi ay marar hore sheegeen tacadiyada ay ONLF u geysato shacabka, haddana waa markii u horreysay ee warbixin dawlada Mareykanku diyarisey si cad loogu sheego dhibaatada ay ONLF u geysato shacabka deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 17th, 2008
Mashruuca warowga ee galbeedka Godey oo kamid ah mashaariicda waaweyn ee sannadkan laga hirgalinayo deegaanka Soomaalida, ayaa ku dhaw heer gabagabo ah. Mashruucan oo loogu talagaley in beero iyo deegaan loogu sameeyo xoola-dhaqatada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa hada la dajinayaa qoysas gaadhaya 4000 oo qayb ka ah 27,000 oo qoys la damacsanyahey in la dajiyo marka la dhameystiro.
Goobta mashruuca laga sameeyay oo magaalada Godey u jirta 70 KM, ayaa dadka la dajin doono loogu diyaariyey cisbitaal, laba dugsi oo hoose-dhexe, waxaana wali lagu guda jiraa sidii loo biyo galin lahaa. Maamulka mashruuca, waxaa gacanta ku haya gudi isku dhaf ah oo kakala socda xafiisyo kala duwan, guddoomiyena uu ka yahey, Madaxweynaha deegaanka, Cabdullaahi Xasan.
Eegga.com
Godey
By Editor - Posted on March 22nd, 2008
Kadib shirweynihii 5aad ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed, waxaa qiimeyn lagu sameeyay maamulladii sagaalka gobo lee deegaanka Soomalaidu ka koobanyahey, halkaasoo la soo dhisey masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku qoranyhiin oo lagu soo xuley heerkooda aqooneed iyo kartidooda shaqo.
Mawliid Haayir Jigjiga
Ibraahim Cabdi Caydiid Dhagaxbuur
CabdiKariim Sh. Cumar Qoraxay
Guuleed Caligari Wardheer
Cabdi Xuseen (Sonkor) Godey
Xasan Cabdullahi Riyaale Shinniile
C/Naasir Maxamed Adan Liibaan
Muxiye Maxamed Guuleed Fiiq `
Sahal Faarax Xasan Afdheer
Maalinta Isniinta ah ee bisha March tahey 24, waxaa magaalada Jigjiga tababar ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa tayada maamulka uu uga furmi doonaa golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomalaiyeed, iyo hoggaaminta hada la magacaabey ee heer gobo l ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 25th, 2008
Waxaa Machadka Maamulka ee magaalada Jigjiga shaley ka furmey tababar ku saabsan sidii loo kobcin lahaa awooda maamulka, oo loo furey xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed iyo guddiyada fulinta ee gobollada deegaanka Soomaalida. Tababarka waxaa bixinaya Reysul wasaare Meles Zenawi iyo lataliyihiisa dhinaca amniga, Abay Sahey, iyagoo video conference ku bixinaya duruusta, kadibna, waxaa ka doodista hoggaaminaya xubno iyagu horey tababarkan ugu soo qaatey xafiiska Reysul wasaaraha.
Xubnaha cashirka qaadanaya ayaa loo qaybiyey shan kooxood oo ay kala hoggaaminayaan; Madaxweynahe Cabdullahi Xasan, Hoggaanka Nabadgalyada, Cabdi Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga, Cabdifataax Sh. C/llaahi, Gudoomiye ku xigeenka, Daa’uud Maxamed Cali, iyo Xogahaya xisbigha, Axmed Carab, kuwaasoo hagaya habsami u socodka doodaha iyo fahansiinta duruusta, islamarkaana horey u soo qaatey tababarkan.
Tababarkan oo la filayo inuu socdo muddo bil ah, ayaa ka hadlaya dhinacyo badan oy ka mid yihiin dhaqaalaha, maamulka, iyo horumarinta xoola dhaqatada.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 27th, 2008
Waxaa qolka shirarka, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga, barito ka furmi doona shirweyne ay isugu iman doonaan, af-hayeennada baarllamaannada heer deegaan iyo federalka Ethiopia. Dhammaan af-hayeennada iyo af-hayeen ku xigeennada sagaalka dawlad-deegaan ee federaalka Ethiopia ka koobantahey iyo afhayeenka, aqalka wakiillada shacabka ee federaalka Ethiopia, Ambasador Teshome Toga, ayaa saaka soo gaadhey magaalada Jigjiga.
Afhayeenka baarllamaanka martida loo yahey ee Soomaalida, Mudane Maxamed Isaaq, ayaa sheegey in shirka lagu dhageysan doono warbixintii lixdii bilood ee ina dhaaftey ee golaha af-hayeennada, islmarkaana la isla qaadaa dhigi doono qorshaha mustaqbalka ee golaha. Kulanka ayaa ku soo gabagaboobi doona muddo saddex maalmood ah.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 30th, 2008
Waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta deegaanka Soomaalida booqasho ku yimid, wafdi uu hoggaaminayo, Af-hayeenka Madaxweynaha dawlada kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Xuseen Maxamed (Xuub-sireed). Wafdiga, oo Jigjiga soo gaadhey maalintii Khamiistii aayaa shaley kulan la yeeshey Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdullahi Xasan. Sidoo kale waxaa Af-hayeenka maanta qaabiley oy kulan dheer yeesheen Guddoomiye ku xigeenka xisbiga, Daa’uud Maxamed Cali iyo Hoggaanka Nabadgalyada deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar.
Masuuliyiinta Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo wafdiga af-hayeenka ayaa ka wada hadley arrimo badan oo ku saabsan nabadgalyada xuduudaha, ganacsiga iyo iskaashiga, iyo xidhiidhka darisnimo ee labada dal Ethiopia iyo Soomaaliya.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 31st, 2008
Dacwad ay maxkamada gobolka Dhagaxbuur maanta ku qaadey saraakiil ka tirsan uruka nabdiidka ah ee ONLLF, ayaa lgu soo gaba gabeeyay xukun xadhig ah oo lagu ridey eedaysanayaasha kala ah;
Maxamed Cabdi Xasan, oo lagu eedeeyey inuu saddex bam-gacmeed ku tuurey xaafada 4-aad ee Dhagaxbuur, waxaana lagu xukumey 20 sannadood oo xadhig ah.
Tamaan Axmed-Nuur oo lagu soo qabtey dagaal, waxaa lagu xukumey 7 sano oo xadhig ah.
Maxamed Ibraahim Fure, waxaa lagu xukumey 20 sano.
Xasan Cali Yuusuf oo taageere u ahaa ururada nabadiidka ahna waxaa lagu xukumey 3 sano oo xadhig ah.
Eegga.com
Dhagaxbuur
By Editor - Posted on April 2nd, 2008
Reysul-wasaaraha dawlada Federaalka Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa hadal uu ka soo jeediyey xidhitaankii tababar uu video-conference ku siinayey xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed, ammaan u soo jeediyey shirweynihii xisbiga iyo habka loo soo xuley xubnaha golaha dhexe iyo guddiga fulinta. Waxuu Reysulwasaaruhu si gaar ah u tilmaamey in heerka aqoon iyo karti ee xubnaha hada la soo xuley uu aad u sarreeyo, isagoo kula dardaarmey masuuliyiinta xisbigu iney si waddaninimo ku jirto u gutaan waajibaadka saaran.
Todobaadkii hore ayuu tababarku u billawdey xubnaha golaha dhexe iyo guddiyada fulinta ee gobollada deegaanka Soomaalida, waxuuna Reysulwasaaruhu dhameeyey qaybtii uu bixinayey. Dabayaaqada todobaadkan aan ku jirro, ayaa la filayaa in tababarkala soo gabagabeeyo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 4th, 2008
Shuftada ONLF ayaa March 1, kawdii habeennimo magaalada Dhagaxbuur ku dishey Hooyo, Shuun Maxamed Kheyr-Sheeg, kuna dhaawacey ninkeedii, Maxamed Sheekh Cabdi iyo gabadh yar oy dhaleen oo jirta 3 bilood. Falkan oo ka mid ahaa falalkii ugu foosha xumaa ee ka dhaca magaalada Dhagaxbuur, ayaa argagax ku ridey dumarkii iyo carruurihii yar yaraa ee ku noolaa dariska xaafada gabadha lagu diley.Kooxda dilka gaysatey oo ahaa 5 nin ayaa markey soo galeen guriga reerka oo ku yaalla xaafadda 3aad, xabad afka kaga dhuftey Hooyo Shuun, xabbad kalena isu mariyey Maxamed Sheekh oy kallida kaga dhacdey, Shuuna dhabarka, halka gabadhii yareydna ay lugta kaga dhacdey.
Hooyo Shuun waxay ifka kaga tagtey 5 carruur ah oy u yartahey gabadha dhaawaca ah ee 3-da bilood jirtey oo loogu yimid iyadoo jaqeysa dhiigii hooyadeed. Haddaba, waxaa Eegga.com u suurtagashey in aan hello video lagasoo duubey, argagixii ku dhacey carruurtii, dariskii iyo waliba dagmadii dilku ka dhacey. Hadal ay dadku isla dhex mareen aya asheegay in ay ONLF sheegtay in ay ku socdeen inay dilaan hooyo kale ee aysan ku soconin Shuun Maxamed Kheyrsheeg.
Halkan Ka Daawo Muuqaal Laga soo Qaadey Carruurtii Hooyadood Laga Diley, iyo Eheladood
Eegga.com
Dhagaxbuur
By Editor - Posted on April 11th, 2008
Maanta waxaa qolka shirarka, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga lagu soo bandhigey hees loo sameeyey iney noqoto astaanta calanka deegaanka Soomaalida. Muddadii ay jirtey dawlada deegaanka Soomaalidu, waxaa hees calan loo isticmaali jirey heestii “Soomaaliyey Toosoo” ee Soomaaliya. Haddaba, si deegaanka loogu sameeyo hees calan oo u gaar ah, ayuu Hoggaanka Nabadgalyada iyo Caddaalada DDS; Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu kooxda Ileys u direy iney curiyaan hees calan oo u gaar ah Deegaanka Soomaalida. Haddaba, waxaanu wareysi kala yeelaney sameysinka heestan taariikhiga ah, Hoggaanka Nabadgalyada iyo Caddaalada, Dawlada Deegaanka Soomaalida, waxaanuna markii ugu horeysay weydiinney sababta keentay in la baddalo heestii hore?
Cabdi Maxamuud; Markaan eegney erayadii iyo macnahey ka turjumeysay heestii “Soomaaliyey Toosoo” waxaa ka muuqatey fikirkii dhul-ballaadhsiga ku saleysnaa ee Soomaaliweyn, waxaana deegaanka in ay astaan u noqoto sabab u ahaa dad ka soo shaqeyn jirey taliskii Siyaad Barre oo xilliyadii kala duwanaa ee ina dhaafey masuuliyiin ka soo ahaa deegaankeena, kuwaasoo bulshada u hoosgaliey fikirkey kala yimaadeen Soomaaliya, haddaba, waxaanu ku qanacney ineysan heestaasi ahayn mid ka turjimeysa sababta uu ka dhashey calanka ay maanta ummada deegaanka Soomaalidu hadhsaneyso. Waxaana kooxda Ileys u direy iney soo sameeyaan astaan calan oo u gaar ah ummada deegaanka Soomaalida, halkaasoo markaan tartansiiney saddex heesood, la isla qaatey in heestani noqoto Heesta Calanka Deegaanka Soomaalida.
Eegga.com; Maxay tahey sababta uu ku yimid Calanku?
Cabdi Maxamuud; Calankeenu wuxuu ku yimid, halgankii ay shacab weynaha Itoobiya la soo galeeen kalgii taliskii Dhargiga, ayna ku sameysteen dastuur dammaanad qaadaya xuquuqda qawmiyadaha kaasoo si cad u qeexaya in ay ummad waliba isku maamusho afkeeda, ku dhaqanto diinteeda, isla mar ahaantaana haysato dhaqankeeda.
Eegga.com; Muxuu ka turujumayaa heeska hada la sameeyay?
Cabdi Maxamuud; Heeskani wuxuu ka turjumayaa sababtii uu ku yimid, oo ah halgankii ay shucuubta Itoobiya la soo gashey Dhargigii iyo ujeedada loo sameystay oo ah in la helo sinnaan iyo caddaalad.
Eegga.com; Erayada Heeska ma noo sheegi kartaa?
Cabdi Maxamuud; Erayada heesku waxaa weeye.
Heybaddaan lahayn iyo
Calnkii hiddahayaga
Hooyo lagu anqariyee
Haybta naga mideeyoow
Hubaal kii itoobiya
Xaqa noo horoseedee
Horyaal nooga dhigayoow
Hannaan suuban iyo nabad
Calankii hirgaliyee
Heshiis lagu saleeyayoow
Horumar iyo caddaaladi
Kaamaba horeynine
Calankaan hadhsaneynayoow
Hoodaalihiiyow
Hanbalyo kugu salaaanayee
Astaan hodana noo noqoo
Waanu kuu hanweynoo
Naftaan kuu hureynaa
Habeen iyo dharaarbaan
Cadaw kaa hireynaa
Hareertaada joognaa
Heesta oo erayadeeda curiyey abwaan Cabdixakiin Cabdullahi Jibriil, laxankeedana, Cabdi Ismacill ( Beelle), ayaa la horkeeni doonaa kalfadhiga Baarllamaanka ee furmi doona barito, waxaana la gudoonsin doonaa kooxda abaal-gud isugu jira lacag iyo shahaado-sharaf.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 13th, 2008
Waxaa maanta magaalada Jigjiga lasu soo gabagabeeyey kalfadhigii 6aad ee baarllamaanka deegaanka Soomaalida oo socdey mudo laba maalmood ah. Kulanka oo maalintii hore lagu dhageystay warbixitii xukuumada ee lixdii bilood ee ina dhaaftey, isla mar ahaantaana xasanadii lagaga qaadey lix xildhibaan oo lagu soo eedeeyay danbiyo kala duwan, ayaa saaka guda galey ka doodida qodob uu soo gudbiyey xafiiska Haweenka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida oo ku saabsan xeerka qoyska.
Gabagabadii kalfadhiga ayaa hadal dheer oo uu jeediyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida; Mudane Cabdullaahi Xasan uu xildhibaannadii kulanka joogey kula dardaarmey iney waddaninimo muujiyaan kuna dadaalaan sidii loo dardar galin lahaa mashaariicdii la billaabey in la dhameystiro, bulshadana loogu adeego si daacadnimo ah.
Dhanka kale wuxuu madaxweynuhu abaalgud guddoonsiiyey 8 fannaan oo ka tirsan kooxda Ileys ee deegaanka Soomaalida kuwaasoo lagu siiyey sameynta astaanta calanka deegaanka oo isla fadhiga baarllaamaanka lagu ansixiyey. Kalfadhiga waxaa si rasmi ah u soo xidhey af-hayeenka baarllamaanka; Mudane Maxamed Rashiid.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 14th, 2008
Xog aanu ka hellay gabadh lagu magacaabo Aamina Aw Cabdullahi oo ree Qoraxay ah balse iyadoo safar ku joogta gobolka Wardheer, ay dhibaato u geysteen xubno ka tirsan ururka nabadiidka ah ee ONLF, ayay noo sheegtay in iyadoo meel tuulada u dhaw mareysa ay qafaasheen koox ONLF ah oy ka mid ahaayeen; Cabdikariin Sheekh Muuse, Mustafe Haybe, iyo Sulub Cabdi Axmed, kuwaasoo, kadib markey hanjabaad iyo cagajugleyn badan u geysteen u sheegay iney u soo afduubteen si ay gabadhu halganka uga qayb qaadato.
Markey gabadhii weydiisay sida ay uga qaybqaadan karto halganka iyadoo ah qof dumar ah, waxay u sheegeen in maadaama dadku isugu jiro; naftii hure, maalkii hure iyo ibteed hurto, ay halganka uga qayb qaadan karto iney jidhkeeda hurto. Arrintaas oy gabadhii aad ula yaabtey ayey u sheegeen in uu jiro nin wariye ah oo ka socda Televisionka Aljazeera oo ka caawinaya sidii uu buun-buunin ugu sameyn lahaa ONLF warbaahinta carabta, ninkaasoo ku rafaadsan nolosha adag ee baadiyaha, sidaasi darteed ay waajib tahey iney raali galiso ninkaas, isla markaana wixii uu uga baahdo ay sameyso.
Mudo dhawr todobaad ah ayuu ninka isku sheegay Jaamac Nuur kufsi iyo fara xumeyn ku hayey, Aamina Cabdullaahi, isagoo sida ay gabadhu sheegtay aan isticmaaleynin, waxyaaba la iskaga ilaaliyo cudurada lagu kala qaado galmada, waxayna noo sheegtey iney hayso dukumiintiyo ka lumey oo cadeynaya meesha uu daganyahey iyo cidda uu u shaqeeyo. Gabadhaas la faraxumeeyay ayaa eegga lagu daweynayaa mid kamid ah isbitaallada deegaanka. Wixii ka soo kordha dhibaatada gabadhaas loo geystay kala soco Eegga.com.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 14th, 2008
Warar aan maanta ka hellay magaalada Wardheer, waxay sheegayaan in maxkamad la soo taagey dhawr iyo toban qof oo xidhiidh la lahaa ururrada nabadiidka ah, lagu xukumey xabsiyo kala duwan oo u dhexeeya 7 sano ilaa 18 sano, halka qaar kale oo maxkamadooda aan wali la qaadin, balse xeer ilaalinta gobolka Wardheer ay danbiyadey ku eedeaynaysey iyo caddeyntoodiba soo bandhigeen, laga yaabo in lala tiigsado xukumo gaadhaya ilaa cimrigaa ha ku furto.
Dhanka kalena, xog aan ka hellay Booliska Deegaanka Soomaalida, waxay sheegaysaa in la dhameystiray faylashii dacawada ku socotey Fawsi Cali Cabdi,oo sida boolisku sheegay ay diyariyeen cadaymo ku filan in si dag dag ah maxkamad loogu soo taago.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 22nd, 2008
Khilaaf in muudda ahba ka taagnaa xuduuda u dhaxaysa deegaanka Soomaalida iyo Oromada, ayaa hada gaadhey marxalad uu ka sii darayo. Ergo ka socotey gobolka Liibaan oo ah aaga dhibaatadu ka taagantahey, ayaa lagu soo waramayaa in shalay subax iyagoo waan waan ku jira tacshiirad la saarey, halkaasna lagu diley, Hoggaankii Nabadgalyada ee gobolka LIibaan, Mudane Isaaq, isla mar ahaantaana lagu dhaawacey afhayeenkii dagmada Hudhud ee isla gobolka Liibaan.
Kadib dhacdadan, waxay masuuliyiinta Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo dawlada federaalka, gaar ahaan xafiiska Reysulwasaarububa ku guda jiraan sidii loo xakameyn lahaa dhibaatada islamarkaana looga hortagi lahaa dhib intan kasii weyn. Sidoo kale waxaa la filayaa in ka sokow hab xukuumad ahaan ay wada hadal ka yeelan doonaan sidii loo xallin lahaa khilaafkan labada xisbi ee SPDP iyo OPDO.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 22nd, 2008
April 21, 2008
By Omer Redi
It is to be recalled that on December 27, 2007 I wrote about a piece of drama which was performed in the eastern part of Ethiopia, known as Ogaden. The story was about the lobby of Ogaden National Liberation Front (ONLF) Al Jazeera TV reporters to take and air pictures of its injured soldiers as if they are civilians with a view to disseminating baseless allegation against the government. http://www.americanchronicle.com/articles/47226.
Now it is clear that the lobby was successful and after a long time Al Jezeera TV has aired those dramatized and fabricated news recently.
This action of Al Jazeera is not only serving terrorists but also against the honored ethics of journalism. Here I want to beg my readers and the international community to defend principles of journalism from distraction. If journalism changes itself into market center, it is the saddest thing the people of the world ever faced.
By Editor - Posted on April 22nd, 2008
War degdeg ah oo eegga naga soo gaadhey xuduuda uu gobolka Wardheer la leeyahey dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in ay ciidamada Ethiopia gacanta ku dhigeen 4 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee ururka nabadiidka ah ee ONLF iyo askar kale oon tiradooda wali la sheegin . Xogtan oo uu noo xaqiijiyey, Hoggaanka Nabadgalyada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar ayuu noo sheegay in magacyadooda iyo xogtooda oo buuxda barito saxaafada loo soo bandhigi doono. Deegaanka hawlgalkani ka dhacey ayaa sidoo kale todobaadkii ina dhaafey, waxaa hub iyo saanad milatari lagaga qabtey, Maxaakiimta Islaamiga ah, halkaasoo meel u dhaw magaalada Gaalkacayo lagaga gubey 4 baabuur, oy saarnaayeen miinooyin iyo direys fara badan.
Intii ka danbeysay dagaalkii Galaalshe ee ONLF lagaga laayey in ka badan 120 askari, waxay qabashada caawa laga qabtey afartan xubnood ee ka tirsan golaha dhexe noqoneysaa dhibaatadii ugu ba’neyd ee soo gaadah dhawrkii bilood ee ina dhaafey. Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha kala soco Eegga.com.
Eegga.com
Wardheer
By Editor - Posted on April 24th, 2008
Xog dheeraad ah oonu ka hellay qabashada xubnihii ka tirsanaa golaha dhexe ee ONLF, ayaa naloogu sheegay magacyada saddex ka mid kooxdii la qabtey. Magacyada naloo sheegay ayaa kala ah; Cabdinuur Maxamed Sooyaan, oo kamid ah guddiga fulinta ee ONLF, Calidheere oo ah xubin gole dhexe iyo Dhiire Caafi oo isna ah golaha dhexe.
Tirada xubnaha ONLF iyo qalabaka laga qabtey oo ay wararka qaar sheegayaan iney intaas ka badanyihiin ayeyna wali noo suurta galin inaan wada helo. Wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo tabin doonaa.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 26th, 2008
Tababar ay ujeedadiisu tahey, sidii loo kobcin lahaa awooda iyo kartida, masuuliyiinta dagmooyinka kala duwan ee deegaanka Soomaalida, ayaa Isniinta ka furmi doona saddex magaalo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida Ethiopia. Tababarkan oo daba socda mid bil ka hor loo magaalada Jigjiga loogu qabtey hogaaminta heer deegaan iyo gobol, iyo golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed, ayaa lagu kala qaban doonaa magaalada Jigjiga oy isugu iman doonaan, gobollada Jigjiga, Dhagaxbuur, Shiniile, iyo Fiiq; Qabridahare oy isugu iman doonaan, gobollada Qoraxay iyo Wardheer, & Hargeelle oy isugu iman doonaan gobollada Godey, Afdheer, iyo Liibaan.
Tababarkan oo socon doona mudo toban cisho ah ayaa waxaa xubnaha bixinaya laga soo xuley, hoggaaminta xisbiga iyo dawlada deegaanka Soomaalida ee iyagu horey u qaatey tababarkii bishii hore ay bixinayeen golaha wasiirada ee dawlada Federaalka Ethiopia. Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed; Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi oo isagu qorshaha ka hagaya xarunta dhexe ee xisbiga, ayaa Eegga.com u sheegay inuu rajo weyn ka qabo in tababarkani dardar galin doono isbaddlada la rabo in laga hirgaliyo deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 2nd, 2008
Dawladaha deegaanka Soomaalida iyo Oromada ayaa wada xaajood ka yeeshay khilaaf xuduudeed oo u dhexeeya labada deegaan iyo shil dhawaan ka dhacey gobolka Liibaan oo lagu diley masuul Somali ah oo ku jirey waan waan nabadeed. Wada xaajoodka waxaa dhanka Soomaalida u matilayey; Madaxweynaha deegaanka, Hoggaanka Nabadgalyada,Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga, iyo Guddoomiyaha gobolka Liibaan; halka dhanka Oromadana masuuliyiin u dhiganta kuwa Soomaalida iyo madaxda gobollada Baali iyo Nageyle.
Ka sokow khilaafka muddaba jirey, waxay madaxda Soomaalidu soo bandhigeen dhibaato gaar ah oo mar walba haysatey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan aaga ismariwaagu ka jiro iyo in shilalkii u danbeeyey ee dhacayi ay caqabad ku noqonayaan in xal waara la gaadho. Si dag dag loogu xalliyo dhibaatada, waxay labada dawladood isla magacaabeen gudi wada jir ah oo arrinta guda gasha, waxayna dawlada deegaanka Orommadu ballan qaadey iney si dhab ah uga qayb qaadan doonaan waan waanta; isla markaana raali galin ku haboon ka bixin doonaan dilalkii dhawaan dhacey.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on May 2nd, 2008
Doorashadii dagmooyinka ee dhawaan ka dhacdey magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa markii ugu horeysay la doortey xildhibaano Soomaali ah oo ka soo baxay xaafadaha kala duwan ee caasimada Addis Ababa. Xubnaha ku guuleystay oo dhamaantood ka tirsan xisbiga EPRDF, ayaa kala ah;
Cabdi Daaud Jaamac; (Bole)
Dr. Maxamed Seed Cigaal; (Bole)
Cabdullahi Maxame Cabdi;(Bole )
Mahdi Cabdi Warsame; (Bole)
Sacado Maxamed Yaasiin; (Bole)
C/Qadir Farah Cali; (Lideta)
Muna Cumar Axmed; (03,05)
Col. Cali Yuusuf; (01,02)
Doorashada la doortey xildhibaano Soomaali ah aya tilmaan u ah isbadalka ka hana qaadey dalka iyo isdhex galka shucuubta kala duwan ee Ethiopia.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on May 3rd, 2008
Waxaa maanta maxkamada sare ee Gobolka Jigjiga la soo taagey, eedaysane Fawzi Cali Cabdi oo ay xeer ilaalinta guud ee Dawlada Deegaanka Soomaalidu ku eedaysay, fal danbiyeedyo lagu gumaadey shacab aan waxba galabsannin. Danbi baadhayaasha gacanta ku haya dacwada, ayaa ku soo eedeeyay Fawzi inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay qaraxyadii kal hore ka dhacey magaalada Jigjiga, xasuuqyadii ka dhacey Guna gado, Garbo, Dhobaweyn, Dhuxun iyo Coballe, iyo inuu xidhiidhin jirey shuftada dibada joogta iyo kuwa gudaha.
Dhageysigii maanta oo ay garsoorayaashu dhageysanayeen 5 makhraati ayey markii hore kitaabka qur’aanka ah ku dhaariyeen makhraatiyadu ineysan been sheegaynin. Dhamaan shantii makhraatiba waxay ka marag kaceen inuu Fawzi si toos ah uga danbeeyay xasuuqii Coballe, iyo qaraxyadii ka dhacey magaalada Jigjiga, isla markaana xidhiidh la lahaa, Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo waliba shufto ku dhaqan wadanka boqortooyada Sucuudi Carabiya. Sidoo kale, waxay makhraatiyadu soo bandhigeen cadeymo dukumiintiyo ah oo muujinaya kaalinta uu Fawzi ku lahaa qaraxyadii ay ONLF ka sameysay magaalada Jigjiga.
Gaba-gabadi, waxay maxkamadu ballan u qabatey in Fawzi iyo qareenkii u doodayey ay soo diyaarsadaan, gartii ay isku difaaci lahaayeen.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 5th, 2008
Waxaa magaalada Jigjiga shaley soo gaadhey wafdi ballaadhan oo ka socda Dawlada Jabuuti, iyo tan federalka Ethiopia, oo ka qaybgalya kalfadhiga 16aad ee guddiga wadaaga ah ee xuduuda Ethiopia iyo Jabuuti, oo maanta ka furmey magaalada Jigjiga ee xarunta deegaanka Soomaalida. Wafdiga waxaa gagida dayuuradaha ee magaalda Jigjia ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka socota Dawlada DeegaankaSoomaalida, oo ay ka mid ahaayeen, Madaxweyne ku xigeenka DDS, Jaamac Axmed Jaamac iyo Hoggaanka Nabadgalyada Cabdi Maxamuud Cumar, iyo waliba wasiirada caafimaadka, warfaafinta iyo horumarinta xoola-dhaqatada.
Kalfadhiga oo socon doona mudo saddex cisho ah ayaa lagaga wada hadli doonaa sidii xuduuda u dhaxeysa labada dal ay u noqon lahayd mid ammaan ah isla markaana, dhaq dhaqaaqa ganacsi looga dhigi lahaa mid si sharci ah ku gudba xuduuda labada dal. Kulankan midka ku xiga ayaa sanadak soo socda lagu qaban doonaa wadanka Jabuuti. Kala soco Eegga.com wixii ka soo baxa shirka.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 6th, 2008
Abaartii ka dhacdey deegaanka Soomaalida, hortaantii bishii ina dhaaftey, waxaa dadaal dheer u galey sidii bulshada looga bad-baadin lahaa biyo iyo cunto la’aan ku baahda deegaanka, xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka (DPPB), oo diyaariyey gaadiid iyo shaqaale cunnada iyo biyahaba gaadhsiiya gobollada iyo dagmooyinka abaartu ka jirtey. Haddaba si aan u ogaano, waxyaabihii uu xafiisku qabtey muddadii abaartu taagneyd, waxaan wareysi la yeelanney, Wasiirka, Xafiiska Ka Hortaga, & u Diyaar-garowga Masiibooyinka DDS; Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Gurey).
Eegga.com; Mudane Wasiir marka hore ku soo dhawow Eegga.com
Wasiirka DPPB; Waad mahadsantihiin
Eegga.com; Abaartu gobollada ay ka dhacdey waa kuwee? sidee ayeyse u kala darraayeen?
Wasiirka DPPB; Abaartu waxay ka dhacdey gobollada kala ah; Fiiq, Dhagaxbuur, Afdheer, Liibaan, Wardheer, Godey iyo Qoraxay, waxaana si gaar ah dhibaatadu ku badneyd gobollada Wardheer iyo Afdheer oy biyo la’aan ba’ani ka jirtey intii aysan roobabku bilaabannin.
Eegga.com; Xafiiska DPPB sidee ayuu ugu gurmadey goobaha ay abaartu ka dhacdey?
Wasiirka DPPB; Xafiisku wuxuu diyaariyey gaadiid isugu jira 174 booyadood oo biya u dhaaminayey dagmooyinka biyo la’aantu ka jirtey, iyo 300 oo gawaadhida xammuulka ee cuntada qaada, waxaanuna gobollada abaartu ka dhacdey gaadhsiiney raashin dhan 124,670 kiintaal, 24,968 kiintaal oo raashinka nafaqadu ku badantahey ee carruurta iyo haweenka uurka leh loogu talagaley iyo 6883 jeergaan oo saliid ah. Gaadiidkaas dhamaantii waxaanu ka kireysanney ganacsatada deegaanka Soomaaldia.
Eegga.com; Carruuta iyo dadka tabarta daran ma u sameyseen goobo lagu xanaaneeyo? Taakulo intee la eg ayaadse gaadhsiiseen?
Wasiirka DPPB; Waxaan 103 xarumood oo cunnada lagu qaybiyo ku diyaariney dagmooyinka,Xarshin, Dambal, Gaashaamo, Bookh, Galaadi, Iimey Galbeed, Jarati, Baarey, Doolow, Mooyaale, Dhagaxbuur iyo Wardheer, muddadii u dhaxaysey January-April 2008, halkaasoo aanu cunto dhan 1,466.27 Metric Tone, ku gaadhsiiney dumar iyo carruur ka badan 50,000.
Eegga.com; Ma jiraan hey’ado ama xafiisyo kale oo dawladeed oo ka qayb qaatey gurmadkii?
Wasiirka DPPB; Waxaa jira hey’ado nagala qyab qaatey kireynta booyadahii biyaha dhaaminayey iyo waliba gaadiidkii cunnnada qaadayey, ku waasoo kala ah UNICEF, HFH, IRC, ACF, SC-UK, SC-USA, IR&OWDA, sidoo kale waxay dhamaan xafiisyada dawladu ku tabaruceen hal bil mushaarkii shaqaalaha. Waxaa kale oo iyaguna kaalin laxaad leh ka qaatey ganacsatada deegaanka Soomaalida oo xafiiska DPPB soo gaadhsiiyey lacag ka badan 1.5 Million Birr.
Eegga.com; Waa sidee xaalada goobihii abaartu ka dhacdey hada?
Wasiirka DPPB; Roobabku waxay ka da’een guud ahaan goobihii abaarta ba’ani ka jirtey, xaaladooduna wey ka soo reynaysaa, waxaase jira dagmooyin ka tirsan gobolka Shinniile o aan abaari markii hore ka jirin balse aan roob wali ka di’in.
Eegga.com; Mudane Wasiir waad mahadsantahey
Wasiirka DPPB; Idinkaa mudan.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 8th, 2008
Shaley, oo Arboco 7 bisha May, waxaa maxakmada gobolka Jigjiga, la soo taagey Xaaji Ibraaim-Xaad ooy maxkamadu dhageysatey makhraatiyadii ka marag kacey danbiyada ay xeer ilaalintu ku eedaysay Ibraahim-Xaad. Asad Axmed Cawar oo horey u ahaan jirey guddomiyaha dagmada Dhagaxbuur, ayaa sheegay in xaajigu diidey in maleeshiyadiisu ka qayb-qaadato sugida nabadgalyada, isagoo celiyey dhamaan wixii qalab ahaa ee shuftada laga qabtey. Sidoo kale wuxuu Asad sheegay in maleeshiyada Xaajigu ay bililiqeysteen tuulooyinkii shuftadu dadka ku xasuuqdey, islamarkaana telefoonka ay shuftadu ka soo hadlayeen uu ahaa midka sateliteka ee xaajigu watey. Waxaa kale oo makhraatigu fureen in xaajigu, si sharci darro ah gaadiidka uga qaadi jirey canshuur, taasoo waliba uu heshiis kula ahaa shuftada, saamina ay ku lahaayeen.
Eedeymihii la soo jeediyey, wuxuu xaajigu qirtey oo kaliya in maleesiyadiisu ay isbaarooyin wadada ka sameeysteen isla markaana gaadiidka lacag ka qaadan jireen. Yaasiin Cismaan oo ay xaajiga jifo yihiin oo ka mid ahaa makhraatiyada, ayaa caddeeyay in uu jirey heshiis rasmi ah oo dhex marey xaaji Ibraahim Xaad iyo shuftada, taasina ay ugu wacneyd in xaalada nabadgalyo ee gobolka Dhagaxbuur aad u xumaato.
Garsoorayaashii ayaa ballan u qabtey in xaajiga iyo qareemadiisu ay jawaab ka bixiyaan eedeymihii la soo jeediyey iyo makhraatigii lagu fureyba.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 12th, 2008
Kadib markii ay maxkamada gobolka Jigjiga dhawr goor dhageysatey dacwadii lagu soo oogey, kuna qanacdey cadeymihii la soo bandhigey iyo makhraatiyadiiba, ayey waxay maanta xukuntey eedaysanayaasha kala ah; Fawzi Cali Cabdi iyo Xaaji Ibraahim Xaad.
Fawzi Cali Cabdi oo ku eedaysnaa inuu ahaa maskaxda ka danbeysey qaraxyadii ka dhacey magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Soomaalida iyo xasuuqyo ay shuftadu u geysteen shacab oo ka dhacey meelo kala duwan, ayey maxkamadu ku xukuntey 22 sano oo xadhig ah.
Sidoo kale Xaaji Ibraahim Xaad oo lagu soo eedeeyay inuu gacan saar la lahaa shuftada isla markaana heshiis dahsoon lagaley, ayey maxkamadu ku xukuntey 16 sano oo xadhig ah.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 12th, 2008
Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Cabdullaahi Xasan ayaa ka soo laabtey booqasho lix maalmood ah oo uu ku tagey wadanka India. Madaxweynaha oo ay safarka ku weheliyeen, madaxweynayaasha deegaannada, Cafarta iyo Herarida, iyo waliba afhayeenka golaha federeeshinka Itoobiya, ayey ujeedada shaqadoodu ahayd daraasad ay ku sameeyeen nidaamka wax-qaybsiga iyo is-dhaafsiga lacagaha ee gobollada kala duwan iyo dawlada federaalka India.
Safar la mid ah kan ay saddexda madaxweyne ku tageen magaalada New Delhi, waxaa iyana waddanka Australia ku tagey madaxweynayaasha deegaannada kale ee Itoobiya oo iyaguna soo indha indheynayey nidaamyada dhaqaale qaybsi ee xukuumada Australia iyo gobolladeeda.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on May 19th, 2008
Maanta waxaa magaaalada jigjiga ka furmey shir ay isugu yimaadeen golaha nabadgalyada deegaanka Soomaalida, oo ka wada hadli doona xaalada nabadgalyo ee deegaanku ku suganyahey. Kulankan ayaa ku soo beegmey wakhti waddanka Ethiopia oo idil looga diyaar garoobayo xuska maalintii xukunka laga ridey xukuumadii dhargiga 17 sano ka hor. Kadib qiimeyn uu goluhu ku sameeyey marxalada nabadgalyada deegaanku ku suganyahey, waxay xaqiijiyeen in guul la taaban karo laga gaadhey bur burinta nabadiidka, marka dib loo fiiriyo halkey sannad ka hor joogeen. Shirka waxaa marti ku ahaa, la taliyaha arrimaha amaniga ee reysulwasaaraha, Abay Sahay.
Dhanka kale waxaa shaley la soo gaba gabeeyay kulankii caadiga ahaa ee guddiga fulinta xisbiga, iyo qiimeyn uu madaxweynaha deegaanku ku wadey golaha wasiirada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 20th, 2008
Dood-cilmiyeed laba maalmood magaalada Jigjiga uga socotey golaha shareecada Islaamka ee gobollada deegaanka Soomaalida, oo ku saabsanayd waxa ay diinta Islaamku ka qabto dhaq-dhaqaaqa nabadiid ee ka jira deegaanka ayaa la soo gaba-gabeeyay. Kulanka oy isugu yimaadeen culimaa’udiin ka badan 300 ayey isku raaceen in ay diinta Islaamka ka soohor jeedo dilka iyo xasuuqa ay nabadiidku sabab la’aanta ugu geysanayaan shacabka masaakiinta ah, miinooyonka lagu aasayo waddooyinka, iyo dhammaanba ficillada ay nabadiidku ka fuliyaan deegaanka Soomaalida, sidaasi darteedna, ay dadka waajib ku tahey iney maalkooda iyo naftoodaba ka difaacaan budh-cadda.
Gaba-gabadii dooda, waxay culimadu soo saareen baaq dheer oo ay u soo jeediyeenn shacabka deegaanka Soomaalida, kuna boorinayaan iney iska ilaaliyaan falalaka budh-cadnimo ee ka fogeynaya ilaahay, islamarkaana iska ilaaliyaan kooxaha iyagu ku sifoobey dhaqammada ka soo horjeeda diinta Islaamka. Culimadu waxay si buuxda isugu raaceen in shuftada ONLF hadafkooda iyo dhaqankooduba khilaafsanyahey diinta, ciddii taageertaayina ay khaldantahey, una baahantahey iney ka waantawdo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 21st, 2008
Maxkamada gobolka Jigjiga, ayaa shaley xukun ku ridey 8 ruux oo qayb ka qaadatey qarixii lala beegsadey xuskii Ginbood ee kal hore lagu qabtey magaalada Jigjiga. Kadib markii ay maxkamadu dhageysatey makhraatiyo ka mid ahaa dad iyaguna ka qayb qaatey qaraxyadii, isla markaana qaar ka mid ah eedaysanayaashu maxkamada horteeda ka qirteen kaalintii ay ku lahaayeen qaraxyadii lagu laayey dadka shacabka ah laguna dhaawacey qaar kale, waxay dhammaan siddeeda ruuxba ku xukuntey dil. Mar aan waxa ka weydiney xeer ilaalinta deegaanka Soomaalida goorta la fulinayo xukunka, waxay noo sheegeen in la dadajin doono fulinta xukunka.
Magacyada dadka la xukumey, waxay kala yihiin;
1. Carab Soocane
2. Khadar Shugri
3. Xasan Ikhtiyaar
4. Mukhtaar Maxamed
5. Maxamed Yuusuf
6. Mahad Sheekh Ibraahim
7. Xasan Madoobe
8. Kamaal Cabdi naasir
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 23rd, 2008
ADDIS ABABA (AFP) - An Ethiopian court sentenced to death eight alleged members of a separatist rebel group for an attack last year which left six people dead, officials told AFP Thursday.
"The Somali State High Court sentenced eight culprits to death for killing and wounding innocent people," the official Ethiopian News Agency reported.
Six people were killed and more than 40 others wounded on May 28 last year when grenades were hurled into a stadium where some 100,000 people were gathered for a national celebration.
Police responded to the attack by firing in the air. Several of the victims died in the ensuing chaos.
The court also found the accused guilty of attempting to assassinate Abdullahi Hassen, a senior official for Ethiopia's mainly ethnic Somali Ogaden region.
"The eight individuals are members of the ONLF," local security chief Abdi Ile told AFP, charging that they were "trained by the Eritrean government for five years."
The Ogaden National Liberation Front, formed in 1984, is fighting for the independence of ethnic Somalis in Ethiopia's vast oil-rich Ogaden region, whom they say have been marginalized by Addis Ababa.
The eight can yet appeal the decision.
The Ethiopian army launched a crackdown in Ogaden after ONLF rebels attacked a Chinese oil venture in April 2007 that left 77 people dead.
A bomb went off on Tuesday near the foreign ministry in Addis Ababa, killing six people and wounding seven. No group immediately claimed responsibility for the attack
By Editor - Posted on May 23rd, 2008
Saaka waxaa qolka shiraraka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan shir isugu yimid, dhammaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida. Shirkaas oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne ku xigeenka dawlada; Jaamac Axmed Jaammac, Hoggaanka Nabadgalyada; Cabdi Maxamuud Cumar, iyo Wasiirka Horumarinta Kheyraadka Biyaha; Dr. Suldaan Wali, ayaa lagaga wada hadlayey in si buuxda loo baabi’iyo loona fashiliyo xidhiidhka iyo mabaadii’da ururada nabadiidka ah. Shaqaalihii maanta soo xaadirey shirka ooy tiradoodu ka badneyd 2000, ayaa cod buuxa ku ballan qaadey iney kashifi doonaan nabadiidnimada, isla markaana ka ilaalin doonaan iney soo dhex gasho nidaamka dawliga ah.
Xafiisyada kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida shaqaalaha ka shaqeeya, oo xafiis walba uu horkacayey wasiirka madaxa ka ah, ayay ahayd markii ugu horeysay ee iyagoo wada jooga ay ka wada hadlaan sidii nidaamka looga ilaalin lahaa afkaarta nabadiidnimo, isla mar ahaantaana ay is hoga tusaaleeyeen sidii looga guuleysan lahaa kooxaha diidan in shacabka deegaanka Soomaalidu xasilooni iyo horumar helaan.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 24th, 2008
Daa’uud Maxamed Cali, wuxuu 1991 tirsiga Ethiopia, ka soo qalin jabiyey Jaamacada Civil Service College, isagoo ku soo takhasusey cilmiga dhaqaalaha. Isla sannadkaas wuxuu xubin ka noqdey Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. iyo baarlamaanka deegaanka Soomaalida oo 1992 laga soo doortey gobolka Wardheer. Wuxuu shaqooyin kala duwan kasoo qabtey xafiisyada; Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Machadka Maamulka, Sanduuqa Horumarinta, Hoggaanka Kobcinta Awooda, iyo Hoggaanka Abaabulka iyo Ka Qaybgalka Dadweynaha oo uu hada xilkeeda hayo. Laga soo billaabo 1998, wuxuu Daa’uud ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Eegga.com, waxay fursad u heshay iney Daa’uud wareysi kula yeelato xarunta dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed ee magaalada Jigjiga.
Eegga.com; Laga soo bilaabo shirweynihii 5aad, maxaa iska badaley geedi socodka xisbiga?
Daa’uud; Shirweynihii 5aad ee xisbiga dhibaatooyinka caqabadaha ku ah horumarka iyo nabadgalyada deegaanka ayaa lagu falanqeeyay, waxaana la go’aamiyey in qaab-dhismeedka kor ilaa hoos la hagaajiyo, annagoo taas ka anba qaadeynana, waxaan xafiisyadii horumarinta ee deegaanka masuul uga dhigney dad aqoonyahano ah oo deegaanka horumariya. Dhanka nabadgalyadana waxaan go’aaminey in ururrada nabadiidka ah sida ONLF, Itaxad iyo Maxaakiimta dhaq-dhaqaaqooda la soo afjaro, waxaana xusid mudan in aan arrintaas guulo la taaban karo ka gaadhney. Shirweynuhu markii uu dhamaadey, waxaan tababar ku saabsan sidii loo kobcin lahaa awoodooda maamul isl markaana loo fahansiin lahaa nidaamka horumarineed (Development Package) loona dhaadhicin lahaa maamulka, isugu keenay xubnihii golaha dhexe, kadibna, waxaan tababar midkaas la mid ah u furney maamullada gobollada iyo dagmooyinka oo dhan, si dardar loo galiyo horumarka deegaanka.
Eegga.com; Maamulkii xisbiga ee lagu dhisay shirweynihii 5aad, waxaa ka muuqata in uu tiro ahaan ka yaryahey maamulladii hore, arrintaas maxaa sabab u ah?
Daa’uud; Markii aan dhismaha xulaynay, waxaan mudnaanta siiney tayada iyo aqoonta xubnaha noqonaya guddiga fulinta, iyo golaha dhexe, tusaale ahaan guddiga fulinta, waxaa ku jira 3 xubnood oo PHD haysta, 4 xubnood oo Master haysta iyo 5 xubnood oo Degree haysta, golaha dhexena waa sidaasi iyo si la’eg, marka, xubno tiradoodu badantahey oon shaqada ay qabanayaan aqoon u lahayn waxaa ka fiican xubno yar oo aqoon iyo kartiba u leh shaqadooda.
Eegga.com; Reysulwasaaraha Itoobiya; Meles Zenawi, wuxuu ammaan u soo jeediyey hawlihii nabadgalyo ee laga fuliyey deegaanka Soomaalida bilihii u danbeeyay. Haddaba natiijada laga gaadhey ururrada nabadiidka ah maxaa ugu wacan?
Daa’uud; saddex arrimood ayaa ugu wacnaa. Midda koobaad, waxay ahayd xisbiga oo shirweynayaal dagmooyinka ugu qabtey shacabka, kana dhaadhiciyey iney naftooda iyo maalkoodaba ka difaacaan ururrada nabadiidka ah. Ta labaad, waxaa dadaal dheeraad ah muujiyey haey’adaha nabadgalyada ee dawlada deegaanka oo fashilyey xidhiidhkii ururada nabadiidka ah isla markaana gacanta ku dhigey xubnihii nabadgalyada carqalada ku ahaa iyo ciidanka qalabaka sida oo dagaalo badan ku jabiyey cadawga. Waxaa kale oo in nabadiidka guulo waaweyn laga gaadho ugu wacnaa, Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida; Cabdullaahi Xasan oo ah madaxweynihii ugu horeeyay ee si dhab ah ay uga go’antahey in deegaanku helo nabadgalyo buuxda.
La soco qaybta xigta
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 28th, 2008
Maanta oo ah maalin Arboco, bisha May ay tahey 28,2008, waxaa 17 sano laga joogaa markii xukunka dalka Ethiopia laga tuurey taliskii Dhargiga ee uu madaxda ka ahaa, Mangistu Hayle Mariam. Guud ahaan dalka Itoobiya oo idil waxaa looga xusey sidii caadiga ahayd, si gaar ahse, waxaa looga xusey xurunta Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Dhammaan dadkii magaalada ku noolaa waxay isug tageen garoonka kubada cagta ee Jigjiga oo ah halkii kal hore shuftadu bambaanooyinka ku qarxisey shacabkana ku laysay. Inkastoo dhibaatadii kal hore aysan dadku wali hilmaamin, haddana haba yaraatee, dadkii goobta isugu yimid wax cabsi ahi kama muuqannin.
Xafladu markii ay bilaabateyba, waxaa iyagoo koox koox ah dadka hortooda salaan ku qaatey ciidanka booliska, asluubta & maleeshiyada Dawlada Deegaanka Soomaaldia iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Jigjiga. Kadibna, waxaa hadallo kooban soo jeediyey duqa magaalada Jigjiga, Yuusuf Sheekh, oo makarafoonka ku soo dhaweeyay, Hoggaanka Nabadgalyada Cabdi Maxamuud Cumar, oo bulshadii fagaaraha timid uga waramey shaqadii laga qabtey dhanka nabadgalyada iyo natiijadii laga gaadhey oo ah in si kalsooni ah maanta loogu dabaal dago Gibnoot 20; isla markaana wuxuu hoggaanku dhex marey oo gacanta ku salaamey shacabkii.
Dhanka kale waxaa iyana heeso, iyo ciyaaro munaasibada loogu tala galey, goobta ku soo bandhigey koxda Ileys Band ee Deegaanka Soomaalida. Gaba-gabadii barnaamujka, waxay shacabkii xaflada yimid si gaar ah ugu mahad celiyeen Hoggaanka Nabadgalyada, shaqadii uu sannadkii la soo dhaafey ka qabtey dhanka nabadgalyada, iyagoo kor u qaadey, hoggaanka iyo Komishnerka Booliska Deegaanka; Yuusuf.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 29th, 2008
By Editor - Posted on May 31st, 2008
Habeen hore, waxaa xaafado ka mid ah magaalada Jigjiga ku soo rogmadey daadad uu togu keenay, oo sababey dhimasho ka badan 40 qof iyo barakac fara badan. Fatahaada oo bilaabatey wakhti 1:30am habeennimo,roob badanina da’ahayey, ayaa waxaa Hoggaanka Nabadgalyada la soo xidhiidhey qof ay gurigii ku xigey iyo ciddii ku nooleydba biyo qaadeen. Hoggaanka ayaa markaasi amrey 1200 oo boolis ah oo tababar uga socdey meel aan ka fogeyn aaga biyuhu ku fateheen iney ka qayb qaataan sidii lo samata bixin lahaa dadkaasi, waxaana biyihii laga soo qabtey 250 ruux, halka meydka 25 ruux oo carruur u badana laga soo saarey biyihii. Sidoo kale waxaa dadkii la bad-baadiyey la siiyey cuntadii loo diyaariyey askarta booliska ah ee tababarka ku jirtey.
Subaxnimadii ka danbeysay habeenkii daadadku fatahmeen, ayuu madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida; Cabdullahi Xasan codsi deg deg ah weydiiyey dawlada federaalka, waxaana isla-maalinnimadiiba magaalada Jigjiga soo gaadhey laba diyaaradaha qumaatiga u kaca ah oo sida cunto iyo bustayaal dadku huwadaan. Waxaaney xukuumadu diyaarisey gudi heer deegaan ah oo maareeya sidii dadkaasi masiibadu ku habsatey loogu gargaari lahaa. Xafiiska Ka Hortaga iyo U Diyaargarowga Masiibooyinka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, ayaa diiwaan galieyey dadkii dhibaatadu soo gaadhey, isla mar ahaantaana u diyaariyey meel ay dagaan iyo cunto.
Reysul-wasaare ku xigeenka dawlada federaalka Itoobiya; Addisu Legese iyo La taliyaha Reysul-wasaaraha; Abay Sehay, oo saaka booqdey dadkii masiibadu haleeshay ayaa kadib markey dadkii warsadeen, Dawlada Deegaanka Soomaalida ku ammaaney gargaarkii dag dag ahaa ee ay dadka loo fidiyey, iyagoo si gaar ah u mahad naqey booliska deegaanka iyo Hoggaanka Nabadgalyada oo habeennimadii daadadku socdeen aan seexanin, dad badana gacantooda ku bad-baadiyey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 2nd, 2008
Magaalada Jigjiga, waxaa 30-kii bisha May, lagu qabtey xaflad, ay soo wada qaban qaabiyeen, Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo Taliska Koonfur-bari ee ciidanka Federaalka Itoobiya. Munaasabadan oo mudo laba todobaad ka badan lagu guda jirey u diyaar garowgeeda, ayaa waxaa lagu martiqaadey, maamullada gobollada iyo dagmooyinka, wasirrada kala duwan ee DDS, xubnha golaha dhexe ee X.D.SH.S.,Hoggaamiye-dhaqameedyada, culimada iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan milatariga Itoobiya. Ujeedada xaflada, ayaa ahayd in abaal gud lagu siiyo dadkii iyo dagmooyinkii kaalinta firinfircoon ka soo qaatey la dagaallanka ururada nabad-diidka ah isla mar ahaantaana la xuso kuwii naftooda u hurey iney dalkooda ka difaacaan kooxaha carqalda ku ah xasilloonida deegaanka.
Abaal-gudka la siinayey dadka shaqada fiican ka soo qabtey nabad-galyada, ayaa waxaa u horeysay dallacaad la siiyey saraakiil milatari, abaalgud, lacageed iyo shahaado sharafyo la siiyey dagmooyin iyo qabaa’il, iyo waliba deeq lacageed oo la siiyey eheladii dadkii naftooda ku waayey si ay u helaan nabadgalyo. Dagmooyinka la siiyey abaal-gudka khaaska ah , ayaa kala ahaa;Dhoobaweyn,Iimey Bari,Mayamuluqo,Dagmada Dhuxun,Garbo,Shilaabo,Guunagado,Dannood,Wardheer, iyo Baarey,
Dagmada Dhoobaweyn, iyo Iimey Bari, waxaa ay dagmooyinka kale dhaaryihiin in dawladu gu’aansatey in loo dhiso rugo caafimaad. Waxaa kale oo si beel ahaan ah loogu abaal-gudey iney iska fogeeyeen ururka nabadiidka ah ee ONLF, beesha Cawlyahan ee gobolka Afdheer, iyadoo dawlada deegaanku go’aamisey in gobolka Afdheer loo dhiso rug caafimaad.
Ka sokow abaalgudyadaas la siiyey gobollada iyo dagmooyinka, waxay dawlada deegaanka iyo Taliska Koonfur-bari ee ciidanka Itoobiya si wada jir ah, abaal gud heerka ugu sareeya ah siiyeen , Hoggaanka Nabadgalyada Cabdi Maxamuud Cumar oo la guddoonsiiyey billad dahab ah iyo shahaado sharaf uu ku muteystay kaalintii uu ka qaatey nabad-galyada deegaanka iyo la dagaallanka shuftada. Waxaa kale oo abaal-gud midkaas la mid ah la siiyey Wasiirka Caafimaadka ee DDS; Dr. Axmed oo isna lagu ammaaney doorkii uu ka ciyaarey horumarinta deegaanka.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 3rd, 2008
Maanta waxaa magaalada Jigjiga xadhiga laga furey Airport cusub oy diyaaraduhu dagaan, islamarkaana waxaa dhagixii u horreeyay la dhigey terminal caalami ah oo la rabo in airportigu yeesho. Garoonka oo dhismihiisu socdey mudo 5 sano ah, ayaa wuxuu magaalada kaga yaallaa dhanka koonfureed, una jiraa 13 Kilometer. Shirkada dhistey garoonka oo la yidhaahdo, Akir Construction, ayaa sheegtay iney dhismaha airportiga ku baxdey kharash dhan 7 Milyan oo Doollar.
Xafladii furitaanka garoonka oo saaka la qabtey, ayaa waxaa ka soo qayb galey, Maareeyaha shirkada Airportska Itoobiya, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta dawlada Federaalka Itoobiya. Dhanka Dawlada Deegaanka Soomaalida, waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin badan oo uu hor kacayey, Madaxweynaha dawlada; Cabdullaahi Xasan oo isagu xadhiga ka jarey garoonka cusub ee Jigjiga.
Airportiga cusub ee Jigjiga, ayaa la filayaa inuu wax weyn ka taro baahida loo qabo gaadiidka cirka ee deegaanka Soomaalida, oo sii kordheysa.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 7th, 2008
Waxaa maanta maalinkii labaad uu shir uga socdaa dhamaan shaqaalaha heer deegaan magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka. Shirkan ayaa ahmiyadiisu ay tahay dhanka horumarka iyo Nabadgalyada deegaanka. Waxaa shaly shirka si guud looga wada hadlay guud ahaan horumarka deegaanka iyo kaalinta ka ga aadan xafiisyada deegaanka. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar-gaar ah loogu gam-gamaynayaa shaqaalaha xafiisyada deegaanka, waxaa shalay lagu bilaabay xafiiska Biyaha iyo Horumarinta Macdanta oo dhaliilo badan ay u soo jeediyeen shir gudoonka iyo dadkii ka soo qaybgalay shirkaba. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inay si khaldan u isticmaaleen lacagayow loogu talogalay horumarinta biyaha degmooyinka, waxaa kale oo lagu eedeeyay in ay shaqaale badan oo ka tirsan xafiiskani ay xidhiidh la leeyihiin jabhada ONLF isla markaana ay ceelasha ka qodaan meelaha ay jabhadu ka dhadhawdahay amaba ay kula taliyaan inay ka qodaan.
Shirkan oo ilaa hada lagu jiro qaybtiisii koowaad ee dhanka horumarka ayaa waxaa maanta galinkii hore isna miiska la soo dhigay xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta dhaqaalaha, xafiiska ayaa lagu eedeeyay isagana inuu ka mid yahay meelaha uu horumarka deegaanku ka soconlayahay. Waxaa maanta si gaara loo gam-gameeyay ama loo fashiliyay labada ku xigeen Bashiir Cabdulaahi oo ah Qaybta Kharashbixinta iyo Ismaciil Khaliif oo ah qaybta qorshaynta gaar ahaan waxaa si culus loo weeraray Bashiir cabdulaahi oo lagu eedeeyay in uu si shakhsiyan ah u lunsaday hantidii dawlada khaladna u maamulay lacagayaw farabadan, waxaa kale oo labadoodaba lagu eedeeyay inayka soo bixi waayeen xilii loo dhiibay oo ay kala wadi waayeen shaqadii xafiiska. Hogaanka Abaabulka mudane Daauud oo saaka shir godoonka ahaa shirka ayaa dhawr jeer hadalkii ka joojiyay Wasiirka Bashiir cabdulaahi isaga oo sheegay maanta inuusan is difaaci Karin balse talaabo sharci ah laga qaadidoono, waxaakale oo mudane daauud uu ku dhiiri galiyay shaqaalaha xafiiska maaliyada inaysan haba yaraatii waxba u qarinin balse ay hortiisa ku fashiliyaan.
Qodobada Bashiir Cabdulaahi lagu eedeeyay ayaa waxa kamida
In uu ka jaray 12% labo iyo kontonka degmo mushaaraadkoodii bil kamida bilihii sanadkii la soo dhaafay ilaa hadana aan la aqoon lacataasi meeshii ay ku dambaysay
In ay cabashooyin badan ay ka soo gudbiyeen degmooyinku kuwaas oo sheegay inay helaan mushaaraadkooda dhawrkii biloodba mar.
In uu maamuli kari waayay shaqadii xafiiskiisa
In uu shaqaalaystay shaqaalaad kontaraad ah kuwaas oo isaga si gaara ugu adeega sida ninka diyaariya Jeega.
Ugu dambayntii wuxuu shir gudoonku cod u qaaday sidii wax looga badali lahaa maamulka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa la filayaa in sida ugu dhakhsaha badan xilka looga qaadi doono wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Bashiir Cabdulaahi oo maanta ku guuldaraystay inuu is difaaco, shaqaale iyo shacab farabadanina ay dacwado ku soo oogeen.
Waxaa sidoo kale maanta galinka dabe isagana miiska la soo saari doonaa Xafiiska Dakhliga oo isaga lagu tilmaamay inuu baro dhaafiyay xafiiskan maaliyada. Shaqaalaha xafiiskaas ayaa lasheegay inay ku takri faleen dakhligii dawlada u soo xaroon lahaa iyadoo tusaalayaal loosooqaatay dhawr qof oo ka shaqeeya Isbaarooyinka ama Keelaayada magaalada oo guryo Dabaq-yo ah ka dhistay Jijiga.
Shirkan ayaa waxaa kolka hore la dhamaystiri doonaa 5 xafiis ee ugu waawayn kililka waa xafiisyada Beeraha, Waxbarashada, maaliyada, Caafimaad iyo Biyaha, waa dhanka horumarkee kadib waxaa loo gudbi doonaa kaalinta ay ka ciyaaraan nabadgalyada taas oo uu shir gudoonka la wareegi doono Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada mudane Cabdi Maxamud Cumar. Waxaana la filayaa in shirkan la soo xidho maalinka isniinta ee fooda inagu soo haysa
Source; Kilil5.com
By Editor - Posted on June 17th, 2008
Maanta galinkii hore, waxaa makhaayada Nasiye ee ku taalla badhtamaha magaalada Jigjiga lagu qabtey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiye-dhaqameedka deegaanka Soomaalida, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada deegaanka Soomaalida. Kulanka oo ka dhacey geed weyn oo ku dhex-yaalla makhaayada, ayey u jeedadiisu ahayd sidii ay maamulka deegaanka iyo odayaashu tashi uga wada yeelan lahaayeen isla markaana uga wada shaqeyn lahaayeen sugida nabadgalyada deegaanka.
Masuuliyiinta shirka timid, oo kala ahaa, Hoggaanka Nabad-galyada, Cabdi Maxamuud Cumar iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Daa’uud Maxamed Cali, ayaa odyaasha uga warbixiyey, dhibaatooyinka ay nabad-galyo la’aantu ku hayso shacabka, iyo sida ururrada nabad-diidka ahi ay caqabad weyn ugu yihiin horumarka bulshada deegaanka. Hoggaanka Nabad-galyada ayaa odayaasha ka codsadey ineysan marna la gabannin wixii talo iyo tusaale ah ee ay xukuumada siinayaan.
Odayaasha ayaa dhankooda, si aad ah uga mahad celiyey in ay masuuliyiinta dawladu ugu yimaadaan la tashi, isla mar ahaantaana waxay ballan qaadeen iney dawlada kala shaqeynayaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha carqalada ku ah nabad-galyada. Gaba-gabadii shirka waxaa ka soo qayb galey culimaa’udiin aad looga yaqaano deegaanka Soomaalida, oo kulanka ku soo xidhey dar daaran iyo duco.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 22nd, 2008
Shaley waxaa magaalada Jigjiga ka billaabantey qiimeyn dawlada deegaanku ku qiimeynayso, ganacsatada qandaraasyada ka qaata, dawlada. Galinki hore ayaa ganacsatada, waxaa loo qaybiyey foomam ay ku soo qoraan xogta shirkadahooda iyo mashaariicda ay dawlada ka qaateen, iyo waliba xogta shaqaalaha u shaqeeya; waxayna qandaraaslyaashii shirka yimid oo tiro ahaan kor u dhaafayey 120, soo gudbiyeen xogtii looga baahnaa isla shaley niskii danbe, iyadoo lala ballamey iney mar kale soo laabtaan subixii oo ahayd maanta.
Saaka subixii waxaa qolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ku yaalla badhtamaha magaalada Jigjiga isugu yimid ganacsatadii iyo odayaal ka socdey gobollada Dhagaxbuur, Fiiq iyo Jigjiga oo ah odayaal la taliyayaal u ah dawlada deegaanka. Madaxweynaha deegaanka Soomaalida; Cabdullaahi Xasan oo shirka furey, ayaa ku goodiyey inaan loo dul-qaadan doonin qandaraaslayaasha dhiig-miiradka ah ee hantida ummada ku taageera ONLF, Maxaakiimta iyo kuwa cadhoodey oo qas-wadayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigayee. Hadalka madaxweynaha oo aqalka aad uga qiireysiiyay, ayuu ganacsatada ka codsadey iney Ilaahay ka yaabaan oo ay dadka iyo dalka lexe-jeclaystaan.
Kadib khudbadii Madaxweynaha, waxaa shirka daadihinayey Hoggaanka Nabad-galyada iyo Guddoomiye-ku xigeenka Xisbiga oo koox-koox u kala qaybiyey ka soo qayb-galayaashii shirka. Ganacsatada haysata ruqsada dhismaha, waxaa qiimeyn doona; Wasiirka Caddaalada DDS, Ibraahim-Dheere iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Engineer Cabdi Salaan, Odayaasha dagmada Qabri-bayax, waxaa qiimeyn doona Guddoomiyaha Xisbiga, C/Fataax Sheekh Cabdullaahi iyo Af-hayeen ku xigeenka baarllamaanka deegaanka, Suldaan Cabdiraxmaan Bade. Odayaasha gobolka Dhagaxbuur, waxaa qiimeyn doona, Madaxa Xafiiska Ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka, Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyana degmada Guuna-gado, Jamaal Siigaale, halka odayaasha gobolka Fiiqeed uu qiimeyn doono, Wasiirka Biyaha, Suldaan Wali.
Hoggaanka Nabadgalyada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida; Cabdi Maxamuu oo hoggaaminaya qiimeyntan ayaa noo sheegay in ujeedada looga gol leeyahey tahay in nabadiidka laga hor istaago dhaqaalaha sida sharci darrada ah ay u helayaan, islamarkaana ganacsatada loo kala saari doono kuwo horumarineed oo mashaariicda u fuliya sidii logu tala galey iyo kuwo qawleysato ah oo hantida ummada ku lumiya meel aan ku habbooneyn. Dhanka ganacsatada ayaa iyagana laga filayaa iney soo bandhigaan, masuuliyiinta ka qaata laaluushka, ayuu ku darey Hoggaanku.
Qiimeyntan oo ah tii ugu horeysay ee ganacsatada la mariyo, ayaa dad badani aad u soo dhaweeyeen, lana filayaa in ay wax weyn ka baddali doonto sidii hada ka hor qandaraaslayaashu u fulin jireen mashaariicda ay ka qaataan dawlada.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 23rd, 2008
Maanta waxaa maalintii saddexaad galey qiimeyntii qandaraaslayaasha deegaanka, ee ka socotey xarunta deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Galinkii hore ayuu shirguddoonku ka codsadey in qandaraasle waliba, uu faah-faahin ka bixiyo sababaha kallifaya in aan mashaariicda loo fulinin sidii loogu talagaley, isla mar ahaantaana la soo bandhigo dhalliilaha dhallisha ganacsaduhu leeyahay iyo haddii ay jirto dhanka xafiisyada dawlada ee mashaariicda laga qaato.
Kadib markii wareegii hore ganacsadayaasha waaweyni ay dhameysteen hadalkoodii ayaa loo guda galey kuwa dawladu ku eedaynayso iney qaateen mashaariic waaweyn oo loogu talagaley in bulshada lagu horumariyo, balse lacagtii isticmaaley iyagoon waxba qabanin. Shirkad qoda ceelasha biyaha oo la yidhaahdo Al-Rabah mulkigeedana uu leeyahey, Cabdullaahi Cabdiqaadir, ayaa maanta lagu dhawaaqey in laga joojiyey fasaxii ay kaga shaqeynaysey deegaanka Soomaalida, isla mar ahaantaana dawladu ay dib uga soo celin doonot wixii hanta ah ee ay shirkadaasi ummada ka qaadatey. Sidoo kale waxaa isna ruqsadii lagala noqdey ganacsade lagu magacaabo, Xuseen Ciise, oo lagu eedeeyay inuusan mashaariicdii uu qaatey si fiican u fulinin.
Dhanka kale waxaa iyaguna ka hadley caqabadaha hor taagan fulinta mashaariicda, masuuliyiinta labada xafiis ee bixiya qandaraasyada ugu waaweyn; Engineer , Cabdisalaam, Wasirka Hawlaha Guud iyo Maxamed Cumar, Wasiir ku xigeenka Biyaha. Labada maalmood ee fooda inagu soo haya ayaa la filayaa in la so gaba-gabeeyo qiimeynta.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 28th, 2008
Xarunta deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, waxaa shaley lagu xusey sannad-guuradii 10-aad ee aas’aaska Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Xaflad lagu qabtey qolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa hadal gaaban ku furey, Guddoomiyaha Xisbiga, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, oo ka waramey marxaladihii xisbigu soo marey muddadii uu jirey. Hadalkaa kadib, waxaa isna dawlada wax-qabadkeeda ka warbixiyey, Madaxweynaha Deegaanka, Cabdullaahi Xasan.
Xuska munaasibada, waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin ka socotey xafiisyada kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo ururrada ay bah-wadaagta yihiin xisbiga. Habeennimadii, waxaa iyana qabtey casho-sharaf loo qabtey masuuliyiinta xisbiga iyo qaar ka tirsan ganacsatada deegaanka. Dhanka kale waxaa halkiisii ka sii socdey qiimeyntii qandaraaslayaasha iyo odayaasha saddexda gobo lee Dhagaxbuur, Fiiq, iyo Jigjiga.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on July 1st, 2008
Wararka naga soo gaadhaya dalka South Africa, ayaa sheegaya in galabta ay booliska dalkaasi qab-qabteen, budh-cad ka tirsan ururka nabadiidka ah ee ONLF. Xubnahaas la xidhey oo wadankaasi ka wadey falal dhan ka ah shacabka deegaanka Soomaalida, ayaan faah-faahintooda oo buuxda soo tabin doonaa wakhti dhaw.
Eegga.com
South Africa
By Editor - Posted on July 3rd, 2008
Maxkamada Sare ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, ayaa maanta go’aan ka qaadatey racfaan ay qabsadeen, Fawzi Cali Cabdi iyo Xaaji Ibraahim-Xaad oo horey maxkamada gobolka Jigjiga ay ku kala xukuntey 22 & 16 sano oo xadhig ah. Xukunkii ay maxkamada gobolku ridey kadib, ayey qareemadii u doodayayi racfaan ka qaateen dacwadii lagu soo oogey, waxayna maxkamada ugu sareysa deegaanka Soomaalidu dhageysatey xogihii ay soo bandhigeen qareemadu. Kadib markey dhageysteen dacwada, waxay garsoorayaasha maxkamada sare ee deegaanku ku qanceen caddeymihii ay xeer ilaalinta deegaanku soo bandhigtey, halkaana ku garab istaagtey go’aankii ay maxkamada gobolka Jigjiga ku xukuntey eedaysanaayaashaas.
Eegga.com
JIgjiga
By Editor - Posted on July 20th, 2008
Shirweyne todobaadkii hore ka furmey dagmada Dhagaxbuur oo lagaga wada xaajoonayey sidii loo adkeyn lahaa nabadgalyada gobolka isla mar ahaantaana ay beelaha gobolkaas wada daga kaalintooda uga qaadan lahaayeen, ayaa durbaba laga soo hoyiyey guulo waaweyn. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen odayaal kor u dhaafaya 350 oo ka kala socoda beelaha gobolka, culimaa’u diinka iyo masuuliyiinta Dawlada Deegaanka Soomaalida oo ay mataliyeen; Hoggaanka Nabadgalyada, Cabdi Maxamuud iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga, Daa’uud Maxamed Cali, ayaa ku billaabmey jawi wada tashi ah oo bulshada la weydiiyey iney aragtidooda ka dhiibtaan sababta ay nabadgalyada gobolku u xasili la’dahey.Hoggaamiye dhaqamadeedyada gobolka Dhagaxbuur ayaa intooda badan isku raacey in ay wali beesha ku jiraan dad aragti khaldan qaba, oo aan daacad ka ahayn in shuftada dhinac looga soo wada jeedsado, iyagoo soo jeediyey in si aaminaada dadka loo xoojiyo, axdi cusub la wada galo sidii nabadiidka looga tritiri lahaa gobolka. Kadib markii ay ergadii isku baraarujisey macaanida nabadgalyada ayey si ay u adkeeyaan midnimadooda ay ku tir tirayaan ONLF, ay in kabadan 350 oday oo kala matalyey jilibada kala duwan ee beesha ree Isahaaq, ku xila fureen iney iska fogeyn doonaan ururka nabadiidka ah ee ONLF, isla markaana dagaal kama danbeys ah ku qaadi doonaan. Sidoo kale, waxaa go’aanka la qaatey odaya dhaqameedyada, culimaa’u diinka Dhagaxbuur oo ay hor kacayaan, Imaamka weyn ee magaalada, Sheekh Cabdi Qalinle, Cumar Sheekh Muumin, iyo Sheekh Cabdullaahi-Yare.Dhanka kale, waxaa shirka lagu kashifey xubno nabadiid ah oo ku dhex qarsoonaa bulshada rayidka ah iyo dhaawacyo shuftada ka tirsan oo lagu dhuuminayey gobolka Dhagaxbuur. Dadka ka tirsanaa nabadiidka ee shirka lagu fashiliyey, waxaa kamid ahaa Maxamed Adam Cumar Cismaan oo ahaa ninka isagu ka danbeeyay in kabadan 17 xasuuq oo ay ONLF u geysatey shacabka deegaanka Soomaalida, isla mar ahaantaana jid mariyaha iyo gacan yarahaba u ah jananka naxariista daran ee ku qadhaabta budhcada ONLF. Sidoo kale, waxaa isna kulanka lagu kashifey, Xaaji Cabdiqaadir Guuleed Aadan oo la hor geeyay maxkamada gobolka Dhagaxbuur, laguna xukumey 5 sanadood oo xadhig ah. Xaaji C/qadir ayaa qayb weyn ka qaatey xasuuqii ay ONLF ka geysatey Gunagado horaantii kal hore. Shirweynaha oo wali ka socda qolka shirarka ee Dhagaxbuur, ayaa la filayaa inuu horseedi doono cidhib tirka shuftada ka dhaq-dhaqaaqda gobolkaasi. Muuqaalladii shirka iyo go’aannada ka soo baxaba kala soco Eegga.com Eegga.comDhagaxbuur
By Editor - Posted on August 8th, 2008
Shirweyne, magaalada Fiiq ka socdey mudo laba todobaad ah oo lagaga wada hadlayey nabadgalyada gobolka Fiiqeed, isla mar ahaantaana lagu qiimeynayey shaqaalaha dawlada ee ka shaqeeya dagmooyinka gobolka, ayaa shaley soo gabagaboobey. Shirkan oo ay hoggaaminayeen, Hoggaanka Nabadgalyada ee DDS & G/kuxigeenka X.D.SH.S., ayaa qaybtiisii hore lagu billaabey qiimeyn lagu sameynayey shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee lix dagmo, halka qaybtiisii danbe lagaga wada hadlayey sidii xal loogu heli lahaa nabadgalyo darrida ka jirta gobolka Fiiq. Dadka ka soo qaybgaley shirka ayaa isugu jirey maamullada dagmooyinka, hoggaamiye dhaqameedyada beelaha iyo madax-xafiiseeyada dagmooyinka gobolka Fiiq.
Hoggaanka Nabadgalyada oo isagu hagayey qiimeynta shaqaalaha, ayaa Wasaarada Maaliyada ee DDS ka soo qaatey liiska shaqaalaha mushaarka qaata ee gobolka Fiiq, si la isu bar-bar dhigo magacyada mushaaraadku ku baxaan iyo kuwa qaata iyo waliba iney ku suganyihiin goobihii loogu tala galeyna ka shaqeeyaan. Kadib markii odayaasha iyo maamulka hortooda laga yeedhiyey magacyadii shaqaalaha, dagmooyinka Fiiq, Sagag, Xamaro, Dhuxun, Garbo, iyo Mayumuluqi ayey ka soo dhex bexeen, shaqaale tiro badan oo isugu jira, kuwo dalkaba ka tagey, gobollo kale u badashey, qaar shuftada raacey, iyo kuwo aan soo shaqo tagin. Khaladka ka soo baxey qiimeyntaas, ayuu shirweynuhu masuuliyadeeda dusha uga tuurey, madax-xafiiseedyada maaliyada dagmooyinka iyo tan heer kilil & guddoomiyayaasha dagmooyinka, oo ay ahayd iney iyagu horey u sameeyaan baadhitaankan oo kale. Dagmoyinka Sallaxaad iyo Lagahida oo ka fog dagmooyinka kale, aysan iyagu ka soo qyabgalin shirweynaha.
Dhanka kale, waxaa shirweynuhu si dagmo-dagmo iyo beel-beel ah uga wada hadley sidii xal waara loogu heli lahaa, amni xumada ka jirta gobolka. Qodobada lagu qiimeynayey dagmooyinka oo laga tixraacayey qorshe shir sideed bilood ka hore lagu qabtey magaalada Fiiq ay ku kala qaateen, Hoggaanka Nabadgalyada iyo maamulada dagmooyinku, ayay dagmada Garbo baxdey kaalinta koobaad hir-galinta qorshahaas iyo ka midha dhalinta la dagaallanka shuftada. Sidoo kale dagmada Dhuxun iyo Fiiq, ayaa iyaguna natiijo fiican ka keenay la dagaallanka kooxaha nabadiidka ah. Kadib markii la qiimeeyay natiijadii shaqo ee ay la soo xaadireen ayaa, maamulladii dhaliisha loo soo jeediyey ee dagmooyinka Dhuxun, Sagag iyo Mayumuluqi is baddal lagu sameeyay, halka aan dagmooyinka Garbo, Fiiq, iyo Xamaro oo lagu qancey shaqadoodii, aan waxba laga badalin.
Muddadii uu shirku socdey waxaa lagu garab wadey,wacdi iyo guubaabo ay ka qayb qaadanayeen culimaa’u diin kala duwan iyo abwaaniin uu hor kacayey abwaanka caanka ah ee Cabdullahi Macallin Dhoodaan oo isagu shirka ka tiriyey gabey cusub oo si weyn dareenka dadka u gil-giley laguna magacaabo Galaalxoor. Dhinaca kalena, waxaa ay maxkamada gobolka Fiiqeed xukun ku ridey dad iyagu caqabad ku ahaa nabadgalyada gobolka, isla markaana dhibaato u geystay dadka shacabka ah. Dadka la xukumey, waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabo Haybe oo dhaley Mustafe Haybe oo ka tirsan masuuliyiinta shuftada ee gobolka Fiiq. Haybe oo lagusoo eedeeyay inuu laayey dad aan waxba galabsanin isla markaana xoolo ka dhacey dad masaakiin ah ayaa qirtey dhawr danbi oo dil uu dad u geystay ah , waxayna maxkamadu ku xukuntey 10 sannadood oo xadhig ah. Maqal iyo muuqaal shirweynaha laga soo duubey, ayaan maalmaha soo socda idin daawisiin doonaa, hadii eebe idmo.
Eegga.com
Fiiq
By Editor - Posted on August 9th, 2008
War naga soo gaadhey xerada qoxootiga ee Ifo oo ku taalla wadanka Kenya ayaa sheegaya in habeen hore isku day la rabey in lagu dilo, Maxamed Siraad Doolaal iyo Salaxudiin Macow ay ka bad-baadeen. Sida warku nagu soo gaadhey lix nin oo baangado sita, wajigana duubtey ayaa korka uga soo daatey guri ay daganaayeen, Doolaal & Macow, waxaana qayladii ku soo baxay dariskii, halkaasoo afar ka tirsan tuugtii ay baxsadeen laba kamid ahna gacanta lagu dhigey.
Kadib markii la warsadey labadii la qabtey ayey booliska u sheegeen in lacag $10,000 ah ay siiyeen Admirla Maxamed Cumar Cismaan & Caddaani, si ay u khaarajiyaan Macow iyo Doolaal, oo iyagu markiiba ku cararey magaalada Nairobi. Arrintan ayaa argagax aad u weyn ku abuurtey qoxootigii ku noolaa xerada Ifo. Wixii ka soo kordha arrintaas kala soco Eegga.com.
Eegga.com
Garrisa
By Editor - Posted on August 10th, 2008
Abwaanka caanka ah ee Cabdullahi Macallin Dhoodaan oo horey looga bartey gabayo uu kaga hadlayo marxalada ummadu ku sugantahey, balse in mudda aan gabayo cusub tirinnin, ayaa dhawaan curiyey gabey uu ugu magac darey "Galaalxoor". Gabeyga oo uu abwaanku adeegsadey murti aad u culus ayuu tilmaan iyo tusaalayaal kala gaddisan ka bixinayaa wadciga ummadu ku sugantahey, isla mar ahaantaana shacabka ku guubaabinayaa iney maskaxdooda ka shaqeysiiyaan.
Galaalxoor
Geylame gafkiisuu bataan geydhasho la’ayne
Qosol gawsku muuqdaan u tagin ciil gafuudin ahe
Sidaan kuugu gololeeyay waa gooni baadh taniye
Saddex gees sagaalkana guddaan kuugu gabaxsiine
Goggobeysigeedaa afeef kuu gol nuugsadaye
Qofba kaalintuu uga goggobi ha u gunuunoco e
Maahmaahda waa toban gulcood ii gadhoodhsaniye
Gudcur raadkii guuraha ku lumey waaga galacdiisa
Gadaal subaxii waa u goobi jirey ruuxa gurayaaye
Xadhga gunudka waa laga gagoon ay gammaamadiye
Adigoon ujeedada gadiyin taa haddaad garato
Soco waa galaal xooristii gaafaguursiga e
Wali garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Gundhadiyo haddii uu fadhiyo caabuq gudaheeda
Gumre iyo sammuutiyo haddaad gawlalleba shiisho
Wax mataro galillaha ku dhoob meel gunaadsanuye
Galsha miiradkii laas biyaha kii u godan waayey
Garraw adag gamaad kama qotiyo gaan u maaxsaniye
Wax galool anfici waayey iyo gob iyo noociisu
Fulleys baa gargaar kuugu noqon giirka ha u fidhane
Adigoon ujeedada gaddiyin taa hadaad garato
Wali garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Wax la yidhi gamaartii lo’diyo naag garaaf ihiba
Iyagaa gabbaan iyo gabniyo gees la koy dhala’e
Oo gaameelo doofaare iyo uur gasley noqone
Kac gardaadi wiil lama yidhaah xaaduq gaamuraye
Inuu gumaradiisii dhaxlaa looga gudayaaye
Kama yara hoggaan gobannima ah gaasa bixinteede
Adigoon ujeedada gadiyin taa haddaad garato
Gab kolkuu dareenkii noqdee gagi bannaan seexdo
Rag gadmadiyo geeriyoo dhurwaa gama’a deystaaye
Gadawgaan ku taabsiiyey iyo meel gadaanka ehe
Iska giiji waan kuu gunneyn geedi galintaase
Ha gawdh-gawdhin taan kugu gadh-wado gandaalkiiye
U gurguri sidii gaaridoo garawga ha u daynin
Wali garabkii maah-maahda waan soo gilgilayaaye
Garruudkii hayin ahaa kolbuu raran gubyoodaaye
Gurgurshaa maroor loogu xidhey caynka ganiciisa
Kolba gibisha waa inuu ridoo galagolcoobaaye
Ninkii gura dameer fuuli jirey meydal garab weyn ah
Goorada haduu kaga dagoo guudka kaga boodo
Oo gacanta kor u baaciyoo gaw ul kaga siiyo
Oo muquuska dib u giijiyoo gulubi keydeeyo
Gasariiridaasuu xarraan jara gariiraaye
Wali garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Ay duur gal ah tima guf ihi wey ka go’ayaane
Dabeecaduse kama guurto iyo goon jabkuu qabaye
Guddi dhaqan leh iyo guurti iyo goliyo xeerbeegti
Gablan uma horseedaan dad ay gacal u sheegtaane
Col gaddaama dhabanow garaac ama ku gawriire
Waa in gocndho saanguro muddoo kadaf ganbeystaaye
Wali garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Hadh ma geeyo aayadii ninkii hooyo gawracaye
Carrab li’idu waa sida gangada nooc gaddeeda ahe
Gurra cunidu maankey u geyn fiiro xaangab ehe
Gamaalaa gurdeyntiyo xurmadu waa laba is gaya e
Wali garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Nin gurrani hashuu dheelmo wey baalla gubataaye
Gulcubaha allaa toosin kara gabar malaasnaaye
Wax gurguuranaayaa ma jilo goodir boodadiye
Ninna gorayo iiguma sawiri karo garigii yuubnaaye
Gabsasteyba[i] nagu leeyihiin geel ka xoog badane
Dhaqan beyba usoo gororsan iyo faallo giig tirane
Gudahaan ka soo darey okhole galixi ooyoode
Dushaan gaawihii oo gingiman kuugu soo ganaye
Mana gabi dhacaayee biyaha gacantu yey daadin
Nin la gagey gamman iyo ha koro geenyo fadal dheere
Orod baan garmaameynayaa duhur gadiidkiise
Ha gofleyso sheekee waxaan gaadi baa jira e
Iyadoon gaboobeynin oo gamashi daaqii leh
Yaan soo gufaadhaye murtida kaama gaasirine
Galshax baan ku dhaadhsiiyey iyo gaagur malabkeede
Hadii fahanku kaa gaws qabsado san isugu gaarey
Ha garwaaqsadaan lahaaye kuuma soo digine
Waxay kuugu geedami qof gaya inaad u geysaaye
Si gurracan hadaad gabayadaa ula gawaan raacdo
Golxobbay murtidu yeelan iyo leeb gammuunna ahe
Mana weydo guutooyin iyo gaasas daafaca e
War yaan xeel gagaabani ku badin goobbo iyo tuure
Ka gud bohola yaan leydh gurxamey kugu galeydhyayne
Dhaqan bay usii gororsan iyo xaajo giig tirane
Godoloo u gaal gala waa galoof tanida
Gayaxdiyo ma goofaadhidiyo shaley garruumeeda
Galgaal iyo abeer laba gogliyo goolal iyo qaalmo
Neef guduudan iyo mey gardho leh goodir iyo aydin
Ma gab riminnin way goojisiyo wuu gadaal rimiyey
Galabtuu cabbaar gororsadiyo wuu ka daba goohay
Awr gulaan ahbaa guux la kacay oo gulgula weyn leh
Midkaa giih leh doobtii gilgili galawgi baa foddhyey
Gudun laana xero goodayoo bawd giraan giriyey
Sidaa gibinta oo weedh guntana hadalladaa geela
Gabeyga u gungaadh waa gaddaa gocoshadiisuuye
Maansadaa argoof iyo ganaax gababaynaysa
Ma guddoontey googaa sidaad iila garataane
Qabo waa galaal xooridii gaafa-guursiga e
[i] Saangurta, Daban-gaallaha iyo Kadafka ayaa Gabsas la isku yidhaahdaa
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on August 11th, 2008
Galabata, waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabagabeeyay, shirkii guddiga fulinta X.D.SH.S. oo muddo laba maalmood ah ka socdey xarunta xisbiga. Shirkan ayaa gogol xaadh u ahaa, kulan ballaadhan oo maalinta Arbacada ah ka furmi doona magaalada Addis Ababa, lagagana wada hadli doono, sidii miisaaniyad aad u badan loo galin lahaa, wabiyada deegaanka Soomaalida.
Wasaarada Beeraha ee dawlada Federaalka Ethiopia oo hoggaamineysa kulankan, ayaa qorsheysay in sannadka soo socda ee taariikhda Itoobiya, ay Dawlada Deegaanka Soomaalidu, ku bixiso kharash aad u badan sidii deegaanku isgaga fillaan lahaa dhanka cunnada. Masuuliyiinta ugu sarreysa Dawlada Deegaanka Soomaalida, ayaa la filayaa iney u safraan Addis Ababa, si ay uga qaybgalaan kulankaas.
Kadib marka shirkaas laga soo laabto, waxaa magaalada Jijiga ka furmi doona kalfadhigii baarllamaanka deegaanka oo lagu ansixin doono miisaaniyad sannadeedka 2001.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on August 13th, 2008
Kulan aad u balladan oo maanta galinkii danbe lagu qabtey xafiiska Reysul-wasaaraha Itoobiya, ayna ka qayb-galeen, xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida, ayaa lagaga wada hadley sidii xawli loogu dhaqaajin lahaa mashaariicda horumarineed sannadka cusub ee taariikhda Itoobiya laga fulinayo deegaanka Soomaalida. Reysul-wasaare, Meles Zenawi, oo kulanka hoggaaminayey ayaa qirey in Dawlada Deegaanka Soomaalidu ay shaqo fiican ka qabatey sugida nabadgalyada deegaanka, isagoo isla mar ahaantaa ku ammaaney masuuliyiinta xukuumada iyo xisbigaba, ka go’naanshaha in deegaanku nabadgalyo helo si loo horumariyo.
Miisaaniyada deegaanka Soomaalida ee sannadka soo socda, ayaa la isla qaatey in badankeeda la galiyo dhulka wabiyada leh, isla markaana laga fuliyo horumar isu dheeli tiran oo dhinac walba ka dhameystiran. Hadalka Reysul-wasaaraha oo ay ka muuqatey xog-ogaalnimo dheeraad ah oo uu ka warqabo dagmooyinka horumar la’aantu ka jirto, ayaa masuuliyiinta Soomaalida ku booriyey iney ku dadaalaan sidii horumar la taaban karo loo gaadhsiin lahaa shacabka deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on August 20th, 2008
Maanta, waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaaliyeed ka furmay qiimeyn lagu sameynayo xubnaha baarllamaanka deegaanka Soomaalida ee lagu soo doortey magaca Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Ujeedada qiimeyntan ayaa ah in xisbigu kala ogaado xildhibaanada gutey waajibaadkoodii, iyo kuwa gabey shaqadoodii iyo iney u adeegaan bulshadii soo dooratey.
Xoghayaha xisbiga, Axmed Carab Adan, ayaa hagi doona qiimeynta xildhibaannada, waxaana la filayaa iney soo gaba-gabowdo dabayaaqada todobaadkan aynu ku jirno. Kadib qiimeyntan, waxaa furmi doona kal-fadhigii baarllamaanka deegaanka oo ajandayaasha horyaalla ay kamid tahey inuu ansixiyo miisaaniyada sannadka 2001, oo tiro ahaan ka badnaan doonta tii sannadkii hore.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on September 7th, 2008
Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gaba gabeeyay kalfadhigii golaha baarllamaanka ee Deegaanka Soomaalida oo muddo saddex maalmod ka socdey qolka shirarka ee baarllamaanka. Qodobada xildhibaannada la soo hordhigey, oo dhammaantoodba la ansixiyey, waxay ahaayeen; ansixinta miisaaniyada sannadka soo socda, golaha wasiirrada oo dib la isugu shaandheeyey, maalmaha shaqada & fasaxa oo wax laga baddaley, xildhibaanno xasanada laga qaadey iyo calanka deegaanka oo isbaddal lagu sameeyay.
Miisaaniyada sannadka 2001 ee tirsiga Itoobiya loo qoondeeyay deegaanka Soomaalida, oo ah tii ugu badneyd ee abid deegaanka soo marta ayaa la nasixiyey. Tirada miisaaniyada ee sannadka soo socda ayaa kor u dhaafeysa 1 billion iyo 2 boqol milyan birr-ta Itoobiya.
Golaha wasiirrada ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, ayaa dib u habeyn lagu sameeyay, waxaana ka mid ah xafiisyada wax laga baddaley; Madaxweyne ku xigeenka iyo xafiiska Dakhliga oo loo magacaabey,Xasan Cabdullaahi Riyaale oo horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Shinniile., Xafiiska Beeraha oo loo magacaabey Dr. Axmed Maxamed, halka Xafiiska W/barashada, loo magacaabey C/raxmaan Sh. Maxamed (Gurey), oo horey madax uga ahaa, Xafiiska ka hortaga Masiibooyinka & u diyaar grwoga abaaraha. Xafiiska Arrimaha Haweenka, waxaa loo magacaabey, Faadumo Maxamed, Xafiiska Isboortigana, Suurow Maxamed. Xafiiska Maaliyada ayaa isna madax looga dhigey, Cumar Xaaji. Wasaaradaha; Ganacsiga, Hawlaha Guud, iyo Ka Hortaga Abaaraha, ayaa la filayaa in si deg deg ah loogu magacaabi doono wasiiro cusub. Xafiisyada kale ayaa loo daayey masuuliyiintii hore u maamulaysey.
Maalmaha shaqada laga nasto deegaanka oo ahaa Jimcaha iyo Axada, ayaa baarllamaanka la soo hor dhigey, dood odhaneysa in ay arrintaasi horseeday in shaqaalaha dawladu fasaxa ku darsadaan maalinta Sabtida ah. Si markaasi la isu waafajiyo maalmaha guud ahaan Itoobiya laga shaqeeyo, isla markaana loo kordhiyo wakhtiga la shaqeeyo, waxay xildhibaanaud go’aamiyeen in Sabtida iyo Axada laga nasto shaqada, maalinta Jimcaha ahna shaqada laga boxo 11:00 barqinkii, si ay salaada Jimce u tukadaan. Dhanka kale waxaa calanka deegaanka Soomaalida laga saarey xiddigtii ka dhex muuqatey midabka buluuga ah, arrintaasoo sabab looga dhigey iney xidigtu astaan u ahayd wadanka Soomaaliya, iyo fikirkii Soomaaliweyn. Golaha Baarllamaanka ayaa abaal-gud ku siiyey soo bandhigista qodobada ku saabsan maalmaha shaqada, wax ka badalida calanka deegaanka, iyo hees calan oo horey deegaanka loogu sameeyay, Hoggaanka Nabadgalyada, Cabdi Maxamed Cumar.
Ugu danbeyntii, waxay xubnaha baarllamaanku cod buuxa xasanadii kaga qaadeen 7 xubnood oo qiimeyntii baarllamaanka ee todobaadkii hore la go’aamiyey ineysan saxmi karin. Waxay xubnahaasi kala yihiin; C/rashiid Sh. Cali, Feysal Daahir Xaashi, Cabdullahi Qaloonbi, Maxamed Xirsi Geesood, Deeq Daahir, Rabiic C/qaadir iyo Cabdi Axmed Yaasiin.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on September 28th, 2008
Baarllamaanka deegaanka Soomaalida, ayaa fadhigiisii u danbeeyay ee uu bishii ina dhaaftey ku yeeshay magaalada Jigjiga, ku go’aamiyey, in calanka deegaanka laga baddalo, midabka buluuga ah iyo xidigta. Haddaba guddi uu baarllamaanku u xil-saarey iney soo diyaariyaan midabka lagu baddali doono, ayaa durbaba go’aamiyey in buluugii lagu badalo midabka huruuda ah xidigtiina lagu badalo sawirka neef geel ah.
Midabka huruuda ah ee uu calanka cusubi yeelan doono, ayaa midabka calanka deegaanka Soomaalida u dhaweynaysa midabka calanka federaalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena sawirka neefka geela ahi u taaganyahey dhaqashada geela oo ay dadka deegaanku caan ku yihiin.
Midabka buluuga iyo xidigta, ayaa markii hore laga soo qaatey calankii Soomaaliya, iyagoo islamarkaasi u taagnaa Soomaaliweyn, waxayna baarllamaanka deegaanku go'aamiyeen in midab kale oo ka turjumaya deegaanka lagu badalo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on September 28th, 2008
Dagaal tuulada isdabadaga ku dhex marey budhcada sii dabar go'ayasa ee Ina Cumar Cismaan ka amar qaadata, & ciidanka sida gaarka ah u taba baran ee Deegaanka Soomaalida, ayaa jab aad u weyn loogu geystay kooxdii Ina Cumar Cismaa, waxaana goobtaa lagu diley 5 nin oo si gaar ah isaga ugu xiniinya dirireysay, isku haybna ay ahaayeen, halka isagiina dhaawac culusi ka soo gaadhey dhabarka.
Ragga sida gaarka ah u waardiyeynayey, jananka ee la diley ayaa kala ah
- Cabdullahi Guud-Cade
- Maxamed Sheekh Mukhtaar
- Maxamed Xasan Barre
- Maxamed Axmed Basey
- Muxumed Nuur .
Muddo yar kadib markii uu dagaalku bilawde, waxay xabadi dhabarka kaga dhacdey, Ina Cumar Cismaan,halkaasoo lagu qariye awr dhaan ah oo meesha dagaalku ka socdey marayey.
Ciidanka sida gaarka ah u taba baran ee Deegaanka, oo durba cashir lama ilaawaan ah u dhigey nabadiidka UBO, ayaa wali ku raad taagan iney gacanta ku soo dhigaan jananka malagiisu galey ee Ina Cumar Cismaan.
Eegga.com
Jigjiga
Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:SimSun; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;}
By Editor - Posted on October 3rd, 2008
Dagaal galabta ka dhacey meel u dhaw tuulada Yoocaale, ee gobolka Dhagaxbuur, ayey ciidamada difaaca Itoobiya qudha kaga jareen 25 shuftey oo ka tirsan ururka nabadiidka ah ee ONLF, kagana furteen 17 qori iyo qalab kale. Kooxdan oo ay ciidanka qaranku ka war hayeen goorta iyo aaga ay ka soo galeen dalka,isla mar ahaantaana ku raad taagnaayeen, ayaa galabta lagu helay goob ay kula ballansanaayeen budhcad kale; si ay gumaad ugu geystaan shacabka dagan tuulada Yoocaale. Jabka galabta soo gaadhey budhcada ONLF, wuxuu ahaa kii ugu ba’naa ee soo gaadha, dhawrkii bilood ee ina dhaafey, kadib markii si weyn loogu naafeeyey dagaallo hore oo lagu qaadey. Wixii faah-faahin ah ee ka soo kordha kala soco Eegga.com.
Eegga.com
Dhagaxbuur
By Editor - Posted on October 19th, 2008
Tan iyo intii ay guddiga fulinta ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed, shaqadii ka eryeen, Madaxweynihii deegaanka Soomaalida; Cabdullahi Xasan, waxay bulshada deegaanku ka dhur sugayaan, cidda xilkaa qaban doonta isla mar ahaantaana waxay dadku isla dhex marayaan magacyada shaqsiyaadka ay is-leeyihiin wey noqon doonaan Madaxweynaha Deegaankan Soomaaliyeed. Dadka magacyadooda aadka loo sheegayo, waxay kala yihiin; Daa’uud Maxamed Cali,(G/kuxigeenka Xisbiga) Cabdi Maxamed Cumar (Hoggaanka Nabadgalyada), & Bashiir Cabdullaahi.
Waxaana maalmahan danbe loo badinayey in Hoggaanka Nabadgalyada; Cabdi Maxamed Cumar uu qaban doono jagada Madaxweynaha Deegaanka. Mar aanu Hoggaanka wax ka weydiiney cidda noqon doonta madaxweynaha deegaanka, wuxuu noo sheegay in go’aanka arrintaasi u yaallo guddiga fulinta ee xisbiga iyo baarllamaanka deegaanka, ayna muhiim tahey in la magacaabo madaxweyne. Balse wuxuu fikirkiisa shaqsiyeed, Cabdi Maxamed Cumar noogu sheegay in ay jirto cid ku habboon iney qabato xilka madaxweynimada deegaanka. Inkastoo aanu hoggaanku, carrabka ku dhufannin, haddana waxaa ka dha-dhameysay in cidda uu la jecelyahey ay tahey; Daa’uud Maxamed Cali, oo ay muddo badan labadoodu ka soo wada shaqeeyeen nabadgalyada deegaanka. Wuxuu sidoo kale hoggaanku noo sheegay in guddiga fulinta ee xisbigu ka duwantahey xillayadii la soo dhaafey oo aysan jirin cid si gaar ah ugu ordeysa madaxtinimada deegaaka sidii dhici jirtey iyo wax koox-kooxeysi.
Waxaan maalmaha soo socda wareysi la yeelan doonaa, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga; Daa’uud Maxamed Cali, si aanu u ogaano ra’yiga uu ka qabo cida noqon doona madaxweynaha deegaanka Soomaaliyeed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on October 23rd, 2008
Shir ay isugu yimaadeen, Guddiga Fulinta ee X.D.SH.S. oo lagu qabtey xarunta xisbiga ee magaalada Jigjiga maanta, ayaa lagu go’aamiyey, xubinkii uu xisbigu hor keeni lahaa kulanka baarllamaanka, si loo doorto madaxweyne cusub oo deegaanku yeesho. Dood dheer oo ay ujeedadeedu ahayd sidii deegaanku u heli lahaa madaxweyne, wax ka qabta horumar la’aanta ka jirta deegaanka, kadib, waxay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbigu isku raaceen in Daa’uud Maxamed Cali uu noqdo Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale, waxaa isla maanta laga ansixiyey inuu xilka madaxweynenimo Daa’uud qabto, xildhibaanada deegaanka Soomaaliyeed ee ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Kulan aan caadi ahayn oo ay baarllamaanka deegaanku yeelan doonaan barito ayaa lagu ansixin doonaa, isla mar ahaantaana lagu caleemo saari doonaa, madaxweynaha cusub.
Taariikh Kooban, muddadii uu Daa’uud siyaasada deegaanka ku jirey
Daa’uud Maxamed Cali, wuxuu 1991 tirsiga Ethiopia, ka soo qalin jabiyey Jaamacada Civil Service College, isagoo ku soo takhasusey cilmiga dhaqaalaha. Isla sannadkaas wuxuu xubin ka noqdey Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed iyo baarlamaanka deegaanka Soomaalida oo 1992 laga soo doortey gobolka Wardheer. Dhanka xukuumada deegaanka, wuxuu shaqooyin kala duwan kasoo qabtey xafiisyada; Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Machadka Maamulka, Sanduuqa Horumarinta, & Hoggaanka Kobcinta Awooda. Laga soo billaabo 1998, wuxuu Daa’uud ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on November 30th, 2008
Todobaadkan badhtamihiisii, ayuu Reysul-wasaaraha Itoobiya; Meles Zenawi, magacaabey labo wasiiru- dawle oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida. Labada wasiir ee la magacaabey ayaa kala ah; Mudane Bashiir Cabdullahi Caydaruus oo loo magacaabey, wasiiru-dawlaha Beeraha & Horumarinta ree Miyiga ee dawlada Federaalka Itoobiya iyo Mudane Axmed Shide oo isna noqon doona, wasiiru-dawlaha Maaliyada. Magacaabistan ayaa ka danbeysay isku-shaandheyn uu dhawaantanba reysul-wasaaruhu ku wadey golaha wasiirrada ee dawlada federaalka.
Wasiiro hada ka hor ka tirsanaa dawlada federaalka isla markaana ka soo jeeday qawmiyada Soomaalida kalana ah; Khadar Macalin Cali & Ubax Maxamed Xuseen, ayaan lagu soo darin wasiirrada hada la magacaabey, sidoo kalen xilalkii ay hayeen loo magacaabey wasiiro cusub.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on December 9th, 2008
Maalinnimadii Isniintii galinkii danbe, waxaa gacanta Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed soo galey 54 xubnood oo iska soo dhiibey budh-cada dabayaaqada ku jirta ee ONLF. Kooxdan isasoo dhiibtey oo u badan dhalinyaro reerohoodii laga duufsadey, diif badanina ka muuqato, ayaa 38 kamid ahi ay la yimaadeen qoryohoodii, inta kalena ay sheegteen iney budh-cada la socdeen iyagoon qoryo haysanin.
Dhalinyaradan isa-soo dhiibtey ayaa ku xog warramey in dhibta ay ku jireen oo awal horaba ahayd mid adag, ay si aad ah xaaladooda nololeedi u sii adkaatey intii khilaafka ONLF dhexdeeda ahi ballaadhey,soona gaadhey gudaha, sababeyna gacan-hadal keenay dhimasho iyo dhaawac badan. Tiro hubkooda iyo qoryohooda wata oo intan la eg oo iyadoon dagaal dhicin iska soo dhiibta ururka nabadiidka ah ee ONLF, ayaa ah markii ugu horeysay, iyadooy arrintni xaqiijineyso, qoraal todobaadkii hore lagu soo qorey boga hore ee Abaaqorow online oo uu soo qorey nin sheegtey inuu ka tirsanaa shuftada ONLF, hasa yeeshee ka cararey kala qeybsanaanta gaadhey iney dhexdeedu is laayaan.
Gaadiid loo direy inuu kooxdan isaso dhiibtey soo gaadhsiiyo xarunta deegaanka ee Jigjiga, ayaa ku sii jeeda goobtii ay iska soo dhiibeen, waxaana la filayaa in ay Jigjiga soo gaadhaan dhawrka bari ee fooda iangu soo haysa. Waxaan maalmaha soo socda, hadii eebe idmo idiin soo gudbin doonaa xog buuxda oo maqal iyo muuqaalba isugu jirta, kuna saabsan kooxdan shaley isa soo dhiibtey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on January 22nd, 2009
Sida ay sheegtay xaruunta ka hortaga cudurka AIDS-ka ee Ismaamulka Soomaalidu, waxaa meelo kamid ah deegaanka ka socda dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo lagaga hortagayo cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.
Madaxa xarunta kahortaga AIDS-ka, Cali Muuse, ayaa uu u sheegay wakaalada wararka ee Itoobiya in xaruntiisu ay u gudbisay dadwaynaha warka ugu dambeeye ee cudurka kuwaas oo ah warar ay dadwaynuhu ku kalsoon yihiin. Madaxu waxa uu tibaaxay in ay xarunto adeegsato tabo kala gadisan oo lagu baraarujiyo dadwaynaha sida maktabadaha, qalabka internetka iyo adeeg lagula taliyo dadwaynaha,
Xarunta ka hortaga AIDS-ka ayaa siisa adeegyo kala duwan ila 150 qof maalin walba iyada aqoonta guud ee shacabka ee ku aadan cudurka kor loo qaaday. Xaruntan oo laba sano ka hor loo taagay udbaha ayaa adeegyo kala gadisan u fidisa dhalinyarada iyo qaybaha bulshada oo idil.
Cudurka AIDS-ka ayaa fara kulul ku haya wadamo badan oo ku yaal qaarada Afrika oo ay Itoobiya ka mid tahay.Cudurka oo uu keeno noole yar oo loo yaqaan HIV ayaa inta badan lagu kala qaada galmada, Sidoo kale, waxa lagu kala qaadi kara iyada oo la wadago irbadaha iyo qalabka la isku qalo ee aan nadiifta ahayn. Hooyooyinka uurka leh ee qaada HIV-ga ayaa u gudbin kara ilmaha aan dhalan ee ay uurka ku sidaan. Sidoo kale makiinadaha ay daka wax guda/xalaaleeya ayaa aad u fidin kara cudurka hadii aan aad looga taxadarin
Xigasho; Somalistate.com
Eegga.com
By Editor - Posted on February 22nd, 2009
Inkabadan 75 xirfad layaal ayaa deegaanka ismaamulka Soomalidu ay shaqaalaysiiyeen. War aan ka helay mas'uul katirsna xafiiska beeraha iyo horumarinta reer miyiga ayaa ii cadeeyay in lashaqaalaysiiyay in kabadan 75 xirfad layaal xaga beeraha, xirfad layaashan ayaa waxay isugu jiraan kuwa soo dhameeyay waxbarashada wakhti hore iyo kuwa cusub oo sanad kahor so dhamaystay waxbarashadoodii.
Xirfad layaashan oo lagu baahiyay dag mooyinka uu kakooban yahay deegaanka Soomaalida ayaa maalintii shalay lasiiyay shaqa qeexidii iyo qaabkii uu shakhsikasta ku tagi lahaa goobtii lagu qoray.
By Editor - Posted on February 25th, 2009
Xubno tiradoodu gaadhyso 6 oo bil ka hor ka soo xaroodey ururka nabadiidka ah ee ONLF, oo, xeyndaabka laga qaadey kadib, markii dawladu tallaabooyin waaweyn ku qaadey xogtii ay siiyeen, ayaa dib loogu yeedhay si su'aalo loo weydiiyo. Hadaba dawlada oo ilaalo hoose ku haysay xubnahan, ayaa ka shakidey dhaq-dhaqaaqooda, tuhuna ka qaadey iney ujeedada ay u yimaadeen ahayd oo kaliya in dawladu xogtaas hesho, ee aysan si dhab ah u soo xaroonin, ugana tanaasulin fikirkii khaldanaa iyo budh-cadnimadii.
Tallaabadan dawladu ka qaadatey xubnahan, ayaa la sheegayaa iney sidoo kale keentay, xog ay keeneen xubno kadib soo xaroodey, oo sheegay in raggaasi ay dawlada ugu yimaadeen iney xog soo gaadhsiiyaan oo kaliya. Marka la dhameystiro, baadhitaanka ku socda, ayaa la kala cadeyn doonaa ujeedada ay u soo xaroodeen.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on February 28th, 2009
Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed; Daa'uud Maxamed Cali, ayaa xog dhinacyo badan ka hadleysa saxaafada dalka ku siiyey xafiiskiisa, magaalada Jigjiga. Wareysigan oo la qabtey,xuskii maalinta Qawmiyadaha Itoobiya,ayaa, waxyaabaha M/weynuhu ka hadlayo, waxaa kamid ah; Maalinta Qawmiyadaha, Nabadgalyada, Ganacsiga, Abaaraha, iyo arrimo badan, oo khuseeya bulshada deegaanka Soomaalida. Wareysiga oo muuqaal ah; halkan ka daawo qeybihiisa kala duwan. Qeybta 1aad ; Qeybta 2aad; Qeybta 3aad; Qeybta 4aad.
By Editor - Posted on February 28th, 2009
The public in Somali State to hold welcoming event for Ethiopian troops who returned home after meeting a mission in Somalia, the state’s culture and information bureau said.
Bureau head, Ahmed Hussein, who is also chairman of event organizing committee, told ENA on Wednesday that the public in the state have taken the initiative to hold the event.
The public have begun hoisting the national and regional flags on the premises of residential houses, shops, and squares.
As part of the event, members of the gallant defense force who took part in the mission in Somalia will be awarded, he said, a monument will also be erected for to commemorate the mission.
Source; ENA
By Editor - Posted on March 1st, 2009
Xafiiska Biyaha & Macdanta ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, wuxu ka mid yahey, xafiisyada, sida habsamida leh dadaalka ugu jira daryeelka bulshada deegaanka, wuxuuna xafiisku hadh iyo habeen ku mashquulsanyahey siduu ummada uga haqab tiri lahaa biyaha ku jira deegaanka.
Hada, wuxuu xafiisku dhameys tirey biyo xidheeno laga fuliyey; Galbeedka Godey, Hargeelle, Booli Xagare, iyo Bereen, oo bulshada u fududeyn doona iney biyo u helaan beerahooda. Waxaa kale oo xafiisku gacanta ku hayaa biya galinta magaalooyinka, Dhagaxbuur, Qabridahare, iyo Godey, iyadoo mustaqbalka dhawna la guda gali doono biya galinta magaalooyinka; Wardheer, iyo Shinniile.
Dhanka kale, wuxuu mar walba, xafiiska Biyaha ee DDS, heegan u yahey inuu dayac tir ku sameeyo, isla markaana u gurmado, markey cilladi ku timaado, ceelasha hada laga cabo ee ku yaalla guud ahaan deegaanka Soomaalida.
Halkan Ka Daawo Muuqaal Muujinaya Qaar Ka Mid ah Mashaariicda Xafiisku Fuliyey
Eegga.com
By Editor - Posted on March 1st, 2009
Booliska, deegaanka Soomaaliyeed, wuxuu ka mid yahey hey'adaha laf-dhabarta u ah, xasiloonida & dagganaanshha deegaanka. Booliska DDS, oo ka hawl-gala dhamaan 52-da dagmo isla markaana xarumo ku leh, waxaa kamid ah waxyaabaha uu bulshada Soomaaliyeed u qabto.
- Ka ho-tagida, inuu dhaco fal-danbiyeed, xasiloonida faraha ka bixiya, iyagoo ilaaliya amniga, xarumaha dawlada, masuuliyiinta, goobaha bulshadu ku kulanto, & jidadka magaalooyinka & waliba iney daba-gal iyo baadhitaan ku sameeyaan marku fal-danbiyeed dhaco.
- Ilaainta sharciga iyo kala danbeynta, iyagoo mar walba heegan ugu jira, iney xakameeyaan, khilaafaadka xaafadaha, qabaa'ilka iyo shilalka dhaca maalin walba.
Halka ka daawo muuqaal muujinaya; Booliska Deegaanka Soomaaliyeed oo kamid ah kuwa tababarka & awooda fiican Itoobiya.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 1st, 2009
Axmed Carab, wuxuu ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo deegaanka, ah sid; Ganacsiga, Dakhliga, iyo jidadka, isagoo waayadan danbe aad ugu badnaa dhanka Xarunta Xisbiga; isla markaana ah Xoghayaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Mudadii uu xafiiska xisbiga joogey, wuxuu madax ka ahaa guddigii dib u habeynta shaqaalaha, isagoo sidoo kale, kaalin weyn ka soo qaatey qiimentii xisbigu ku sameeyay, qeybaha kala duwan ee dawlada, sida shaqaalaha dawlada, baarllaamaanka, iyo ganacsatada qandaraasyada ka qaadata dawlada. Xafiiska Xisbiga wuxuu hada u qaabilsanaa, xidhiidhka dadweynaha. Madaxweynaha DDS, ayaa Axmed Carab u magacaabey, inuu noqdo Madaxa Xafiiska Warfaafinta, waxaana laga filayaa inuu wax badan ka qabto dib dhaca ka jira saxaafada deegaanka.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 3rd, 2009
Dagaal 26-kii Februay ka bilawdey tuulada Mula ee dagmada Qabri-bayax, una dhexeeyay, shacabka tuulaaas & budh-cada ONLF, ayaa saaka ku soo gaba-gaboobey in shacabkii tuuladaasi, ay gacanta ku dhigaan, xaruntii ONLF, oo ku taalley jiita oo ka tirsan degmada Fiiq.
Wakhti aroor hore ah ayey kooxda ONLF oo damacsanaa iney bililiqeystaan bakhaaro ay ku jiraan raashin caawimo ah oo shacabka in loo qeybiyo la rabey ay weerar ku soo qaadeen. Inkastoo ay jabsadeen 4 kamid ah bakhaaradii raashinku yaalley, hadana uma ayna surto galin iney boobaan raashinkii, oo waxaa durba ka soo gaadhey, dhalinyaradii tuulada oo is abaabushey dagaalna la beegsadey, halkaasna ku diley 4 kamid ah budh-cadii ONLF. Dhanka shacabka tuulada Mulla, waxaa ka shihiidey, nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo; Cabdi-dheer Cabdullahi Xaashi, waxaana ka dhaawacmey 1 ruux oo hada lagu daweynayo magaalada Jigjiga.
Shacabkii tuulada Mulla oo dib iskood isugu soo abaabuley, ayaa raad qaadey, budh-cadii weerarka gaadmada ah ku soo qaadey, iyagoo shaley ku gaadhey, tuulo ka tirsan dagmada Fiiq oo la yidhaahdo, Galda'a, halkaasna kooxdii ONLF, oo xabaalanaya 4-tii Mulla lagaga soo diley, ay 2 kale oo dheeraad ah kaga dileen.
Shacabkii Tuulada Mulla, ayaan intaas ku istaagine, waxay shaley oo idil sii baacsanayeen, firxadkii nabadiidka, iyagoo saaka gacanta ku dhigey xaruntii ONLF, ee laga soo abaabuli jirey, falalka budh-cadnimada leh ee shacabka lagu gumaadi jirey. Xaruntan oo laga helay dukumiinti iyo qalab fara badan ayaa ku taalla meel lagu magacaabo Jiita oo ka tirsan dagmada Fiiq. Shacabka tuulada Mulla, ayay tallaabadani u tahey guul weyn oo ay u soo hoyiyeen dhamaan shacabka deegaanka Soomaaliyeed.
Eegga.com
Qabribayax
By Editor - Posted on March 3rd, 2009
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) rebel group of Ethiopia's Ogaden region has reportedly split into two factions over disputes on the death of ONLF leader Mohammed Sirad Dolal. A Senior leader Abdiwali Hussein Gas declared a new ONLF chairman.
Dolal was a rival of the current ONLF chairman Mohammed Omar Osman and he was assassinated by Ethiopian security forces, allegedly with substantial assistance from agents inside warring Ogaden sub-clans. The ONLF and human rights groups have long accused the Ethiopian government of using local Somali clan militias against the heavily armed ONLF fighters instead of using trained police force.
Abdwali appointed Salahudin Ma'ow as the new ONLF chairman and declared that he will "bring Mohammed Omar Osman to court" for breaking up the ONLF, according to the Puntland media Garowe quoting BBC Somali sources. Abdwali is relatively known in some parts of the Oromo community for seeking better collaboration between Oromo and Ogaden separatist forces, particularly attempts to work with Muslim Oromo groups against what he labeled as "colonial Ethiopian empire."
The Ethiopian government and the ONLF have accused each other of human rights abuses in an ongoing violence that have intensified since April 2007
Source; Jimma Times
By Editor - Posted on March 4th, 2009
Sida la wada ogsoonayey, ururada argagixisada ah ee ONLF,& UWSLF(Al-Itaxaad) waxay dhaca, boobka, iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka deegaanka Soomaaliyeed, ka soo maleegaan, wadanka Eriteria, waxeyna soo dhex maraan Soomaaliya, iyadoo ay uga wacantahey, ineysan Soomaaliya lahayn xukuumad ilaalisa waxa ka gudbaya xuduudeeda. Xog badan oo ay Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed ka heshay, xubnihii lagu soo qab-qabtey dagaalladii ay dawladu la gashey ururada nabadiidka ah ayaa caddeysay, goobaha xuduuka ka baxsan ee ay ka soo maleegaan, qorshayaasha ay rabaan in qalalaase ay kaga abuuraan deegaanka, & waliba beelaha ay soo dhex maraan ee marinka ay ka dhigteen, si ay nolosha bulshada deegaanka Soomaaliyeed u bur buriyaan.
Haddaba, Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, & Dawlada Federaalka Itoobiya, oo ku jra ol-ole ballaadhan, oo la damacsanyahey, in si wada jir ah, waddanka gudihiisana looga baa bi’iyo Al-itaxaad iyo ONLF, isla markaana looga ilaaliyo ineysan waddanka soo galin, ayaa waxay ugu baaqayaan in qabaa’illada dagan xuduudka Soomaaliya ee dariska la ‘ah deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo maamullada ka jira, ay dhulkooda ka ilaaliyaan in uu noqdo wado ay soo maraan argagixisada, Al-Itaxaad & ONLF.
Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, waxay aaminsantahey in daris wanaag iyo is-kaashi dhan walba ah lagu wada noolaado, la iskana ilaaliyo, cadawga duullaanka ku ah nolosha dad shacab ah, sidaasi darteed, waxey qabaa’ilka iyo maamullada dalka Soomaaliya ee dariska deegaanka la ‘ah ugu baaqeysaa in kaalintooda dari-wanaag ay ka soo baxaan. Dadaalkan loogu jiro in xuduuda iyo meelaha ay soo marayaan laga soo afjaro, DDS iyo Dawlada Federaalka Itoobiya, oo wada jira ayaa tallaabo ku habboon ka qaadi doona ciddii argagixisada, Al-Itaxaad & ONLF gacan ku siisa iney soo galaan gudaha deegaank Soomaalida.
Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed
Jigjiga
By Editor - Posted on March 5th, 2009
Madaxweynaha DDS, ayaa kulan uu maanta la galey, muhandisiinta, xafiisyada horumarinta ee DDS, ku booriyey, iney dar dar galiyaan, mashaariicda horumarineed ee ay xafiisyadoodu gacanta ku hayaan. Injineerada kulanka ka soo qeyb-galey, oo ka kala socdey xafiisyada, Hawlaha Guud & Horumarit Magaalooyinka, Horumarinta Jidadka Ree Miyiga, Xafiiska Biyaha, iyo waliba Dawlada Hoose ee Jigjiga, ayaa dhamaantood gacanta ku haya, mashaariic, laf-dhabar ah horumarka deegaanka.
Qiimeyn bil ka hor uu Madaxweynuhu ku sameeyey xafiisyada horumarinta heer deegaan iyo maamullada gobollada, ayuu si weyn u saluugey, nidaamka loo diyaariyay miisaaniyada, isagoo ka codsadey in xafiisyadu ay dib ugu noqdaan, qorshahooda miisaaniyadeed, ayna ka dhigaan mid ka turjuma ama wax ka qabata, baahida bulshada.
Dib u dhac balaadhan ayaa ka jira, waaxaha qaabilsan horumarinta magaalooyinka,& jidadka ree Miyiga, waxaana qiimeyn hada ka hor lagu sameeyay lagu ogaadey in injineero badan oo u shaqeeya, xafiisyada Hawlaha Guud, & Xafiiska Jidadku, oo ay waliba ka mid yihiin hoggaaminta xafiisyadaasi, ay sameysteen shirkado ganacsi, si ay ugu qaataan qandaraasyo, iyagoo dhinac isaga dhigey, gudashada waajibkii shaqo & iney wax ka qabtaan baahida bulshada Deegaanka Soomaaliyeed.
Maamulka Madaxweyne Daa’uud ayey ka go’antahey in uu xaqiijiyo in miisaaniyada dawlada aysan u bixin si aan munaasab ahayn, isla markaana, shaqaalahu, ay waajibkooda u gutaan si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 7th, 2009
Dhismaha waddooyinka oo saddexdii sano ee ina dhaafteyba ka socdey, waadada dheer ee marta magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur & Qabridahare, ayaa si dar dari ku jirto saddex jaho uga socda Magalada Qabridahare. Hey’ada Jidadka ee Itoobiya (Ethiopian Roads Authority), oo horey u ebidey, isla markaana laami ka dhigtey, wadada inta u dhaxeysa Dhagaxbuur iyo Jigjiga, ayaa ku tala jirta iney dhameys tirto, qeybta hadhey. Qabridahare, waxaa dhismaha wadada laga billaabey saddexda jaho ee ku kala aadan, Dhanaan, Shilaabo, iyo Sheygoosh. Inkastoon wali laami lagu shubin, inta hada la sameeyey, haddana, waxaa si wanaagsan loo sameeyay, kaabadihii iyadoo waddadiina si weyn loo ballaadhiyey.
Qabridahare, dhanka Sheygoosh, waxey simidda jaygu mareysaa, Duud-Ciid, xaga dhanka Dhanaan ay gaadhey, Dhahiin. Dhicaca Shilaabo, oo la billaabey, bishii November ee ina dhaaftey, ayay durbaba daba martey, Higlada Addoomey.
Wadada u dhaxeysa, Dhagaxbuur iyo Sheygoosh, wuxuu laamigeedu dhaafey, tuulada Garawo, iyadoo jaygana la simey ilaa Huuraale. Sidoo kale, waxaa dhismaha wadada laga soo wadaa dhanka Sheygoosh.
Mashaariicda dhismaha waddooyinka deegaanka oo ay ku baxeyso miisaaniyad, aad u badan, waxaa fulinaya, Dawlada Federaalka Itoobiya. Deegaanka, ayaa waxaa kale oo la filayaa in waddoyin kharash badani ku bixi doono la rabaa in laga dhiso wada isku xidha Gindhi ilaa iyo Godey ama Feer feer.
Eegga.com
Qabridahare
By Editor - Posted on March 9th, 2009
Markii baarllamaanka deegaanka Soomaalidu, u doortey, Daa’uud Maxamed Cali inuu noqdo, Madaxweynaha DDS, 24-October, 2008, waxaa dalka Itoobiya bilaw ku ahaa sannada 2001. Bil ka hor intii aan sannadkaa la galin, lana ansixinnin miisaaniyada deegaanka, waxaa kulan uu Reysulwasaaraha Itoobiya; Meles Zenawi la yeeshay, guddiga fulinta ee X.D.SH.S. Uu kula dar daarmey, iney is baddal la taaban karo dhanka horumarka ka Keenan sannadka bilaaban doona ee 2001. Haddaba, inakastoo muddo gaaban un laga joogo, wakhtiga isbaddalku dhacey, ayaan qormadan waxaan ku eegeynaa, qaar kamid ah tallaabooyinka uu qaatey Madaxweynaha & natiijada laga fili karo iney ka soo baxdo.
Shaqada & Shaqaalaha Xafiisyada; Madaxweynaha cusub, wuxuu markii uu xilka la wareegey bilaabey inuu kormeer ku sameeyo dhamaan xafiisyada, deegaanka, wuxuuna shaqaalaha ku adkeeyey iney aad u ilaaliyaan saacadaha shaqada, oyna ku mashquulin jaad & wax aan macna lahayn. Daa’uud, wuxu sidoo kale dar dar galiyey, nidaamkii is-waafajinta shaqada iyo shaqaalaha, isagoo guddiga Reformka ku amrey iney durba gaba gabeeyaan shaqadooda, waxaana intii uu madaxweynaha ahaa la shaqaaleeyay, agaasimyaal, iyo khabiiro aad u tira badan. Dhanka wada shaqeynta xfiiska madaxweynaha iyo xafiisyada kale, wuxuu Daa’uud soo rogey in xafiiskiisa ciddii imaneysa ay ku timaado oo kaliya inay ballan qabsato, isagoo gabi ahaanta mamnuucey, in la isaga yimaado, xafiiska & xaafada labadaba. Madaxweynaha waxaa ka muuqata inuu yahey nin ku adag sharciga, tixgalin badana siinaya shaqada, iyo in laga faa’iideysto, wakhtiga.
Qiimeynta Waxqabadka Wasaaradaha & Wasiirada; Horaantii bishii January, ee sannadka aan ku jiro, waxaa qiimeyn ballaadhan lagu sameeyay, waxqabadka xafiisyada, waaweyn, iyadoo laga amba qaadayo warbixin ay soo diyaariyeen, guddi kormeer loogu direy gobollada deegaanka. Daa’uud oo hoggaaminayey qiiemyntaas, ayna goob joog ahaayeen, masuuliyiin ka socotey dawlada Federaalka oy ka mid ahaayeen, Lataliyaha Reysulwasaaraha; Abay Sahey, iyo wasiiro kale, wuxu si cad madaxweynaha u muujiyey inay ka go’antahey in danta ummada laga horaysiiyo, wax walba, isagoo halkaasi ku canaantey masuuliyiinta xafiisyadii dhaliisha badan loo soo jeediyey. Sidoo kalena, dhiirri galiyey, xafiisyadii shaqadooda loo bogey. Daa’uud, wuxuu masuuliyiinta xafiisyada waaweyn iyo shaqaalhoodaba u muujiyey, awood kasta ha lahaadee, in qof walba lagu qiimeyn doono, shaqada uu bulshada u qabto.
Isticmaalka Miisaaniyada & Mashaariicda; Qiimeyntaas aan kor ku xusney, oo lagu soo bandhigey tacaddi fara badan, ayey madaxweynaha uga soo baxdey in miisaaniyada deegaanku ku baxdo wado aan munaasab ahayn, sidaasi darteed, wuxuu isugu yeedhay, xafiisyada horumarinta iyo maamullada gobollada, wuxuuna ku amrey iney dib ugu noqdaan qorshaha mashaariicda, isla markaana ay qorshahooda waafajiyaan, baahida bulshada. Go’aankaasi, wuxuu, meesha ka saarey mashaariic, kharash badani ku bixi jirey, isla mar ahaantaana nolosha bulshada aan waxba ka badali jirin. Madaxweyne Daa’uud, wuxuu ku dadaalayaa inuu xaqiijiyo in lacagta dawlada lagu bixiyo, in bulshada wax loogu qabto oo kaliya.
N/Galyada & La Dagaallanka Nabadiidka; isagoo Daa’uud markii horeba door sare kaga jirey la dagaallanka ururada nabadiidka ah ayuu haddana, wuxuu kaalin xoog leh ka qaatey, isla markaana ka mid ahaa xubnihii curiyey fikrada ah in deegaanka loo sameeyo ciidamo khaas ah oo la dagaallama kooxaha nabadiidka ah. Ciidamada khaaska ah ee deegaanka ayaa durbadiiba ugaadhsadey hoggaamintii nabadiidka, guulo waaweyna ka soo hoyiyey, dagaalladii ay la galeen. Shirar badan ayuu Madaxweye Daa’uud ka sheegay sida uu ugu qanacsanyahey, shaqada Hoggaanka Nabadgalyada, Cabdi Maxamud Cumar.
Xidhiidhka & Saaxiibtinnimada; Muddo yar kadib, markii uu xilka la wareegayba, wuxuu, Daa’uud shir isugu yeedhay, shaqaalaha heer deegaan oo idil, isagoo u xaqiijiyey inuu ahaan doono Daa’uudkii ay yaqaaneen. Isagoo iska fogeynaya, qabyaaladana, wuxuu shaqaalaha u sheegay ineysan cid kale u soo marin si ay isaga u helaan ama xog usoo gaadhsiiyaan, ee ay si toos ah isaga ula soo xidhiidhaan. Madaxweynuhu, wuxuu shaqaalaha u sheegay ineysan go’aankiisa waxba ka badali Karin, waxna ku darin Karin, dadka ka ag dhaw, ee waajibkiisa uu u gudan doono si daacadnimo, iyo wadaninimo ku jirto. Daa’uud wuxuu aaminsanyahey, in si nolosha dadku u hormarto, in wax laga badalo qaab nololeedka, isaguna uu tusaale wangaasan u noqdo, masuuliyiinta DDS.
Hadaba, markaad u fiirsato, tallaabooyinka uu ilaa hada qaadey, Madaxweynuhu, waxaa muuqata, ifafaale in uu damacsanyahey in isbadal la taaban karo maamulkiisu la yimaado. Dhanka kale, rajada shacabka ayaa ah mid aad u sareysa iyagoo, filaya in Daa’uud waxbadan uu ka baddali doono nolosha dadka reer-guuraaga u badan ee deegaanka Soomaaliyeed.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 10th, 2009
Madaxweynaha DDS; Mudane Daa'uud Maxamed Cali, wuxuu saaka xialal u magacaabey,
- Badri Yuusuf Oomas oo loo magacaabey Madaxa Xafiiska Iskaashatooyinka DDS
- Axmed Cumar Waceys oo loo magacaabey Madaxa Xafiiska Shaqaalaha DDS (CPA)
- Salaan Cumar oo loo magacaabey; kuxigeenka Duqa Magaalada Jigjiga
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 10th, 2009
Gudoomiyaha Gobolka Godeey C/Naasir Adan ayaa beeniyey ku tidhi-kuteenta ay ONLF sheeganeyso iney qabsatey Mustaxiil. Guddoomiyaha oo saaka ku sugnaa magaalada Mustaxiil, uana waramayey saxaafada ayaa sheegay, ineysan awooda ONLF maanta ahayn mid haweysan karta iney weeraraan magaalo deegaanka Soomaaliyeed ku taalla. Guddoomiyaha gobolka Godey, ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhacdey agagaarka Mustaxiil, nolosha dadkuna ay caadi tahey.
Sheegashada ay ONLF sheegatey qabsashada, dagmada Mustaxiil, ayaa muujineysa, jaha wareerka ku dhacey budh-cada sii dabar go’aysa ee Ina Cumar Cismaan. Warar xog-ogaal ah oo ku saabsan ONLF dhexdeeda, ayaa xaqiijinaya, in taageerayaal badan oo waliba jifo u ahaa Admiraalka ay ku gacan seydheen, kulana taliyeen inuu iskaga baxo budh-candnimadan, kadib markuu galaaftey nolosha dhalinyaro tiro badan oo ay isku hayb yihiin.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 11th, 2009
Saxaafada wax ka qorta arrimaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxey, in badan ka hadashaa isbadalka nabadgalyo iyo kaalinta uu ku leeyahey, Hoggaanka Nabadgalyada DDS, Cabdi Maxamed Cumar. Shaki kuma jiro in wax badan laga qabtey nabadgalyada deegaanka intuu Cabdi hogggaanka ahaa; haddaba, waxaanu qormadan ku miisaameynaa, halka ay xaalada nabadgalyadu mareysay, ka hor intaan xilka loo dhiibin, iyo tallaabooyinka uu qaadey Cabdi Maxamed Cumar, iyo waliba natiijada ka soo baxdey.
Horaantii snadkii 2006, waxaa magaalda Jigjiga, ku xoogeystay unugyada ONLF, iyadoo ay Jigjiga noqotey halka ay shuftadu ka hesho dhaqaalaha ugu badan. Xubnahoodu ma aysan qarsan jirin iney ONLF yihiin, iyagoo fagaarayaasha ka sheegan jirey in uu dhawyahey wakhtigii ay waddanka qabsan lahaayeen. Dhalinyaro aad u tiro badan, oo ka qalinjabisey, dugsiga sare, ayaa loo duufsadey Eriteria, si taba bar militari loo soo siiyo. Masuuliyiintii dawlada qaar kamid ah ayay kalsoonidii ka luntey oo xidhiidh qarsoon la sameystey ONLF, iyagoo gawaadhidoodu hor taagnaan jireen guryo waaweyn oo unugyada ONLF uga kireysnaa xaafada 5aad ee magaalada Jigjiga.
Dawladu markey aragtey calaamadahaas kor ku xusaa, ayey go’aansatey in la baddalo, Hoggaankii Nabadgalyada ee xilligaas; Mahdi Ayuub. Dadka markaasi la filayey iney jagadaasi qabtaan kuma uusan jirin, Cabdi Maxamud Cumar. Waxaa ka mid ahaa dadka loo so bandhigey in ay xilkaasi qabtaan, waxna ka baddalaan amni xumada soo kordheysay; Gurey Fidaar oo makraasi ahaa, Wasiirka Biyaha, xubina ka ahaa guddiga fulinta ee xisbiga, balse ka gaws qabsadey inuu shaqada ka soo bixi karo. Waxaa kale oo ka mid ahaa magacyada la filayey iney jagadaas qabtaan, Jamiil Muxumed Gaas, oo horey u ahaa Hogaanka Nabadgalyada, Bashiir Xaaji Fure, iyo kuwo kaleba.
Markan dawladu waxay go’aansatey iney saaxada soo galiso dhiig cusub, waxaana la go’aansadey in shaqada lagu tijaabiyo, Cabdi Maxamuud Cumar, oo markaasi ahaa Wasiirka Maalgalinta, siyaasadana ku cusbaa. ONLF iyo ungugyadeedu wey dhayalsanayeen Cabdi, oo qorshahoodii, waxba kama aysan badalin, dhalinyaradii Eriteria ay u direena wey soo noqdeen, oo waxay bilaabeen iney qaraxyo ka sameeyaan, isla markaana dad ganacasto & shaqaale dawladeed ah ku toogtaan badhtamaha magaalada Jigjiga. Cabdi Iley wuxuu markaasi xabsiga geeyay, dad uu ku tuhunsanaa iney ONLF yihiin, lugna ku lahaayeen xasilooni darrida magaalada ka bilaabatey. Balse unugyada ONLF oo aad u firin fircoonaa xubnahoodii wey ka sii deysteen xabsiyada.
Magaalada Jigjiga oo kaliya kuma ayna istaagine, waxay ONLF bilawdey iney khal khaliso shacabka miyiga ku nool, iyagoo weerarro isdaba joog ah ku qaadey, Coballe, Caado, Dhoobaweyn, & Iimey, dad shacab ahna ku laayey meelo fara badan oo deegaanka ah. Markii danbena, waxeyba weerar banbaanooyin ah la beegsadaan xafladii Ginboot ee magaalooyinka Dhagaxbuur & Jigjiga, iyagoo halkaasi ku diley dad ka badan 50 ruux, kuna dhaawacey masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyhii deegaanku.
Cabdi Iley, ma uusan waabannine, wuxuu go’aansadey inuu si rasmi ah u ogaado halka ay dhibaatadani salka ku hayso, wuxuuna abbaarey ubucdii ONLF ee magaalada Jigjiga, isagoo u shaqeynayey sidii askari boolis ah, hadh & habeena dhaxanta wareegayey. Wuxuu habeenba xadhig furaba, wuxuu aakhirkii gacanta ku dhigey, xogtii ONLF oo dhameystiran, xarumihii lagu maleegayey qaraxaydii shacabka lagu gumaadey iyo dhalinyaradii Eriteria lagu soo barey sida wax loo qarxiyo. Sidoo kale, wuxuu gacanta ku dhigey dadka markaasi iyagu laf-dhabarta u ahaa hawlaha shuftadu fulineysay ee xidhiidhinayey dadka wax qarxinayey iyo kuwa maal galinayey. Isagoo ku waaya aragnimo qaatey tallaabooyinkii hore ee uu qaadey, markan, xabsiga kaliya ma uusan geynine, wuxuu la tiigsadey xukun maxkamadeed, wuxuuna isu dhaafiyey xabsiga Ziwaay oo ku yaalla meel 100 Kilo Meter u jirta magaalda Naazret.
ONLF damaceedii ayey dib u liqdey, kadib markii Hogaanku hogggaanka furey dabin walba oy maleegtey. Xafladii Ginboot ee kal hore, Cabdi, wuxuu shacabka Jigjiga ku soo shiriyey fagaarihii ay ONLF hal sano ka hor ku leysay shacabka faraha badan, isla markaana wuxuu damaanad buuxda ku siiye in dadku ay nabadgalyo ku ciidaan, isagoo dhex galey shacabkii gacantiisana ku wada salaamey. Magaalada Jigjiga, waxaa ka bilaabatey in shaqaalaha dawlada iyo dadka caadiga ahba ay kalsooni gasho.Sharaftii dawladnimada ayaa dib u soo laabatey, waxayna shacabku dhadhamiyeen macaanka ay nabadu leedahey.
Dadaalkaas dheer & natiijada ka dhalateyba, waxey hogggaanka dhaxalsiisey, in dawladu u abaal gudo, kuna siisey billad dahab ah. Kulankii uu Reysul wasaaraha Itoobiya; Meles Zenawi la yeeshay hoggaaminta sare ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, sannadkii ina dhaafey, ayuu Hoggaanka Nabadgalyada ku ammaaney, shaqada uu qabtey. Maanta wuxu Cabdi Maxamuud Cumar xubin ka yahey, guddiga fulinta ee xisbiga haya talada deegaanka; isagoo waliba ku jira guddiga sare ee go’aanka kama danbeysta ah ka qaata arrimaha waaweyn ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed.
Halkaas dadaalkiisii kuma uusan joojinnine, wuxuu Hoggaanku, u tabaabusheystay sidii uu ONLF, uga soo af jari lahaa miyiga iyo guud ahaan deegaanka Soomaaliyeed oo idil, si shacabka xoola dhaqatada ah uu ugu noolaado nabad iyo xasillooni.
Qeybta 2aad ee qormadan, ayaan ku eegeynaa tallaabooyinkii uu ka qaadey qorshahaas iyo natiijada ka dhalateyba.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 12th, 2009
Madaxweynaha DDS; Daauud Maxamed Cali & Hoggaanka Nabadgalyada; Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa booqasho, dhawr maalmood ah ugu anbabaxey, gobollada Wardheer, Qoraxey & Godey. Ujeedada safarkan ayaa ah, kormeer ay masuuliyiintu ku soo sameynayeen wax-qabadka ciidanka khaaska ah ee deegaanka Soomaaliyeed, waxeyna soo mareen, Wardheer, Mustaxiil, iyagoo eegga ku sugan magaalada Qabridahare.
Ciidanka khaaska ah ee deegaanka Soomaaliyeed, oo dhawaan la sameeyay, ayaa guulo, dhaxal gal ah ka keenay jiida hore, ee la dagaallanka budh-cada ONLF, iyagoo qudha ka jarey hoggaamintii kooxdaas, ee shacabka dhibka ku haysay. Kadib, markii ay dawladu ku qanacdey natiijada ay ciidankaasi keeneen, ayaa la go’aamiyey in marka ay soo laabtaan masuuliyiintani, la ansixin doonaa, qorshe ah in la kordhiyo tirada ciidanka kahaaska ah isla mar ahaantaana tayadooda kor loo qaado.
Tirada hada hawl-gasha ee ciidanka khaaska ah oo ka badan, 2500, kana hawl gala gobollada Qoraxey, Wardheer, Dhagaxbuur, Godey & Fiiq, ayaa lagu dari doonaa tira intaasi la eg, si hawl- galkooda ay u gaadhsiiyaan dhamaan gobollada deegaanka, waxaana sidoo kale kor loo qaadayaa tayada qalabka ay adeegsadaan, iyagoo wakhti dhaw ay soo dagi doonaan, gawaadhida gaashaaman, iyo dabaabado, la rabo iney deegaanka kaga sifeeyaan, fallaagada jaha wareersan ee Ina Cumar Cismaan.
Eegga.com
Qabridahare
By Editor - Posted on March 15th, 2009
Kooxda fanka & Suugaanta ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, ayaa billawdey socdaal ay ku marayaan gobollada deegaanka, si ay bulshada u soo wacyi galiyaan. Barnaamujyo cusub oo ay kooxdu diyaarisey, kuna saabsan sidii ay bulshadu uga qeyb-qaadan lahayd, nabad-galyada, & harmarka deegaanka ayey u soo bandhigi doonaan shacabka gobollada ay soo maridoonaan. Sidoo kale, waxey bandhigyo dhiiri galin ah u soo sameyn doonaan ciidanka khaaska ah ee DDS. Kooxda ayaa hdda ku sugan magaalada Qabridahare, ee xarunta gobolka Qoraxey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 15th, 2009
Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, waxaa lagu soo gaba gabeeyey qiimeynta wax-qabadkii lixdii bilood ee ina dhaaftey ee xafiisyada horumarinta deegaanka Soomaaliyeed.Qiimeyntan oo sabtidii ka billaabatey, xafiiska Madaxweynaha DDS, ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shabciga Soomaaliyeed Mudane Cabdifataax Sheekh Cabudllaahi, ahna Wasiirka kobcinta Awooda DDS, isla mar ahaantaana kusiisime ka ah Xafiiska Madaxweynaha, maadaama uu kormeer shaqo madaxweynuhu ugu maqanyahey gobolka Wardheer.
Qiimeynta ayaa lagu billaabey dhageysiga warbixinta m/xafiiseedyada, waxaana kadib markii la dhageystay, warbixintii xafiisyad, Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada,Beeraha iyo Maaliyada, ka soo baxdey in waxqabadka xafiisyadu kor u soo kacey saddexdii bilood ee ina dhaaftey marka la bar bar dhigo, bilihii ka horreeyey. Dhanka kale, waxaa ay xafiisyadu hawl fiican ka qabteen iskaashiga ay la sameeyeen dagmooyinka, iyo dar dar galinat mashaariicda horumarineed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 19th, 2009
Ardeyda ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee wax ka barata wadanka India, ayaa sameystey urur ay ku kulmaan. Shir ay ardeydu isugu yimaadeen maalintii Axadii ee March 15, Jaamacada Osmania, ee magaalada Hyderabad, ayey si ay isaga kaashadaan duruufaha la soo darsa isla mar ahaantaana xidhiidh joogta ah u yeeshaan, sameysteen Somali Region Students Association. Maamulka ay sameysteen ardeydu, waxay gudoomiye u doorteen, Cabdi Qorane Adan, ku xigeenna, Cabdi salaan Muxumed Cali & Sharmaake Cabdullahi Cali oo af-hayeenka ururka.
Ardey traded ay gaadheyso 70, oo ka soo jeeda deegaanka Soomaaliyeed, ayaa wax ka barata wadanka Inida.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 19th, 2009
Shir ballaadhan oo ku saabsan horumarinta wabiyada labada deegaan ee Somalida & Oromada, ayaa masuliyiinta labada deegaan iyo ku heer federal ee ay khuseyos uga furmey magaalada Diridhabe. Barnaamujka horumarinta wabiyada oo ay deegaanka Oromia, hada ka hor tijaabiyeen isla mar ahaantaana natiijo fiican ka keeneen dhanka wax soo saarka, ayaa lagu tala jiraa sidii dar dar loo galin lahaa in laga fuliyo deegaanka Soomaalida oo ay maraan wabiyo dhawr ahi.
Wafdiga ka socda deegaanka Soomaalida oo uu hoggaamiyo, Madaxweyne Daa’uud Maxamed Cali, ayaa sidoo kale magaalada Diridhabe kaga qeyb qaadan doona shir lagu heshiisiinayo, khilaaf qabaa’il Soomaaliyeed oo wada daga gobolka Shinniile.
Eegga.com
Diridhabe
By Editor - Posted on April 2nd, 2009
Khilaafkii baryahanba ka dhex aloosnaa dhiigyacabiinta ONLF, ayaa maraya meeshii u xumeyd, kadib markii Ina Cumar Cismaan uu damcey inuu ruqseeyo, Cabdikariin Sheekh Muuse, oo ah taliyaha ciidanka budh-cada. Ina Sheekh Muuse, oo heysta tiro budh-cad ah oo la eg ta Ina Cumar Cismaan, ayaa ku gacan seydhay una sheegey Admiraalka, inuusan ka yeelaynin qorshaha uu wato. Dhiigii shacabka ee sanadahanoo idil ay daadinayeen, ayaey arrintni muujneysaa inuu soo if-bayo, kabi markii ay bilaaabatey in dhiigyacabiintu mid mid isu ugaadhsadaan.
Xogtan oo aan ka helney xuno ka soo xaroodey ONLF,todobaaka aan ku jiro ayaa sheegay in ay markii danbe Cabdikariin Muuse, iyo Ina Cumar Cismaan isugu dhaarteen iney qudha iska jari doonaan. Khilaafkaa dartiina, waxaa la sheegay inuu Maxamed Cumar Cismaan amar ku bixiyey in ciidankiisu ay khaarajiyaan Cabdikariim Sheekh Muuse. Sidoo kale ayey sheegeen xubnaha xogtan na soo gaadhsiiye, in wal wal badani heystay Maxamed Shariif oo cabsi ka qabey in Admiraalku khaarajiyey, kadib markii Admiraalku tuhun ka qaadey inuu xog ka bixiyey.
Eegga.com
By Editor - Posted on April 2nd, 2009
War goor dhaweyd naga soo gaadhey magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in maanta meel u dhaxeysa, Maraacaato iyo Xudur-ayle, dagaal ku dhex marey nabadiidka sii dabar go'aya ee ONLF iyo ciidanka khaaska ah ee Deegaanka Soomaaliyeed. Dagaalkaas ayaa lagu diley dhammaanba kooxdii nabadiidka ahayd oo ka koobnaa 14 shuftey.
Sidoo kale waxaa goobtaas lagaga furtey hub iyo saanad farabadan oo ka mid yihiin 2 qori oo nooca badhi duleelka loo yaqaano ah.
Faah-faahin dheeraad ah oo k saabsan dagaalkaas, dib ayaan ka soo sheegi doonaa.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 5th, 2009
Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhey qeybo kamid ah deegaanka Soomaalida, waxaa meelo badan oo ka tirsan deegaanka, ka cuartey roobkii Guga oo si weyn loogu diirsadey.Roobka Guga, oo mudo yar ka soo dib marey xilligii la filayey inuu da'o, ayaa xoola dhaqatada iyo beeraleyda deegaanka ka baajiyey cabsi laga qabey abaar ba'an iyo biyo la'aan ku habsata.Roob aad u xoog badan oo ka da'ay magaalada Jigjiga xaley, ayaa sababey biyo badan oo soo gaal magaalada, iyo guryo badan oo duma. Ugu yaraan 3 ruux ayaa la sheegayaa iney roobabkii xaley ka da'ay Jijgia dileen. Bishii November ee kal hore ayay ahayd, markii roobkan eegga curtey kii ka horeeyey uu sababey fatahaada wabiga Shabeelle ee dagmooyin ka tirsan gobolka Godey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 5th, 2009
Maalinta bari ah waxaa magaalada Jigjiga ka furmi doona shir ay isugu iman doonaan Golaha Kaabineetka Dawlada Deegaanka Soomaaliyee iyo Guddoomiyeyaasha gobollada deegaanka. Shirkaas oo lagu qiimeyn doono, hawlihii ay xafiisyada dawlada iyo maamullada dagmooyinku ka qabteen dhanka horumarka saddexdii bilood ee ina dhaaftey. Sida uu noo sheegey Wasiirka Warfaafinta ee DDS, Axmed Carab, waxaa shirkan lagu lafa guri doonaa sida loo hirgaliyey qorshihii xafiisyada deegaanka iyo maamullada goballadu ay isla qaateen saddex bilood ka hor.
Isla todobaadka gudihiisa, maalinimada Khamiista ah waxaa Xarunta Xisbiga ka furmi doona shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed oo lagu qiimeyn doono, waxqabadka xukuumada iyo xisbiga ee sannadka qeybtiisii hore. Shirka Golaha Dhexe, markuu dhamaado waxaa xigi doona Kalfadhigii Golaha Baarllamaanka Deegaanka oo isna sidoo kale lagu qiimeyn doono warbixinta waxqabdka Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 9th, 2009
Madaxweyne Ku xigeenka Dawlada Deegaaanka Soomaalida; Xasan Cabdullahi Riyaale, ayaa iska casiley gabi ahaanba xilalkii uu ka hayey DDS, oo ay ku xigeennimada u dheereyd, Wasiirka Dakhliga. Sida ay sheegayaan wararku, waxaa Xasan lagu eedeeyey inuu ka soo bixi waayey hawl si gaar ah loogu xil saarey oo aheyd inuu soo xalliyo khilaafka u dhexeeya Ciisaha & Canfarta, iyo Ciisaha iyo Beesha Hawiye. Xasan ayaa lagu soo eedeeyay inuu si cadaalada ka fog wax u maamuley, iyagoo wararka qaar ay sheegayaan in xil ka qaadista ay horseedey dacwad ka timid beesha Hawiye. Xilkii xafiiska Dakhliga, ayaa si kumeel gaadh ah loogu dhiibey, Agaasimihii Xadeynta Siciid, waxaana la filayaa in Madaxweyne ku xigeennimada la buuxin doono marka uu fadhiisto baarllamaanka deegaanku laba bari kadib. Xasan Cabdullahi Riyaale, wuxuu Madaxweyne ku xigeenka & Wasiirka Dakhliga DDS noqdey bishii September ee kal hore, isagoo markaa ka horna ahaa gudoomiyaha gobolka Shinniile.
Eega.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 9th, 2009
Wasiirka Arrimaha Federaalka Itoobiya. Dr. Shifaraw Teklemariam, ayaa sheegay inuu ku soo farxey sida ay u dhaqaaqeen mashaariicda horumarka ee ka socda deegaanka Soomaalida. Dr. Shifaraw oo kamid ahaa guddi heer federal ah oo qiimeeyay wax-qabadkii dhanka horumarka ee 6-dii bilood ee ina dhaaftey, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Eegga.com, kadib markii u ka soo laabtey Jijiga, ku sheegay in uu ku farxey sida uu maamulka suubani horey ugu socdo, isla markaana hoggaaminta dawlada deegaanka ay uga go’antahey iney wax ka qabtaan baahida bulshada. Wasiirka ayaa qoraalkaasi ku sheegay inuu ku kalsoonyaey in hey’adaha nabadgalyada ee DDS ay ka ilaalin doonaan in nabadiidku carqaladeeyaan barnaamujyada horumarineed ee laga wado deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on April 11th, 2009
Kalfadhigii Golaha Baarllamaanka deegaanka Soomaalida, ayaa maanta ka furmey magaalada Jigjiga. Furitaankii shirka, waxay warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadkii xukuumada, goluhu ka dhageysteen, Madxweynaha Deegaanka, Mudane Daa’uud Maxamed Cali. Warbixntaas ayuu Madaxweynuhu kaga waramey, lixdii bilood ee ina dhaaftey wixii ka qabsoomey qorshihii xukuumada ee dhanka horumarka iyo nabadgalyada, iyo waliba, qorshaha mustaqbalka.
Galinkii danbe ee maanta, waxey xubnaha baarllamaanku daawadeen, muuqaal uu soo diyaariyey xafiiska N/galyada, oo ka waramaya marxaladihii kala duwanaa ee deegaanku soo marey, iyadoo si gaar ah muuqaalkaasi loogu soo bandhigey aas’aaskii & guulhii ay mudada yar ku keeneen ciidamada khaaska ah ee deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale, waxaa xasanadii baarllamaanimo laga qaadey, Cabdullahi-Asad Axmed Cali, oo xafiiska cadaalada ee deegaanku baadhitaan ku hayo kaalintii uu ku lahaa qaraxyadii magaalada Jigjiga oo walaalkii Xasan Ikhtiyaar uu ahaa maskaxdii ka danbaysey.
Bari ayaa la filayaa in fadhiga baarllmaanku soo xidhmo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on April 12th, 2009
Musuq-maasuqu, wuxuu ka midyahey, dhaqammada curyaamiyey deegaanka Soomaalida, waana mid ka soo jirey deegaanka muddo dheer, isla markaana dhinacyo badan u xuley bulshada. In wax laga qabto mooyee, wey adagtahey in barnaamujyada horumarineed ee dawladu qorsheysay ka hiragalaan deegaanka. Sidaasi, waxaa aamminsan, Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida, Mudane Daa’uud Maxamed Cali, oo ajandihiisa koobaad ka dhigtey inuu la dagaallamo musuq maasuqa, si deegaanku cagta u saaro waddada horumarka.
Mashaariicda horumarineed, ayaa hada ka hor ahaa kuwo musuq lagu dhex wadey, sidaasi darteed, ayey u suura gali weyday in si rasmi ah loo hirgaliyo. Arrin deegaanka laga caadeystay ayey ahayd in qandaraaslayaasha mashaariicda qaata ay laaluushaan masuuliyiinta loogu tala galey iney daba galaan si loo fuliyo mashaariicdaas. Kadibna masuuliyiintaasi ay ku danbeeyaan “af wax cuney xishoo” oy daba gali waayaan mashaariicdii, sidaasna qandaraaslihii oon sidii loogu tala galey wax u qabanin lagu siiyo lacagtii.
Madaxweyne Daa’uud, oo isagu damacsan inuu dhaqankaasi soo afjaro, ayaa ganacsato badan oo rabtey iney ula dhaqmaan sidii masuuliyiintii ka horeysay u ballan qaadey inuusan laaluush ka qaadaneynin, sidaa darteedna uu iyaga uga fadhiyo ineysan ummada lacagteeda kala laaluushin ee ay si wangaasan u fuliyaan mashaariicda ay qaataan. Sidoo kale ayuu madaxweynuhu, xafiisyada dawlada ku daba galayaa sidii ay gabi ahaanba joojin lahaayeen dhaqanka laaluulshka ku saleysan ee mashaariicda loo maamulo.
Go’aankaas adag ee madaxweynuhu qaatey ayaa ka fajiciyey dad badan oo caadeystay musuqa oo ay ku noqotey “Dhurwaa la tag u bartey ka dhigaaydu, waa ku ceeb” , waxeyna rabaan in musuq maasuqu sii socdo.
Haddaba, si deegaanka u gaadho horumar, nolosha dadka reer guuraaga ahna, wax looga baddalo, waa lagma maarmaan tallabada madaxweynaha qaatey, waana hubaal iney keeni doonot natiijo rasmi ah.
Eegga.com
By Editor - Posted on April 14th, 2009
WARBIXINTA WAXQABADKA RUBUCA 3AAD EE SANAD MIISAANIYADEEDKAN
(SUMMARY REPORT)
Guud ahaan hawlaha rubucan sedexaad waxyaabaha ugu waawayn ee qabsoomay haddii aan soo koobno waxa kamid ah:-
- In sifayn ballaaran lagu sameeyay qaabdhismeedkii hay’adaha dawlada degaanka gaar ahaan kuwa heer dagmo. Waxa reform lagu sameeyay 34 dagmo, sidoo kalena waxa sifayn xagga shaqaalaha lagu sameeyay 12 dagmo.
- Waxa dib too saxay isla markaasna la nadiifiyay bayroolka dhexe ee degaanka. Sida ay sheegayso xogta central payroll-ku tirade shaqaalaha degaanku wakhtigan la joogo waa 22,589 shaqaale kuwaas oo 71% ay yihiin heer dagmo. Mushaarka bishii ee dawladda degaanku haatan waxaa uu marayaa Birr 27,345,533(Regional monthly Payroll).
- Rubuc sanadeedkan waxaa la meeleeyay shaqaale xirfadayaal ah oo dhan 784 shaqaale. Kuwaas oo 610 kamid ah lagu meeleeyay dagmooyinka shaqaalahan xirfadlayaasha waxa rubuc sanadeedkan xoogga la saaray oo u badna xirfadlayaasha beeraha 354, xirfadlayaasha biyaha oo dhan 207 iyo xirrfadayaasha xaga maaliyada iyo dakhliyada oo dhan 54 iyo 38 sida ay u kala horeeyaan.
- Dhinaca kale waxa guud ahaan rifoomka lagu sameyey 25 xafiis oo heer degaan ah hase yeeshee rubucan waxa lagu shaqaaleeyey aqoon yahan tiradoodu dhan tahay 174.
- Waxa guulo la taaban karo laga soo hooyay xagga nabadgaliyada iyadoo dhirbaaxo adag lagu dhuftay xoogaga nabaddiidka. Sidoo kalena waxa sharciga la horgeeyay eedaysanayaal nabadiid ah oo tiradoodu dhan tahay 110 iyadoo la xukumay 68 dambiile.
- Waxa shan shirkadood lagu xukumay inay dawlada u so celiyaan lacag dhan birr 5,010,000 kuwaas oo qaatay qandaraasyo iyagoon qaban shaqdii ay heshiiska ku galeen. Waxa kale oo jira shirkado dacwadoodu socoto.
- Dhinaca soosaarista aqoon yahanka ee kulliyadaha DDS markaan eegno, kulliyada macalimiinta Dr C/majid Xussen waxa haatan wax ka barta 600 macallin oo heer diploma ah , 250 arday oo ah extension program sidoo kalena waxa tababar la siiyey 300 malimiinta ABE. Hadda ka hor waxa ay kuliyadu soo saartay 3,624 macalin oo heer certificate ah iyo 120 macalin oo heer diploma ah. Kulliyada caafimaadka jigjiga waxa waxka barta 660 arday. Hadda kahorna waxa ay kulliyada caafimaadka jigjiga soo saartay 385 xirfadle caafimaad oo diploma ah oo isugu jira narse, mid wifery and laboratory technicians iyo sidoo kale 101 fidiye caafimaad (pastoral health extension workers)macadka maaraynta waxa haatan wax kabarta 295 arday oo isugu jira sanadka sadexaad, sandka labaad iyo sandkii koowaad. Hadda ka hor waxa macdka maareynta ka qalinjabisay 287 ardey oo heer diploma ah.
- Dhinaca adeega caafimaadka guud ahaan waxa adeega bixinaya 6 cusbitaal, 24 xarun caafimaad ( health centers), 82 health station s iyo 375 rug caafimaad ( health posts), 974 xirfadle caafimaad ah ayaa sandkan la shaqo galiyay, taas oo tirade guud ee xirfadlayaasha caafimaadka ka dhigayasa 2470 xirfadle caafimad.
- Dhinaca adeegga biyaha guud ahaan 392 ceel oo rig ah (bore holes) ayaa ka jira degaanka waxase shaqaysa 221 ceel kaliya. Tiro sax ah lagama hayo ceel gacmedyada iyo baraagaha ku baahsan degaan kena haatan. Waxase imika lagu qiyaasay in 37.5% ay helaan biyo nadiif ah bulshada degaanka ku nooli.
- Rubuc sanadeedkan waxaa la talaalay 2,405,898 neef oo xoolo ah sidoo kalena waxa la daaweeyay 6,701,500 neef lagana daaweeyay cudurada ay kamid ka yihiin Caalka iyo Dulinka. Waxaa shaqeeya haatan 180 xarun caafimaad xoolaad halka 126 kale oo dhisani ay sugayaan qalabayn , silo kalena 21 xarumaha barbaaarinta dhirta ah iyo 4 FTC (Farmers Training Centers) ayaa shaeeya iyada oo ay jiraan 17 FTC oo sidoo kale sugaya qalabayn.
- Bilihii yekaatiit iyo tir raashin dhan 45,162.55MT ayaa la gaadhsiiyay goobihii loogu talo galay. Raashinkaasi waxa uu isug jiraa qamadi, hadhuudh, atar, saliid iyo boorash.
Ahmed Arab
Bureau of information, culture and tourism
By Editor - Posted on April 26th, 2009
Waxaa magaalada Hargeelle ee xarunta gobolka Afdheer, ka furmey shirweynihii Nabadgalyada & Horumarka, halkaasoo ay ka soo qeybgaleen ergooyin kor u dhaafay 300, oo ka kala yimid dagmooyinka gobolka Afdheer. Shirkan oo qeyb ka ah qorshe xukuumada deegaanka Soomaalidu, ay ku cidhib tireyso nabadiidka, isla markaana shacabka lagu gaadhsiinayo horumar iyo maamul suuban, ayaa, waxaa ka soo qeyb galey, wafdi ballaadhan oo ka socda xukuumada deegaanka Soomaalida oo uu hoggaaminay, Madaxweyne Daa’uud Maxamed Cali. Ka sokow ka soo qeybgalka shirka, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socotey, waxay kormeer ku sameeyeen nolosha bulshada gobolka iyagoo booqdey isbitaalka weyn ee magaalada Hargeelle.
Shirkan ayaa la filayaa iney ka soo baxdo natiijo hor seeda iney dadka gobolka Afdheer deegaankooda ka ilaaliyaan in nabadiid ka dhaq-dhaqaaqo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 10th, 2009
Dagaal maanta ka dhacey meel u dhaw magaalada Birqod oo dhex marey, ciidanka Daraawiishta ee Deegaanka Soomaaliyeed, & budhcada sii dabar go’aysa ee Ina Cumar Cismaan, ayaa qudha lagaga jarey 15 ka tirsaneyd budhcada, halka iyagoo dhawaac ah ay gacmaha dhiibteen 5, kamid ah. Sida warku nagu soo gaadhey kooxdan oo maagganeyd iney xasuuqaan dad shacab ah oo aaggaasi dagan, ayey sahanka ciidanka khaaska ah ee Deegaanka Soomaalidu ka war hayeen qorshahooda, iyagoo u sii galey waddadey marayeen, halkaasna ku fashiley weerar la maaganaa in lagu gumaado dad shacab ah.
Dharbaaxooyin xoog leh oo ay ciidanka khaaska ah ee Deegaanka Somalidu u geysteen ONLF bilihii ina dhaafey, ayaa niyad-jab ku ridey budh-cada, oo hada mareysa marxaladii ugu danbaysey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 16th, 2009
Warar lagu kalsoonyahey oo naga soo gaadhey ilo xog-ogaal u ah ONLF, ayaa sheegaya in Admiral Maxamed Cumar Cismaan uu farriin canaan iyo digniin isugu jirta u direy, Maxamed Ismaaciil iyo Ina Maadey, kadib markuu ka war helay iney wadamada ree gabledka u sheegeen in Admiraalku xidhiidh iyo wada shaqeyn la leeyahey, Alshabaab & Sheekh Xasan Daahir Aweys. Admiraalka oo sida naloo sheegay farinta u faray Caddaani, ayaa uga digey Maadey iyo Ina Ismaaciil inay joojiyaan xidhiidhka ay la sameynayaan wadamada ree gableedka, haddii kale, uu marin doono wadadii uu Maxamed Siraad Doolaal mariyey.
Xogtan oo sida la sheegay todobadkan dhexdiisa uu Admiraalku soo direy, ayaan sugeynaa raadka ay ku yeelato, ONLF oo awalba khilaaf la il darreyd.
Eegga.com
Denmark
By Editor - Posted on May 20th, 2009
War hada naga soo gaadhey, Xafiiska Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in ciidanka sida gaarka ah u taba baran ay gacanta ku soo dhigeen danbiilayaashii ka danbeeyay, shoobarihii ka dhacey Raaso, markii uu booqdey Madaxweyne Daa’uud Maxamed Cali. Nimankan la qabtey oo sida la sheegay ay maxkamada deegaanka soomaalidu amartey in la soo qabto, ayaa diidey amarka maxkamada, taasoo sababtey in ay ciidanka Daraawiishta ah ee dhawaanta laga sameeyey Deegaanka Somalidu u xoog-sheegtaan gacantana ku soo dhigaan, si loo soo taago Maxkamada Sare ee Deegaanka Soomaalida. Danbiilayaasha gacanta lagu dhigey oo tradoodu dhantahey 11, ayaa la raadinayey 5, kamid ah halka 6-da kale ay isku dayeen iney dagaal sameeyaan markii la qabanayey nimanka la raadinayey. Ciidanka DDS oo ku hubeysnaa gawaadhida gaashaaman, ayaa ka soo wareegey dhanka Oromia, iyo magaalada Gindhidh, waxayna ka soo qabteen kooxdan af-miinshaariinta ah iyagoo ku sugan Raaso.
Xubnahan la soo qabtey, ayaa iyagoo ahaa qawleysato fadhida magaalada Addis Ababa, oo isku magacawdey, “Guddiga Siyaasada Sheekhaash” ,afduubna ku haystey danaha beesha Sheekhaasheed, ayaa damacsanaa iney ka hortagaan in Dawlada Deegaanka Soomaalida iyo shacabka Raaso wada hadlaan. Kooxdan oo isku halleyn been ah qabtey, fileysayna in xilal loo magacaabo, ayaa ka xumaatey mart-qaadka ay bulshada Raaso u fidiyeen waftdigii Madaxweynaha DDS. Sidoo kale waxay ka is hortaageen deeq, isugu jirta dawo, iyo miisaaniyad uu Madaxweynahu u sidey Beesha Sheekhaash markii uu booqdey Raaso.
Sida uu noo sheegay Hoggaanka N/galyada; Cabdi Maxamed Cumar, Dawlada Deegaanka Somalida ayaa sii wadi doonta qorshaheedii ahaa in wax loo qabto shacabka beesha Sheekhaasheed, iyadoo la qaban doono shirweynihii ay kooxdaasi gacanta lagu soo dhigey arbusheen, bulshada Raasona laga qeyb galin doono barnaamujyada horumarineed ee Deegaanka Soomaalida.
Eegga.com
By Editor - Posted on May 23rd, 2009
Horaantii bishan, waxaa Raaso booqasho ku tagey wafdi uu hoggaaminayo, Madaxweynaha DDS; Mudane Daa’uud Maxamed Cali, oo ah Madaxweynihii ugu horreeyay ee booqada Raaso. Ujeedada Madaxweynaha ayaa ahayd sidii uu tashi ula yeelan lahaa beesha Sheekhaash ee halkaasi ku dhaqan isla mar ahaantaana uga qeyb galin lahaa nidaamka dawladeed iyo barnaamujyada horumarineed ee deegaanka ka socdaba. Markii ay Raaso tageen Madaxweynaha iyo wafdigii la socdey oo ay kamid ahaayeen, masuuliyiin ka socotey dawlada Federaalka, iyo saraakiisha ciidanka qaranka, waxaa soo dhaweeyay, marti galina u sameeyey bulshada Raaso. Hasa yeeshee, waxaa arrin lama filaan ah noqotey in koox isku tilmaantey Guddiga Siyaasada Sheekhaash oo iyagu danahooda gaarka ah u adeegsanayey magaca beesha, ay is hor taagaan wada hadal dhex mara shacabka iyo Dawlada Deegaanka Soomaalida. Waxayna Raaso ka sameeyeen shoobare iyo qalalaaso kallifey in uu baaqdo shirkii lagu wada tashan lahaa. Waxaa kale oo ay is hor taageen dawo iyo miisaaniyad DDS ay u sidey shacabka Raaso.
Madaxweyne Daa’uud oo ay ka go’antahey inuu wax u qabto beesha Sheekhaasheed, wuxuu aqoonayahan ka soo jeeda beeshaasi Dr. Cabdiqaadir Iimaan u magacaabey Wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Ree Miyiga. Sidoo kale, muwaadiniinta ka soo jeeda beeshaasi, waxay ka dhex muuqdaan dhammaan xafiisyada waaweyn ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo beeshu door weyn ku leh aqoonyahanka deegaanka.
Si hadaba loo sugo xuquuqda shacabka Raaso, waxaa laga maarmaan noqotey in laga so dhex-qabto kooxda danaystayaasha ah ee iyagu danahooda gaarka ah u isticmaalaya magaca beesha. Waxaana aay booliska DDS soo qabteen 6 kamid ah kooxdaasi, marin habaabinta ku wadey shacabka Raaso. Wararka sheegay in dadkaasi dhib loo gaystey, ama ay ku jireen dumar , ayaa ah kuwo aan sal iyo raad lahayn.
Dawlada Deegaanka Somalida & Dawalda Federaalka Itoobiya ayay si wadajir ah uga go’antahey iney horumariyaan deegaanka Raaso, bulshada halkaasi dagana ka qeyb-galiyaan nidaamka dawliga ah iyo mashaariicda horumarineed.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 27th, 2009
Guddoomiyaha Gobolka Qoraxay, Bashiir Axmed Cawar, ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaq nabadiid uusan ka jirin Gobolka Qoraxay. Mar uu la hadlayey Wakaalada Wararka ee Walta, ayuu Guddoomiyuhu sheegay in shacabka oo ka soo horjeedsadey, iyo dawlada oo mashaariicdii horumarineed si habsami ah u wada ay sababtey in la waayo nabadiidkii. Culimaa’udiinka, odayaasha, haweenka & dhalinyarada gobolka Qoraxay oo iskaashanaya ayaa keenay in gobolka Qoraxay ay ka cidhib-tirmaan nabadiidku, ayuu raaciyey guduumiyuhu.
Xasiloonidaa darteed, ayuu gudoomiyaha gobolka Qoraxay sheegay in maamulka gobolku hada soo dhaweynayo isla mar ahaantaana garab siinayo, cidii rabta iney maal-gashato, ama ka ganacsato gobolka.
Eegga.com
By Editor - Posted on May 30th, 2009
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Mareykanaka ayaa sheegaya in ay halkaasi gaadheen, koox ka tirsan garabkii ONLF ee uu hoggaaminayey Salaxdiin Macow, si ay shirar ugu soo qabtaan taageerayaashooda. Markii ay kooxdii Ina Cumar Cismaan ogaatey iney imanayaan kooxdan kale, ayaa sida la sheegay ay shir ka galeen sidey uga hortagi lahaayeen, iyagoo go’aansadey in ashkateeyaan Macow, halka ay ka baqeen Cabdi-wali Xuseen Gaas oo haybtiisu Minnesota ku badantahey ay dhibaato ka soo gaadho. Ilo lagu kalsoonyahey ayaa noo xaqiijiyey in Korneyl Cabdi-Xabsi oo ka tirsanaa daba-gunudka Ina Cumar Cismaan balse ay hayb wadaagaan Macow uu arrintaa ka dhii-dhiyay, halkaana uu kaga baxay kooxdii Ina Cumar Cismaan.
Wali ma aysan qabanin wax shir ah, laakiin wararka na soo gaadhaya waxay sheegayaan in garabka ina Macow uu dar dar cusub la soo baxay, lagana yaabo in ay Minneosota kaga adkaadaan kooxda Ina Cumar Cismaan. Wixii ka so kordha is qab-qabsiga ONLF, iyo halka ay isla gaadhaan kala soco Eegga.com
Eegga.com
Minnesota
By Editor - Posted on May 31st, 2009
Xubno ka tirsan guddiga fulinta ee ONLF, garabka Ina Cumar Cismaan, ayaa maanta la keenay Xabsiga Dhexe ee Deegaanka Soomaalida, halkaaso maxkamad lagu saari doono, dhibaatooyinkey u geysteen dadka shacabka ah. C/Nuur Maxamed Sooyaan & Dhiire Caafi oo kal hore lasoo qabtey, ayaa maanta loo soo wareejiyey xabisiga Jigjiga, si dacwad loogu qaado falalkii naxariis darrada ahaa ee ay ka geysteen Coballe, Qoriile, Iimey, Garbo, Guuna-gado & meelo badan oo deegaanka Soomaalida ka tirsan oo ay ONLF dad shacab ah ku xasuuqday.
Kooxo hada ka hor ka soo xaroodey ONLF, ayaa la filayaa iney ku makhraati furaan lugtii ay ku lahaayeen danbiilayaashani dhibaatada shacabka loo geystay. Sidoo kale, waxaa naloo xaqiijyey in ay dhalinyaro ONLF ka soo xarootey ku makhraati fureen Bashiir Makhtal, iyagoo sheegatey inuu Soomaaliya ka kexeeyay isla markaana Eriteria doon ku geeyay, halkaasoo lagu soo barey sida miinooyinka dhulka loogu aaso, loona qarxiyo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on May 31st, 2009
Todobaadkii hore, waxaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Reysulwasaaraha Itoobiya, qaar ka mid ah xubnaha baarllamaanka Federaalka ee laga soo doorto Deegaanka Soomaalida. Xildhibaannada ka qeybgaley kulanka oo ujeedooyin kala duwan lahaa, dhamaantoodna ku nool Addis Ababa, ayaa Reysul-wasaaraha u gudbiyey cabasho ku saabsan qaabka loo maamulo Deegaanka Soomaalida. Sida ay Eegga.com u xaqiijiyeen xildhibaano goob-joog ahaa, wuxuu Reysulwasaaruhu u sheegay xildhibaannada Soomaalida, ineysan xogta rasmiga ah Deegaanka ka warqabin, sababtoo ah cabashada ay gudbiyeen oo nuqul kamid ahi nasoo gaadhey, ayay wax badan isaga egyihiin dacaayadaha kooxaha nabadiidka ah.
Reysulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahey in la xoojiyo horeyna loo sii wado horumarka laga gaadhey dhanka nabadgalyada & maamulka suuban. Sidoo kale ayuu Reysulwasaaruhu sheegay in uu Dawlada Deegaanka ku taakuleyn doono, sidii horey loogu sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed, isla mar ahaantaana dar-dar loo galin lahaa. Qaar kamid ah xildhibaanadii kulanka wax ka abaabuley oo filayey in dacwadani horseedo, isbadal ku yimaada hoggaaminta xisbiga, & dawlada deegaanka, ayaa ku hongoobey isku daygaasi.
Dhanka kale, baarllamaanka Fadareeshinka Itoobiya ayaa go'aan ka soo saarey in arrinta Raaso aan lagu fara galin karin Dawlada Deegaanka Soomaalida, kadib markey siyaasiyiin beesha halkaasi dagta ka soo jeeda ay dalbadeen in la soo fara galiyo.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on June 1st, 2009
Habeen hore, waxaa tuulada Dhandame oo 40 Kilometer, dhanka galbeed kaga aadan magaalada Baaibili, weerer ku qaadey dabley daacad u ah Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Tuulada oo ah goob ay daganyihiin dad shacab ah oo u badan beesha Hawiye, isla markaana aaney joogin wax ciidan dawladeed ah, ayey kooxdii ONLF ku dileen 8 ruux oo shacab ah, iyagoo sidoo kale bililqeystay bakhaaro & dukaamo. Tuulada oo is gaadhsin lahayd awgeed, waxaa suurta gashey in dadkii shacabka ahaa ay la xidhiiidhaan magaalada Jigjiga, halkaasoo laga soo direy cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka Argagixisada ama loo yaqaano (አድማ ብተና).
Ciidamada gurmadka ah ayaa durbaba waxay jid gooyo ku sameeyeen budhcadii, iyagoo u galey jidkii ay ka baxayeen. Shuftada ONLF oo u bartey intey tuulo dad shacab ah ku laayaan iney ku bad baadaan, ayaa iyagoo dad ay qafaasheen iyo hanti ay dheceen la sii baxaya lagu helay duleedka tuulada halkaas oo lagaga diley 15 shuftey, shacabkii ay qafaasheen oon waxba soo gaadhina laga soo furtey. Firxadkoodi ayaa wali lagu daba taaganyahey gacan ku-dhiilayaasha ONLF, oo abaalkood laga waraabiyey cashir lama ilaawaan ahna loo dhigey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 4th, 2009
Shuftada ka amar qaadata General Maxamed Cumar Cismaan, ayaa isagoo shacabka jid u sameynaya dishey Injineerkii dhisayey wadada isku xidha Qabridahare iyo Godey. Dhismaha wadada oo meel fiican marayey, xawli sarena ku socdey, ayaa la filayey in la soo gaba gabeeyo sannadkan gudihiisa, taasoo aad u fududeyn lahayd isu socodka magaalooyinka Godey, Dhanaan & Qabridahare. Dilka Injineerka, ayaa waxaa ka danbeeya, Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo baryahanba, maleegayey qorashayaal uu kaga hortagayo horumarka bulshada, isagoo budh-caddiisa ku canaantey in haddi wadooyin la dhiso, ay baa ba’ayaan sidaasi darteedna ay soo afjaraan mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.
Shacabka, gobollada Godey iyo Qoraxay, ayaa aad uga xumaadey tallaabada naxariis darrada ah ee ay shuftada ONLF ku layneyso shaqaalaha dhisaya wadooyinka, waxayna bulshada labadaasi gobol isu diyaarinayaan sidii ay budh-cada uga ilaashan lahaayeen kaabayaashooda dhaqaale.
Eegga.com
Qabridahare
By Editor - Posted on June 6th, 2009
Bisha June 1, 2009, waxay geeri lama filaan ahi ku timid, Alla Ha u Naxariistee abwaankii caanka ahaa ee, Maxamed Sheekh Axmed Ogle (Makayte), isagoo ku sugan magaalada Dhagaxbuur. Makeyte oo ahaa abwaan aad looga yaqaano deegaanka Soomaalida, iyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed, ayaa lagu xasuustaa suugaan badan oo curiyey.
Alla Ha u naxariisto Abwaan Makeyte, ehelkii & qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 14th, 2009
Wasaarada Biyaha ee Dawlada Deegaanka Soomaaliyeed, ayaa sheegtey iney qodi doonto 18 ceel oo cusub sannadkan aan ku jiro, kadib markii horaantii bishan uu kaabineetka DDS u ansixiyey miisaaniyadii lagu qodi lahaa ceelashaas. Dr. Suldaan Wali; Wasiirka Biyaha DDS, ayaa sheegay in ceelasha cusub laga qodi doono dagmooyinka biyo-la’aantu ka jirto, isla markaana abaaraha soo noq-noqda ay ka dhacaan. Sidoo kale, waxaa dhamaan ceelashan cusub ee la qodayo lagu rakibi doonaa Matooro biyaha ka soo saara, oo sida uu Wasiirku noo sheegay dibada laga dalbey.
Wasaarada Biyaha ee DDS, ayaa kamid ah wasaaradaha ugu shaqo fiican deegaanka, iyagoo wasaaradu horey u qodday ceelal badan, isla markaana dayac tir ku sameysa kuwa bulshadu isticmaasho.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 16th, 2009
Shuftada ONLF, ayaa xaley meel u dhaxeysa tuulada Baka iyo Birqod ku gubey afar cagaf iyo laba booyadood oy isticmaalayeen shaqaalaha samaynaya wadada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Dhagaxbuur & Qabridahare. Gaadiidkan oo lagaga rawaxey goobtii wadada laga dhisayey, ayey shuftada ONLF dishey afar odey oo shacab ahaa oo ilaalineyey ka hor inteysan gubin booyada iyo labada cagaf. Falkan foosha xun ee lagu curyaaminayo dhismaha wadooyinka ayaa ah kii labadd ee muddo laba todobaad gudahood ah ay fuliyaan shuftadu. Todobaadkii hore ayey tuulada Dalaad ee dagmada Qabridahare ku dileen injineerkii dhisayey wadada isku xidha Qabridahare iyo Godey, iyagoo sidoo kalena ku gubey booyadii biyaha ee loogu shaqeynayey dhismaha wadada.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 25th, 2009
Todobaadkan horaantiisii waxaa magaalada Jigjiga ka bilaabmey, qiimeyn lagu samaynayey maamullada gobollada Jigjiga, iyo Dhagaxbuur. Gobolka Jigjiga oo lagu horeysiiyey, ayaa la soo gaba gabeeyay shaley, iyadoo xubno ka tirsanaa maamulka laga qaadey xilkii ay hayeen. Ujeedada qiimeyntan ayaa ah in dib loo eego waxqabadkii maamulka ee sanadkan hada dhamaagdey. Gobolka Dhagaxbur, ayaa saaka lagu billaabey, sida uu noo sheegay Madaxweynaha DDS, Mudane Daa’uud Madamxed Cali, waxaana la qiimeynayaa xubnaha maamulka gobolka iyo dagmooyinka oo kaliya. Faah-faahin buuxda & natiijada qiimeynta ka soo baxda, waxaan soo gudbin doonaa marka la dhameystiro.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on June 27th, 2009
Magaala-madaxda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, waxaa maanta lagu xusey sannad-guuradii 11-aad ee aas’aaska Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed. Xaflad lagu qabtey qolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan maanta, waxaa hadal gaaban ku furey, Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, oo ka waramey marxaladihii xisbigu soo marey muddadii uu jirey. Hadalkaa kadib, waxaa isna dawlada wax-qabadkeeda ka warbixiyey, Madaxweynaha Deegaanka, Mudane Daa‘uud Maxamed Cali. Sidoo kale waxaa iyana baaqyo taageero ah ka so jeediyey wakiilo ka socdey ururada bah-Wadaagta la ah xisbiga ee uu ugu horreeyo xisbiga haya talada wadanka Itoobiya ee EPRDF.
Xuska munaasibada, waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiinta xafiisyada kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida, masuuliyiinta deegaanka Soomaaliyeed u matila dawlada Federal & marti-sharaf kale oo xaflada lagu marti-qaadey.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on July 4th, 2009
Dagaallo ka dhacey aagagga Garigo’an, Farmadaw, Dulqabaw, Gabagabo & Isku-Dhoonley, intii u dhaxeysay 29-ka June iyo 1-da July,2009 ayaa lagu diley tiro kor u dhaafeysa 80 oo ka tirsan shuftada ONLF. Sida lagu xusey qoraal uu soo saarey xafiiska Nabadgalyada ee DDS, waxaa xubnaha ONLF laga diley ku jira hoggaamintii shuftada, & budh-cad kale oo boob iyo dhac ku hayey bulshada ree miyiga ah, waxaana ay kala yihiin sida soo socota;
Dhuux Deeq Axmed Reer Isahaaq
Sheekh Daahir Taxliil Ugaas Kooshin
Shugri Cabdi Saafi Reer Amaadin
Gorad Jiidhiye Ugaas Kooshin
Mahad Dheere Maalinguur
Kornayl Maalinguur
Cabdinaasir Cali Bashiir Gaadsan
Maxamuud Abshir Ugaas Kooshin
Shugri Cabdi Shaafi Reer Amaadin
Dhuux Diiriye Reer Amaadin
Cali Waash Reer Idiris, Ismaaciil Gumcadle
Bashiir Qabdiid Ugaas Kooshin
Axmed Dhaga-Cade Xer
Sheekh Godey Cabdala
Axmed Dheere Dhaga-Cade Maxaad Roob
Cali Yare Maxamed carab Reer Isahaaq
Shiine Maxamuud Odowaa Reer Cali Gaab
Maxamed Maxamuud Xirsi Ugaas Kooshin
Nuur Qorax Reer Amaadin
Axmed Saawi Reer Doolaal
Cabdiraxmaan Koronto Reer Faarax Cilmi
Reybad Abraahiim
Garaad Reer Naaleeye
Ka sokow xubnaha kor ku xusan oo dhamaan meydkoodii la gartey, isla mar ahaantaana ah hoggaamintii shuftada, waxaa iyana la gartey magacyada hoos ku qoran oo ka trisanaa ONLF, laguna diley dagaalladii todobaadkii hore.
Bisle Yuusuf Carta
Raage Cabdi Naasir
Maxamed Axmed Boon
Yuusuf Yare Maxamuud
Yaasiin Jaamac Axmed
Ciid Badal Raage
Axmed Gadhle
Faarax Cali Geele
Maxamuud Cali Faarax
Gaboose
Waysha Cadaroosh
Maxamuud Ursad
Buraale Deeq
Axmed Nuux
Cabdi Badal
Maxamuud Cabdi Dheere
Maxamed Axmed Ismaaciil
Axmed Nuuriye
Deeq Qoorleex
Cabdulaahi Maxamuud
Dayax Axmed Cali
Daba-Geel
Dhaga-Cade
Maxamed bashiir Maxamuud
Maxamed Cabdulaahi Nuur
Buraale Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdi
Faysal Nuur Cabdi
Inna Macalin Wacdi
Khadar Cabdulaahi
Dubad Siciid Wacdi
Xasan Ibraahin Maxamuud
Maxamed Muxumed
Dhashiike
Maxamed Yuusuf Cabdi
Maxamed Shakuur
Low Yacad
Maasa Maxamed Cabduqaadir
Cabdulaahi Cabdi Mursal
Maxamed Xaraari
Faysal Baadiye
Cabduqaadir Macalin Yaasuf
Cabdiuwahaab Shariif
Canjeex Maxamuud
Cabdulaahi Yare
Bashiir Cabdiraxmaan
Maxamuud Lacag
Haashim Xasan
Xamdi Ganay
Maxmuud Nuur
Dayib Maxamuud Faroole
Maxamed Jeeni
Xasan Kare
Wiil Baraar
Inna Cabdi Naasir
Cabdi Af Waranle
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on July 5th, 2009
Xarunta Deegaanka Soomaaliyeed ee Jigjiga, waxaa maanta soo gaadhey wafdi ballaadhan oo ka socda xukuumada Federaalka Itoobiya oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Federaalka, Dr. Shiferaw & Lataliyaha Reysulwasaaraha; Abay Sahay. Ujeedada booqashadooda ayaa lagu tilmaamey iney tahey in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabihii ka qabsoomey mashaariicda horumarinta 10-kii bilood ee ina dhaafey maadaama uu dhamaadey sannad-miisaaniyadeedkii 2001 ee tirsiga Itoobiya. Waxaa kale oo wasiirada ku jira, wasiirka Dalxiska ee Itoobiya Maxamuud Dirir, iyo wasiirudawlaha Beeraha, Bashiir Cabdullaahi, iyo Wsiirudawlaha Maaliyada Axmed Shide
Qolka shirarka ee Sayd Maxamed Cabdile Xasan ayaa la filayaa inuu barito ka furmi doono shir socon doona muddo todobaad ah. Wixii halkaasi lgu soo qaado iyo natiijada ka soo badxa dib ayaan ka soo galin doonaa.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on July 11th, 2009
Qiimeyn lagu sameynayey sida loo fuliyey mashaariicda horunarineed ee ka socdey Deegaanka Soomaalida, oo todobaadkan horaantiisii ka bilaabatey magaalada Jigjiga, ayaa la soo gaba gabeeyay. Wasaaradaha Horumarinta ee Dawlada Federal, ayaa dadaal dheeraad ah ugu jira sidii ay Deegaanka Soomaalida gacan ugu siin lahaayeen dhanka horumarka, waxaana gaba-gabadii qiimeynta la isla qaatey in miisaaniyada deegaanka ee sannadka so socda la kordhiyo lana gaadhsiiyo ilaa 2 Billion oo Birr.
Guud ahaan waxqabadka xafiisyada, ayaa ah mid ka soo reynaya marka loo fiiriyo wakhtiyadii hore, iyagoo dhanka kalena ay adagio ka socdey dawlada federal u riyaaqeen daedal iyo waxqabadka Xafiiska Nabadgalyada DDS.
Wasiiradii heer federaal ee ka qeybgaley qiimeynta ayaa dib ugu laabtey magaalada Addisbaba.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on July 25th, 2009
Magaalada Diri Dhabe oo iminka ay saacada Afrikada Bari tahay 20:56 ayaa waxaa ku da'aya Mahiigaan laxaad leh oo saameeyay dhamaanba isku socodka gaadiidka iyo shacabka. Roobkan oo baaxadiisu ku badan tahay galbeedka iyo koonfurta magaaalada wuxuu socdaa mudo 2 saac ku dhaw.
Badiba shacabka magaalada ayaa wadnaha farta ku hayay fiidnimadii caawa iyagoo ka baqayay in roobkan uu soo rogo daadadkii saddex kal ka hor ku fatahay magaalada ee khasaaraha wayn gaystay. Balse ilaa iminka waxay u eg tahay in xaaladu ay wanaagsantahay
Magaalada Dhagax-Buur ayaa dhinaceeda soo tabinaysa in caawa hareeraha magaalada uu ka hilaacayo, balse uuna magaalada ku di'in. Gudoomiyaha Maamulka Degmada Dhagax-Buur Mudane Maxamed Cabdi Dhoodhe oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in cimiladu ay maanta kululayd isla markaana jawigu uu u ekaa mid uugaamo roob ku riman. Sidoo kale, Magaalada Jigjiga ayaa uu habeen hore si wanaagsan roob dadka u qaboojiyay uu uga da'ay.
Dhinaca kale, waxaa caawa wadada laamiga ah ee isku xidha Diri-Dhabe ilaa Dhangago ilaa Qulubi socod ku jira dadka Masiixiyiinta ah ee taabacsan Kaniisada Orthodoxka ee Itoobiya oo xusaya Qulubi Gabreel. Dadkan oo badidoodu ka yimid Badhtamaha, Waqooyiga iyo Koonfurta Itoobiya iyo dalalka dibada khaasatan Waqooyiga Ameerika iyo Yurub ayaa sannad walba xilligan oo kale xah ahaan socod ku taga min Diri-dhaba ilaa Qulubi.
Waxaa sidoo kale, wadooyinka baabuurta caawa lagu arkayay, dad xayn xayn u socda oo meel ay galaan roobabkaa la'
Xigasho:CakaaraNews
By Editor - Posted on July 31st, 2009
Warar ka soo baxay Wakaalada Isgaadhsiinta ee Dawlada Federaalka ayay Ethiopian Telecommunication ku sheegtay inay Magaalada Qabri-dahar ay gaysay qalabkii iyo aalladihii uu ku shaqayn lahaa Adeega Telefoonada aan Rigliga ahayn (Mobile or Cell Phone).Waxay Wakaaladu sheegtay inay diyaarisay oo ay goobtii lagu rakibi lahaa ku hubsatay dhamaan wixii adeega taleefanka mobile lagu samaynayay.Sidoo kle, waxaa ay Wakaaladu sheegtay inay astaysay goobaha lagu yagleeli lahaa xarumaha loo baahan yahay iyo meelaha lagu taagayo tiirasha dhaadheer ee isgaadhsiinta tabiya (GSM Antena).
Sida la wada ogsoon yahay magaalada Qabri-Dahar ayaa waxaa ku jira adeega taleefonada casriga ee rigliga ah (Land Lines), kaasoo loo galiyay muddo ka horaysay xilligii ay Caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga ay heshay adeega casriga ee isgaadhsiinta tiraysan (Digital Transmission)
Dhinaca kale, Wakaalada Jidadka Itoobiya ee loo yaqaano ERA (Ethiopian Road Authority) ayaa sheegtay inay bilaabayso shaqada laamiga ee Magaalada Qabri-Dahar dhexdeeda maraya.
Waxay wakaaladu sheegtay inay dhamaysay bixinta mag-dhawga la siinayo dadka leh guryaha laga duminayo labada dhinac ee wadada magaalada dhexdeeda ku taal.
Sidoo kale, waxay wakaaladu carabaabtay in ay mag dhawgii dhismayaasha la duminayo ay sii hormariyeen marka laga reebo laba guri oo khalad xaga qiimaynta iyo nashqada ku salaysan uu abuuray in dib loogu noqdo qiimaynta mag-dhawga laga siinayo dhismaha laga duminayo.
Wadada Magaalada Qabri-Dahar ayaa si aan haboonayn waxaa cidhiidhi u galiyay dhismayaal si sharci darro ah la isaga dhisayay taasoo keentay in dib-u-dhac uu mar walba ku yimaado hir-galinta master plan ay magaaladu yeelato.
Wakaalada ERA waxay intaa ku dartay in mustaqbalka inagu soo fool leh ay bilaabi doonto inay dumiso dhismayaasha mag-dhowgooda la bixiyay lana galayo samaynta laamiga ee Magaalada dhexdeeda.
Xigasho; CakaaraNews
By Editor - Posted on August 15th, 2009
Shirkii Wafdiga ka socday Dawlad Degaanka Soomaalida iyo jaaliyadaha dalka Sweden ee ka soo jeeda Degaanka Soomaalida oo ka bilaabmay maanta markii ay goor-sheegtada Stockholm ay ahayd 17:00 galabnimo socdayna ilaa 19:30 fiidnimo ee wakhtiga Stockholm ayaa wajigiisii koowaad uu si wanaagsan u qabsoomay.Shirkaas oo lagu qabtay Hotelka Ibis Hotel oo ku yaala Caasimada Stockholm oo ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadaha Degaanka u dhashay ee ku sugan dalka Sweden, waxaa kaloo weheliayay wakiilo ka kala yimid dalalka Scandinivianka iyo waqooyiga Yurub iyo waliba dalka Maraykanka.
Wakhtigan waxaa wafdigii Dawlad Degaanka Soomaalida iyo marti gaadhaya 350 lagu casuumay casho-sharaf uu fidiyay Safiirka Dawlada Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden.
Casho-sharaftan oo lagu qabanayo Guriga Official Residence ah ee Safaaarada Itoobiya waxaa lagu daawan doonaa Filimo Documentary ah oo ka hadlaya xaalada horumarka ee Degaanka Soomaalida.
Waxaa kaloo la sheegayaa in lagu daawan doono filimo muujinaya dhibaatada ay nabad-diidku shacabku ku hayaan.
Xigasho:Cakaaranews
By Editor - Posted on August 16th, 2009
Kulamadii ay jaaliyadaha Degaanka Soomaalida ay kula kulmeen wafdigii ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah oo ka turjumaya dareenka dhabta ah ee ay qabaan shacabka qurbo-joogta ah ee nabada jecel..Waxaa kulankii maanta uu noqday kii u horeeyay ee meel ka baxsan Itoobiya oo heesta calanka Degaanka Soomaalida laga qaado. Taasina waa guul aan wax loo dhigo lahelayn. Dhinaca kale waxaa maanta jaaliyaadkii ka qayb-galay kulanka la gudoonsiiyay calanka cusub ee ciziga badan ee Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay ka muuqato hasheenii culus
Waxaa shabakada CakaaraNews si is-daba joog ah u soo gaaraya dhambaalo hambalyo iyo bogaadin ah oo qaarkood ay xambaarsan yihiin weedho qiiro galinaya qofkii akhriya.
Dhamaan jaaliyaadka ay la kulantay CakaaraNews ayaa waxay u sheegayaan sida mowqifkoodu isku badalay laba habeen gudahood. Waxay dadkani isku waafaqsan yihiin in dhibaatada beenta iyo borobogaandha ku dhisan ee ay nabad-diidka khaasatan ka loo yaqaano UBO (Ururka bah-Dilka Ogaadeenka) ay ku dhex hayeen inuu ahaa khaladkii ugu waynaa ee abaid noloshooda soo mara.
Nabad-diidku wuxuu adeegsadaa xeelado iyo tabo ku dhisan dagaal, cabsi galin, handadaad iyo caga-juglayn. Waxaa kaloo astaamaha la isku waafaqay ee nabad-diidka lagu sifeeyo ka mid adegsiga haweenka iyo caruurta uu ku daba dhuunto si uu falal argagixiso u sameeyo, balse waxaasi ma aha wax hor-istaagaya shacabka nabada jecel ee ka soo qayb-galayay shirarka.
Guusha u soo hoyatay wafdiga ka socday Dawlad Degaanka Soomaalida waxaa aasaas u ahaa kulamadii iyo wacyi-galintii ay sameeyeen jaaliyaadka nabada jecel khaasatan Ururka Nabada & Horumarnta ee Soomaalida Itoobiya oo hawl aan hadal lagu koobi karinka dhex qabtay jaaliyadaadka dhexdooda.
Wuxuu ururku shalay kolkuu dhamaaday kulankii ka dhacay IBIS Hotel oo durbadiiba qabtay kulamo kale oo wacyi-galin ah oo lagu abaabulayo shacabbka wax-garadka ah.
Midhihii ay dhashay waa ta maanta sababtay in kuwa xumaanta iyo dhiiga shacabka ka baayac-mushtara ay dhakhsaba dadka waayeelka ah ee shirkii shalay ka qayb-galay intay luuqyada ugu dhuuntaan qoor-goynaya.
Shufto iyo camalkeed weeye inay mindiyo qarsoon iyo budh la gaadaan miskiin maati ah iyo maxas aan waxba ogayn. Intee Ogaadeen ah ayay sidaas u uus-xabaaleen oo ay ku dileen Degaanka dhexdiisa. Maanta waxaa mahad-Illaah ah in shacabka Reer Galbeedku ay arkaan argagixisinamad dadkan aan kala garaynin inay joogaan Qaali Dhagax ama Gabagabo iyo Stockholm.
Nabad-diid sannadkiisii waa uu dhamaaday waxa kaliya oo uu fishana waa inuu maro waddadii ay Tamil Tigerskii ka cimri dheeraa ee nolosha isku gubi jiray ay mareen. Shanta tuug ee luuqyada Yurub dadka u galana waxaa u taala inay cadho qarxaan.
Dhacdooyinka ugu xiisaha badan ee todobaadkan lagala kulmay weerarka aan kala go'a lahayn ee lagu qaaday godadkii ay ugaxdu u taalay nabad-diidka UBO waxaa ugu xiisa badnaa markii uu Hogaanka nabad-galyada ka akhrinayay khudbada uu ku sharaxayay sida ay UBO u baabi'say sharaftii iyo xurmadii uu lahaa qabiilka Ogaadeenka ayaa la kulanay haween ka mid ah kuwa la soo lug gooyay oo kabna luli kabna laalaadin iyagoo ka sii baqoolaya magaalada Stockholm. Mid haweenkaa ka mid ah ayaa nagu tidhi "war maxay hore noogu sheegi waayeen in nimankani ay dawlad yihiin. Oo aan agtoodabala mari karin oo boolis uu hor boodayo". Weger oo ma waxay ku yidhaahdeen waa sidii Shuftayga Inna Cumar Cusmaan ee xamaaliinta is hor-dhiga. Iyadoon hadalkii dhamaystirin ayay tii kale la soo booday "Tacab khasaarayee, way na soo waaleen tuugtan oo xalayba saldhig boolis ayaan u dhaxay oo bud ay ii qari yiraahdeen ayaa la igu qabtay iyaguna way iaga baxsadeen".
Qof kasta wuu garan karaa, calaamada tuugta iyo munaafiqiinta inay qof miskiin maangaab ah ay ka faa'iidaystaan oo kolka uu dabin galana ay kaga baxsadaan. Sidoo kale, ayaa maanta markii uu Telefishinka Universal uu bilaabay inuu sii daayo muuqaalada shirka ayay sidii adhi weer galay ay gondaha hoos u rogeen. Waa fulay iyo caadadii inuu haweenka hortooda ka dhaanteeyo, garoonkana uu sidii eyga saynta labada lugood dhex galiyo. Laguu yimide maxaad tooryo u tuman? Kaalay oo fikirkaaga si nadiif ah u dhiibo, xanuunka ha lagaa daweeyee, balse kuwan laguma karayo oo noloshooda oo idil ayaa xanuun ka samaysan.
Ugu danbayntii, Ciyaartii maanta waa 200% in wafdiga Dawlad Degaanka Soomaalidu uu ku hogaaminayo, halka cadawga ummada ee nabad-diidk, nolol-diidka, horumar-diidka ay u tahay MAALIN MADOW. Walee waxaa loo malaynayaa inay UBO sannadguuro danbe oo ay u dabaal-degtaa ay tahay tii ugu danbaysay.
Xigasho; CakaaraNews
By Editor - Posted on August 21st, 2009
Guddoomiayaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, ayaa maanta wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya siiyey, Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC. Guddoomiyaha oo hogaaminayey wafdi ka socda deegaanka Soomaalida, hadana ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska, ayaa wareysigiisa ugu horeyn kaga warbixiyey, ujeedada safarka, kadibna ka xogwaramey marxaladihii kala duwanaa ee deegaanka soo marey, xaalada deegaanku hada ku suganyahey, iyo waxyaabihii iska badalay intii xisbigu ka talinayey deegaanka.
Halkan Ka Dhageyso Warysigii Guddoomiyaha Xisbiga
Eegga.com
By Editor - Posted on August 22nd, 2009
By Editor - Posted on August 23rd, 2009
LONDON - Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay shir aad u balaadhan oo lagu warysanayo wafdi heer sare ah oo ka socda Ismaamulka soomaalida ee dalka Itoobiya.Shirka oo ka dhay safaarada ay ku leedahay Itoobiya wadanaka Britain ayaa waxa la qabtay bishan 22-keedii oo ku beegnayd Sabtidii la soo dhaafay iyada oo ay ahayd maalintii ugu horesy bisha Rabadaan ee barakaysan.Waxaa shirka lagu furay aayda quraan ah iyada oo safiirka Itoobiya uu jeediya hadal gaaban oo hordhac iyo isbarsho ah. Shirka ayaa ku socday afka Soomaaliga madaama wafdiga iyo dadwaynuhuba ay ahaayeen dad Soomaali ah.Dadwaynaha ka soo qayb galay shirka ayaa waxaa lagu qiyaasay dad ku dhaw ilaa 250 xubnood oo kakala yimid gabalada dalka iyo wadamada Yurubta kale.
Gudoomiyaha wafdiga oo ah madaxa xisbiga talada dalka haya, Cabdfataax Sh Cabdulaahi, ayaa shirka ka jeediyey hadal aad u dheer ku saabsan marxaladihii kala duwana ee Ismaamulku soo maray.Waxa uu gudoomiyhu tibaaxay in ay jiraan mashariic badn oo gablka la fuliyey kuwaas oo loogu talagalay in ay kor uqaadan heerka nololeed ee bulshada. Waxa uu tusaale u soo qaatay jaamacda Jigjiga, garoonka diyaaradha ee caasimada, wadooyinka laamiga ah ee isku xidha magaalooynka Harar - Jijiga, Dhagaxbuur - jijga iyo dhismaha dugsiyaal aad u tiro badan.Waxaa kale oo uu sheegay in ay socdaan wadooyin laami ah oo isku xidhi doona Dhagaxbuur - Qabridahare - Godey iyo Shilaabo. Mar uu ka hadlayey dhinaca beeraha, waxa u tilmaamay in mashruuca horimarinta galbeedka Godey la dhamaystiray iyada oo la doonayo in la dajiyo dad badan oo Soomaali ah.
Wafdiga oo ka kooban 6 xubnood oo midkood dumar tahay ayaa badankoodu ay ka warbixiyaan waxqabadka xafiisyada ay ka kala socdaan. Waxaa sidoo kale fursad la siiyey in ay dadwaynuhu soo gubiyaan waydiimo iyo talobixin.Arimaha horumarka ka sokow waxaa shirka hadheeyey suaalo fara badan oo la xidhiidha amaanka iyo nabdgalyada. Hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha amaanka wax badan laga qabtay. Waxa uu hogaanku aad u eedeye jabhada ONLF oo u ku tilmaamay in ay tahay mid bah dishay beesha Ogaadeenka oo ah beesha ugu badan Soomalida degta gobolka.
Waxa Cabdi Cumar sheegay in waxyeelada jabhada ay ugu dambasay gubista 6 kamid ah gaadidka dhisaya wadada isku xidha Dhagaxbuur iyo Qabridahare iyaga oo halka ku dilay injineeradi dhisayey wadada.Hogaanka ayaa sheegay in ka go'antahay Ismaamulka gobolka sidii loo soo af-jari laha wax uu ugu yeedhay nabadiidka. Waxa uu intaa ku daray in uu maamulkoodu sameeyeen ciidamo gaar ah oo loo tababaray la dagaalanka ONLF.
Shirka oo aad u dheera ayaa waxa hakinayey xiliyo loogu talagalay in ay daku ku tukaadaan kuna afuraan.Ka soo qaybgalayasha yaa waydiimo tiro badan waydiiyey xubnha wafdiga iyaga oo ay suaalaha wuufuudu qaybsadeen. Waxa ay dadku soo jeediyeen suaalo farabadan oo la xidhiida amaanka, garsoorka, waxbarshada,dhulka soomaaliyeed ee la siiyey Oromada iyo qaar kamid ah beelaha oo si gaar ah uga hadaly xuquuqo ka maqan beelahooda.
ARRIMAHAA NABADGALYADA
Dadwayanaha ayaa wafdiga waydiiyey su'aalo ku saabsan dhinca amaanka oo ay kamid ahaayeen: maxaa dad aan waxbagalabsani uga buuxaan xabsiyada? maxaa sababy cunaqabatayta raashinka iyo in hay'adaha qaarkood la eryo? iyo in ciidamada gaarka ahi ka daranyihiin kuwada dawlada iyo in kale?
Hogaanka nabadgalyada oo isku dayey in uu ka jawaabo su'aalahaas ayaa sheegay in ay hay'adahaha samafalku qaarkood ayna raacin xeerka wadanka iyo gobolka u yaala islamarkaana ayna waxba u qaban shacabka.
Xaga xabsiyada waxaa u hogaanku tibaaxay in ay jiraan dad xidhan balse la sii dayn karo waxaase uu dadka dib u waydiiyey dadka jabhda ONLF dishay miya dib loo soo noolyn kara kuwa xabsiyada ku jira mar unbaa la sii dayn ah.
Waxaa Cabdi Cumar oo tilmaamay in ciidamada gaarka ah loo tababaray sidii loola dagaalami lahaa nabadiidika shacbkana loo illaalin laha xaqooda balse waxa uu qiray in ciidan badan oo isu tagay aan laga waayen dad khaldama.
Mar wafdiga wax laga waydiiyey sida ay ku dhacday in dhul katirsan Ismaamulka soomaalida lagu wareejiyo ka Oromiya, waxa ay ku jawaabeen in arrinta ceebteeda ay leeyihiin maamuladii ka horeeyey iyaga.
MASHRUUCA GALBEEDKA GODEY
Wafdiga oo ka jawaabayey waydiin ahayd in mashruuca beeraha ee Godey la soo dajinayo dad kale oo Itoobiyaan ah iyo in kale, ayuu gudoomiye wafdiga si faahfaahsan uga jawaabay. Waxa uu sheegay in ayna jirin wax qorshe ah oo dad aan Soomaali ahayn lagu soo dajinay mashruuca. Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray, in dadka deegaanka Godey ayna wali ka wad faa'iidaysan mashruuca duruufo jira dartood
BEELAHA KA CABANAYEY MAAMULKA
Dad badan ayaa u hadlay beelaha ay ka soo jeedaan oo cadalad daro ka tirsanaya maamulka. Waxa uu wafdigu u balan qaaday in ay u qabanayaan kulamo gaar-gaar ah oo lagaga xaajoonayo cabshooyinkooda.
KAALINTA DAWLADA FEDERAALKA AH
Waxaa wafdiga kamid ah Bashir Cabdullahi oo ah wasiiro-dawlaha beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee dawlada federaalka ah. Waxa uu bashir sheegay in dawlada Itoobiya ay dhisteen qoomiyadu isu tagay islamarkaana ay ka kooban tahy 9 dawlo gobleedyo.
Wasiiro-dawluhu waxa uu tibaaxay in ay dawlada dhaxe kor u qaaday mashaaricda laga wado gobalka Soomaalida iyada oo xubnaha golaha wasiirada ku jira ee Soomaalida ahi ay dabagal ku sameeyaan hawlaha wasaaradaha dawladu ka fulinayaan deegaanka.
Madax-xafiisyada waxbarshada iyo biyaha ayaa iyuguna si balaadhan uga hadlay waxqabadka iyo qorsheyaasha xafiisyadooda.
MUDAHARAADKA TAAGEERAYSHA ONLF
Tageerayasha ONLF ayaa tabo kala duwan adeegsadey sidii ay u fashilin lahayeen shirka wafdiga. Waxa ay la hadleen dadyo gaar ah si ay uga baajiyaan kulanka, waxa ay cabsigaliyaan qaar ka mid ah dadwaynaha iyo iyaga oo faafiyey dacaayado badan.
Ugu dambayn waxaa tageeraysha ONLF loo ogolaaday in ay ku hor mudharaadaan safaarda Itoobiya oo shirku ka dhacyey iyaga oo qaylo iyo sawaxn samaynayey marka dadku galayaan safaarada.
Ciidamada amaanka ee Britain ayaa si wanaagsan u xakameeyey waxyibiihii ay tageerayeeshu la damacsanayeen daka sida xorta ah doonayey in ay uga qayb galaan shirka. Waxaa nasiib wanaag ah in cidna yna soo gaadhin dhibaato inkastoo 4 kamid ah taageerayasha ONLF ay ciidamada amaanku waydiyeen su'aalo kadib markii ay dhaxdooda ka dhacday khilaaf iyo gacan ka hadal.
GUNAANADKII SHIRKA
Shirkii wafdiga iyo jaaliyada ayaa si guul ah ku dhamaaday iyada oo la isla qaatay in ay labada dhinac wada shaqeeyaan. Wafdiga ayaa ku booriyey jaaliyada in ay ka qayb qaataan maalgalinta dalka, in ay joojiyaan tageerada nabad-diidka islamarkaana tageeran Ismaamulka. Waxaa kale oo wafdigu balan qaadeen in la sugi doono amaanka dadka qurbajooga ah iyaga oo si cabsi la'aan ah uga shaqaysan dhulkooda hooyo.
Jaaliyada UK ayaa dhankeeda ka codsatay wafdiga in la dhawr xuquuqda mawadiniinta iyo kor loo qaado horumarinta dalka iyada oo daboolida baahida shacbka wax walba laga horesiiyo.
Dadka la socda siyaasada goblka ayaa ku tilmaamay safarka wafdiga hal talaabo oo horey loo qaaday. Waxa ay sheegeen in ay muhiim ahayd in jaaliyadaha la wacyi galiyo islamarkaana la dhagaysto talooyinkooda.
Wafdiga ayaa fursad u helay in ay bixiyaan waraysiyo kala duwan iyaga oo la xidhiidhay idaacadaha BBC, VOA iyo TV-yada Soomaaliyeed. Fursad taa la mid ah ayey warbaahintu siisay ONLF iyo taageerayaasheeda.
Waxaa la saadalinaya in ay waxbadani ku xidhnaan doona sida Ismaamulka gobalku u hirgaliyaan codsiyadii jaaliyadaha iyo guud ahaan kor u qaadita heerka nololeed ee shacabka.
Jaaliyadha ayaa dhankooda laga sugaya in ay taxadarka badan joojiyaan oo si hagar la'aan ah uga qayb qaataan dhismaha iyo maalgalinta dalkooda hooyo.
Halkan Ka Dhageyso Wareysi VOA la yeelatey Hoggaanka N/Galyada DDS
Halkan Ka Dhageyso Wareysi BBC la yeelatey Guddoomiyaha SPDP
Xigasho; Somalistate.com
By Editor - Posted on August 24th, 2009
A delegation of from the Somali Regional State of Ethiopia held a successful discussion on the current political and socio-economic affairs of region with Ethiopian community from the Regional State residing in Sweden on August 15, 2009 in Stockholm. The delegates call upon member of the community to come back and see or help the development activities that are going on in the region.
Speaking on the discussion, head of Capacity Building Bureau and chairman of the ruling party of the region, H.E Mr. Abdulfatah Abdulahi, said that more than ever before, the both federal and the regional government have accorded a greater level of attention to the development of the Somali region of Ethiopia in the last couple of years and impressive achievements have been attained.
Speaking at the current performance of the regional government and its plan in the future, Mr. Abdulfatah has revealed that for the next few years the outlook for the region economy remains favourable.
He further noted that due attention has given to improve the quantity and quality of the education, health as well as other infrastructure development sectors of the regional state and thus significant achievements are recorded within the past few years. Although many educational institutions are established at different levels, the establishment of Jijiga University is one of the symbols of the achievements of the region in the education sector, he added.
Mr. Abdulfatah also urged the Diaspora from the Somali region to invest in region and in their homeland in various sectors as well as to contribute their share to ensure the development of the region. He also expressed the readiness of the regional government to give land and technical support as well as to facilitate bank loans to the Diaspora who will come invest in the region.
Similarly, speaking on the discussion, Head of The Security and Justice Bureau of the Region, Mr. Abdi Mohammed said that the regional state has secured a solidified peace and stability. He said that although the anti peace elements have been attempting to disrupt the development activities of the region with the help of other external anti peace elements; they have achieved nothing to disrupt the normal life of the people and are gradually diminishing themselves and ignored by the people as a result of their own evil and distractive acts.
He noted that the ONLF is by all means instrument of other anti peace elements in Somalia and Eritrea who have been playing a game with the blood of the innocent civilians in Somalia for the last 18 years and who want to import the same game into the people of the Somali region of Ethiopia. He further expressed the determination and readiness of the regional government to discharge its responsibility to protect and maintain peace and stability of the region on one hand and on the other hand to work in cooperation with any peace loving element.
Head of Education Bureau of the Regional State, Mr. Abdurhaman Shek Mohammed on his part said that the number of children are attending alternative basic education is increasing. He said that the bureau is also conduction studies in localities with shortage of education facilities with a view to enabling children get accesses. But he added there is a long way to go to achieve and satisfy the desire of our people in the region and requested the Diaspora community from the region to provide the necessary assistance to strengthen activities of the region in the education sector.
Dr. Sultan Weli, head of the Water Development Bureau, Mrs. Sediqa Abdi, representative form Women Affairs Bureau, Mr. Beshir Abdulahi, Agriculture and Rural Development Bureau of the region are also part of the delegation.
In a statement given at the end of the discussion, representatives of the community of the region said that no matter in which part of the world they are in, they are ready to stand with and support the development processes of the region and of the country as a whole. In their statement, they added that peace is necessary and it must be achieved by any means and there by requested officials of the region discharge their duty.
Participant of the meeting also urge the regional government to exert its maximum effort to strengthen good-governance and to create jobs, to fight corruption and to bring sustainable peace and stability to the region.
By Editor - Posted on August 24th, 2009
Jijjiga, August 17 (WIC) – The Somali State said it is working rigorously so as to alleviate the socio-economic problems of the state through scaling up ongoing development, good governance and democratization endeavors.
Opening a consultative forum focused on good governance, conflict resolution and federalism, representative of Somali State Chief Administrator, Guled Abdulahi, said the state government would give priority for the prevalence of good governance in the state.
He said efforts are underway to bring about good governance and speed up democratization endeavors through the involvement of residents of the state.
Moreover, the state’s government is working to prevent conflicts that arise due to various reasons so that they would not hamper development activities, Guled said.
As the Somali state is one of the areas where contraband activities are being widely seen, the state government is providing awareness raising education to the people about the negative impacts of such illicit activities over the economic growth of the state.
Series of consultative forums carried out over the past months helped residents of the state work closely with the government, Guled indicated.
The state government is determined to expedite development and alleviate poverty, he said, adding the public drive created among residents of the state would contribute to successful implementation of policies and strategies set by the government.
Participants drawn from six woredas of Jijjiga zone, town administration, the business community and state bureaus took part at the three day forum the state government organized in collaboration with Walta Information Center.
Source: WIC
By Editor - Posted on August 24th, 2009
Ministry of Finance and Economic Development disclosed that the country has secured some 25.3 billion Birr in loans and aid during the last Ethiopian fiscal year, 2001 E.C.
The country has secured the stated amount of loan and aid from multilateral as well as bilateral cooperation, public relations and information section head with the ministry, Haji Ibsa told ENA.
Haji said about 81 percent of the stated sum was secured from multilateral cooperation sources while bilateral cooperation sources contribute 19 percent of the stated loan and aid granted during the last one year.
Some 18.4 billion Birr of the stated sum was granted in the form of aid while the balance was secured in loans, according to the head.
Multilateral sources include, among others, IDA, European Union, UNDP, FAO, AU, ADB, IMF, Global Environmental Fund, and Arab Bank for Africa, he said, donor countries include, UK, USA, Sweden, Japan, South Korea, China, Ireland, France, Finland, Italy, German, and Kuwait, among others.
The amount of loan and aid obtained during the reported time surpassed the amount of loan and aid secured during the preceding year of the same period by 61 percent.
Meanwhile, he said, more than 180.5 million Birr debt of the nation was cancelled during the reported period since Ethiopia is one of the poorest countries worldwide benefiting from debt cancillation program.
ENA
By Editor - Posted on August 28th, 2009
Isagoo u waramaya Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC, ayuu Hoggaanka Naabadgalyada DDS, Cabdi Maxamed Cumar sheegay in kulamadii ay jaaliyadaha deegaanka ee Sweden iyo UK, la yeesheen ku dhamaadey is af-garad. Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayuu Hoggaanku ku sheegay in kadib wadaxaajood iyo dood dheer oo dhexmartey Jaaliyadaha deegaanka iyo wafdiga DDS, la turxaan bixiyey wixii madmadaw ahaa ee ku dhex jirey labada dhinac, islamarkaana xidhiidh wangaasan u bilawdey dawlada deegaanka iyo qurbajoogta.
Halkan Ka Dhageyso Wareysigii oo Maqal Ah
Eegga.com
By Editor - Posted on August 28th, 2009
Golaha Horumarinta iyo Nabadgalyada Soomaalida Itoobiya ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal ay ku canbaareynayaan kooxdii fulsey weerarkii dhibaatada loogu geystay Maxamed Sahal Kabare. Qoraalka ayaa u qornaa sida hoos ku qoran
==========================================================================================
Codsi Cambaareen falkii shirqoolka,fuleynimada,waxashnimada ahaa ee lagu soo weeraray kulankii aasaasida Golaha Nabada iyo Horumarinta Deegaanka Somalida Ethiopia e eka dhacay 16 Augoust,2009 magaal madaxda Sweden ee Stockholm,kaasoo lagu qabtay Hotelka Ibis ee Spånga hoolkiisa shirarka.
Shirkaas oo si habsami ah ku bilowdy kuna socday bilow ilaa dhamaad ayaa waxaa goobjoog ka aha xubnihii aasaasayaasha, iyadoo lagu soo casuumey xubno ka socda dhowr urur ,shaqsiyaad gaar ah oo fara badan,kuwaas oo dhamaantood ku caan baxay xal u raadinta dhibaatada ka taagan dhulkooda hooyo,jecelna marwalba sidii nabad loogu soo dabooli lahaa xaalada cakiran ee deegaanka Somalidu degto ee Ethiopia.
Shirkaas oo aan khuseenin dhamaanba qeybaha kala duwan ee maamulka deegaanka Somalida Ethiopia iyo qolyaha mucaaradkaba, balse u ergoonayay in shacabka loo turo,
hadba qoladay khusaysana lagala xaajoodo.
Waxaa aad usoo dhaweeyey naguna dhaliyey mawqifkeena shacab fara badan oo qurbo joog ah iyo kuwa gudahaba, isuguna jira odoyaasha deegaanka,aqoonyahanka,iyo waxgaradka iyo culumada iyo weliba dhalinyaro fara badan oo ka soo jeeda deegaankaas.
Waxaan sanadihii ugu dambeeyeyba culeys weyn saarnay sidaan u hirgelin lahayn baahida shacabka deegaanka isla markaasna nabad iyo isfaham looga dhalin lahaa dhexdooda.
8 bilood ka hor waxaa noo suurto gashay inaan bilowno qaabayntii iyo dhismihii Golahan.Waxaan usoo bandhignay dowlada Ehtiopia iyo maamulka deganka Somalida labadaba waxay aad ugu riyaaqeen soona dhaweeyeen fikirkaas,sidoo kale waxaa soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee mucaaradka ONLF horeyna u cadeeyey in ayagu aysan xujo iyo carqabad ku noqonayn wixii nabad raadin ah ee arimahaas iyo deegaankaas khuseeya.
16 August baa waxay ahayd maalintii aan ku dhawaaqnay Golaha Nabada iyo Horumarinta Deegaanka Somalida Ethiopia.
Waxaa weerar waxashnimo ah oo akhmaqnimo leh lagu soo qaaday qaar ka mid ah aasaasayaashii Golaha Nabada iyo Horumarinta Deegaanka Somalida Ethiopia wakhtigaas oo keligood ay ku sugnaayeen banaanka hotelka(parking-ka baabuurta) iyagoo isu diyaarinayay inay ka raacaan baaburkay wateen oo goobtaas keligiis ku hadhsanaa.
Waxaa weerarkaas soo qaaday qaar ka mid ah taageerayaasha lagu yaqaano ururka ONLF oo uu hogaaminayay masuul sare oo lawada yaqaano lana yiraahdo Abdi Abdullahi Hussein(Gamaadiid) isagoo si gaadmo ah kusoo hogaamiyey 6 gaari oo dhalinyaro ka buuxaan .
Salaan iyo isgarasho ka dib wuxuu Gamaadiid toos gacantiisa ugu weeraray Masuul ka mid ah aasaasayaashii Golaha ahna masuuliyiinta sarsare oo Golaha lana yiraahdo Mohamed Mursal Kabare. Kadibna waxaa gacanta wada saaray dhamaan dadkii uu watay Gamaadiid oo midba meeshuu la heli karay iyo wuxuu la heli karay ku dhuftay Mohamed Mursal Kabare, ilaa uu miyir beelayna ku waday,hadana uu weli u yaalo dhakhtarka weyn ee Stockholm ku yaala loona yaqaano Karolinska dhaawacyadii halista geliyey naftiisa welina caafimaadkiisa uu kasoo kaban la’ yahay.
Mohamed Mursal Kabare oo ku caan baxay inuu ka shaqeeyo wanaaga, caqligiisa badana u isticmaali jirey dhinaca fiican mar walba,ahna masuul kasoo shaqeeyey soona qabtay xilal dowli ah iyo kuwo hayadeed iyo weliba kuwo gaar ahba, baa waxaa fajac iyo amakaag gelisay umad farabadan oo aqoon u lehayd isna weydiinaya weli sababta una baahan jawaab.
Sidaa awgeed waxaan cambaarayn aad ah dusha kaga tuuraynaa una soo jeedinaynaa dhamaan intii falkaas fuleynimada, waxashnimada iyo akhmaqnimada leh ee loogu gaystay Mohamed Mursal Kabare,gaar ahaana guruubkii taageerayaasha ONLF ta ahaa ee uu hogaaminayay masuulkii ONLF ee Abdi Abdullahi Hussein(Gamaadiid).
Haddaba,waxaan dhamaan waxgaradka,odoyaasha,shacabka iyo jaaliyadaha arintan ay khuseeyso iyo weliba dhamaan mushtamaca Somaliyed meel uu joogaba ka codsanaynaa inay dhaleeceeyaan falkaas BIRMAGEDADA la isugu dayay in lagu dilo naftiisa,ahna wax ku cusub diinteena suuban iyo Dhaqankeenaba.
Sidoo kale wuxuu Goleha soo dhawaynayaa sidii nabad loogu xalin lahaa dhibkii dhacay oo aan jawaab la mid ah looga bixin loogana ficil qaadanin, laakiin ay ku haboon tahay in sharciga loo daayo,laguna taageero sidii loo horkeeni lahaa sharciga iwm.
Isku dhacyada noocan oo kale ah waxay u sahlayaan inta xumaanta iyo kala qoqobka bulshadeena jecel inuu cimrigoodu ku dheeraado oo sidaas lagu jiro.
Aduunka hadda aan ku noolnahay waa mid caqligu shaqeeyo ee uusan xoogu shaqeyn sidaa awgeed waxaan ku talinaynaa inuu caqligu shaqeeyo,umada horumarkeedana loo soo istaago.
Waxaan maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa cajaladii vidioga ahayd ee laga duubay shirka ka hor intaan la soo weerarin golaha nabada iyo horumarinta deganka somalida ethiopia si aad uga qanacdaan beenta la isla meerayo .Sidoo kale waxaad booqan kartaan website-ka Golaha oo ah www.srpdf.com kaas ood uga dhergi kartaan waxaan nahay iyo ujeedadeena.
Waxaan fariin u direynaa dhamaan aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaanka ugana codsanaynaa inaysan aamusin,cidkalena ka sugin waxtarka,wax u qabadka iyo taageerida nabada iyo horumarinta shabacabka deegaankooda.
Waxaan ka digaynaa kana codsanaynaa inay ka reebtoomaan, joojiyaana website yada ka hadla arimaha deegaanka, waxyaabaha hurinta colaada walaalaha wada dhashay keeni kara ee deegaanku ka wada dhexeeyo kuna bedelaan waxyaabaha danta dadka ah oo dhabta ah keenina kara horumar iyo nabad waarta.
Maamulka Sare ee GNHDSE.
By Editor - Posted on September 5th, 2009
Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka u Qaabilsaneyd Arrimaha Africa, Jendayi Frazer, ayaa Xukuumada Barak Obama u soo jeedisey talooyin lagu caawin karo dalalka Africa ee Saxaraha ka hooseeya, isla markaana lagu horumarin karo danaha dawlada Mareykanka. Jendayi Frazer ayaa talooyinkaa ugu horeysiisey in dawlada Mareykanku liiska Argagixisada ku darto dawlada Eriteria iyo kooxaha ay ku adeegatoba, si guud ahaan gobolka geeska Africa gaar ahaan wadanka Somalia xasilooni iyo daganaansho u helo. Kooxaha ay Dawlada Eriteria ku adeegato ayaa waxaa ka mid ah ONLF, Al-shabaab iyo Al-itaxaad.
Halka ka akhri Qoraalka oo lagu Qorey Wargeyska Wall Street Journal
Eegga.com
By Editor - Posted on September 6th, 2009
Waxaa shalay magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka somalida uu shir qiimayn ahi uga furmay xafiisyada heer kilil . Shirkan oo lagu qabtay aqalka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa lagu qiimaynaayay xafiisyadan waxqabadkoodii labadii bilood ee Hamle iyo Nahaase . xafiisyada ayaa lagu qiimaynaayay qorshahoodii labadan bilood wixii uga qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin iyo waliba sababta ay u qabsoomiwaayeen hadii ay jiraan waxaan qabsoomin.Shirkan oo uu hogaaminaayo madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Daa’uud Maxmed Cali ayaa furmay maalinkii shalay ee Sabtida ahayd wuxuuna socon doonaa ilaa maanta oo Axad ah. Xafiisyada shalay laqiimeeyay waxaa kamid ahaa, xafiiska Dakhliga, Caafimaadka,Beeraha, Waxbarashada iyo Maaliyada. Xafiiska Dakhliga ayaa loosoo jeediyay dhaliilo aad ubadan iyado lagu eedeeyay in madaxa xafiiskaasi mudane Siciid Adqe uusan waxba ka badalin qorshayaashii musuq maasuqa ee madaxdii ka horaysay isaga lagu eryay musuqa. Inkastoo uu xafiiska dakhligu bilahan soo uruuriyay dakhli ka badan kii lasoo uruurin jiray sanadadii hore hadana madaxwaynaha ayaa sheegay in dakhliga xafiiskan laga rabay inuu soo xareeyo ay noqon lahayd afar jibaar waxa uu hada keenay.
Madaxwaynaha ayaa canaan kulul u soo jeediyay masuulka xafiiskan iyo dhamaanba waaxaha xafiiskan sida waaxda Xadaynta Cashuurta oo uu ku tilmaamay in ay tahay waaxda ugu musuqa badan ee lunsata hantida dawlada. Koomishineerka booliska mudane Yusuf Jalaale ayaa isna madasha ka sheegay in ay gacanta ku hayaan mid kamida cashuur ururiyaasha xafiiskan oo lagu qabtay lacag dhawr boqol oo kun ah taas oo uu damacsanaa in uu lunsado isla markaana ay rabaan in ay sharciga horgeeyaan. Waxaa sidookale xafiiskan lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen dakhligii laga soo uruurinlahaa Gobolada iyo Degmooyinka isla markaana aysan wax kormeer iyo dabagaltoona ku samaynin goobaha lagasoo uruuriyo cashuuraaka oo dadka uruurinayaa sida ay doonaan ka yeelaan lunsadaana hantida dawlada.
Xafiiska beeraha oo inta badan shirarka qiimaynta aad loo dhaleecayn jiray dhawaana lawada badalay dhamaan madaxdii iyo gudigii maaraynta ee xafiiskaas ayaa shalay lagu amaanay dadaalka ay hada muujiyeen maamulkan cusub ee xafiiskan. Waxaa kale oo iyagana amaan loosoojeediyay xafiisyadan kale ee Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaliyada inkastoo uu madaxwaynuhu ku dhiirigaliyay xafiisyadan in ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin degmooyinka una guntadaan wax u qabashada iyo horumarinta degmooyinka iyo guud ahaanba deegaanka.
Waxaa sidookale iyada oon wali laqiimayn uu madaxwaynu carabka ku dhuftay oo uu hadalku lajiidhay aadna u dhaleeceeyay xafiiska Shareecada isaga oo sheegay in madaxa xafiiskaas Shariif Saabit iyo ku xigeenkiisa Nadiir sayid oo uu dhawaan uun umagacaabay xafiiskani islahaana waxbay ka badali doonaan maamulkii ka horeeyay oo uu sheegay iaga in lagu eryay arimo nabadgalyada la xidhiidha balse aan musuq lagu eedayn ay kaliya ku hawlanyihiin cunida lacagaha xafiiskaas afar iyo labaatanka saacna isku haystaan uun lacag, wuxuuna halkaas ka sheegay madaxwaynuhu inuu ku khasaaray magacabidooda isaga oo waliba shirka dhexdiisa ka habaaray oo sheegay in habaarkiisa la aqbalidoono balse kooda aan la aqbalayn maadaama iyaga oo culimo isku sheegaya ay u guntadeen lunsashada lacagaha umada wax shaqo ah oo ilaa hada ay qabteena aysan jirin waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ilaahay Naarta ha idinku fogeeyo waxaad khaayinteen umadiinii idinka oo koofiyadihii Jeebadaha gashaday si aad hantida dawlada u lunsataan. Waxuuna intaas ku daray maqiimayndoono xafiiska umana baahna in la qiimeeyo.
Madaxwaynaha ayaa dadkii shirka isu yimid oo ka koobnaa madax-xafiiseedyo, ku xigeeno iyo gudiga maaraynta xafiisyada ka codsaday in aysan kaligii ku dayn ee ay wax kala qabtaan sixida xafiisyadan gaar ahaan xafiiska dakhliga oo uu sheegay in uu dhamaantood ooda u rogidoono shaqadana kawada eryidoono iyo waliba xafiiskan shareecada oo iyagana sheegay in uu waxwayn ka badali doono.
Dhanka kale waxaa baryahandambe kililka dhex socday xam-xam ahayd in xurgufi ay dhextaalo madaxwaynaha iyo hogaanka nabadgalyada Mudane Cabdi maxamud Cumar balse shirkii shalay ayaa laga dareemaayay saxiibtinimadoodii hore isaga oo madaxwaynuhu marwalba soo qaadaayay magaca hogaanka amaba lahaa aniga iyo Cabdi isla markaana isu dhoolacadaynaayay midba midka kale marka uu hadlaayo.
Xigasho; Kilil5
By Editor - Posted on September 11th, 2009
GOLAHA NABADA & HORUMARINTA DEGANKA SOMALIDA ETHIOPIA
WAXAAN SI BUUXDA U TAAGEERAYNAA GO,AANKA GEESINAMADA LEH OO AY XUKUMADA FEDERALKA ETHIOPIA IYO TAN DEGANKUBA KU GAAREEN IN LAGU CAFIYO LAGUNA SOO DAAYO QAAR KA MID AH MAXAABIISTA DEGANKA SOMALIDA ETHIOPIA U DHALATAY.
GO,AANKANI WUXUU MARKHAATI U YAHAY KANA TARJUMAYAA RABITAANKA SHACABKA U DHASHAY DEGANKA INTA NABADA JECEL.WAXANAN U ARAGNAA TALAABO HORUMAR AH OO SOO KORORTAY.
SIDOO KALE WUXUU TAAGEERO IYO DHIIRIGELINBA U YAHAY KULAMADII FARAHA BADNAA EE QURBA JOOGTA U DHALATAY DEGANKA IYO WAFDIGII HEERKA SARE AHAA EE DEGANKA KUWADA YEESHEEN WADAMADA SWEDEN IYO ENGLAND.
WAXAAN MAR LABAAD SI AAD AH U TAAGEEREYNA U DHEGONUGLAANTA FIICAN EE AY XUKUMADA DEGANKU U MUUJISAY SHACABKEEDA QAALIGA AH IYO RABITAANKOODA KUWAASOO KU SUGAN DIBAD IYO GUDABA .
NOLOSHU WAA NABADA, NABADUNA WAA HORUMARKA,HORUMARKUNA WAA QIIMAHA NOLOSHA.
MAAMULKA SARE SRPDF
Abdi Jama
abdijama@srpdf.com
www.srpdf.com
By Editor - Posted on September 11th, 2009
We the leaders of the Somali regional Peace and development Forum support and warmly welcome the amnesty granted by the Somali regional state authority to release number of inmates from the jails in Jigjiga, Kabridahar, Dagahbur and warder.
First, this decision is an indicative of the need to win the hearts and minds of the regions citizens on the part of region’s authority and it is without a shadow of a doubt a step to the right direction.
Secondly, the region’s communities in the Diaspora must draw a comfort from this decision as it was a hotly debated issue whilst conferring with the recent high delegation visit to Stockholm and London by the leaders of the region’s government.
Lastly we call upon all the region’s communities in Diaspora to unite their voices and effort to work towards a sustainable peace and development in the region.
Our motto remains one: Life needs peace, peace is development and development is the essence of Life.
Thank you all
SRPDF Executive
www.srpdf.com
By Editor - Posted on September 11th, 2009
Waxaa maanta xerada tababarka Ciidamada ee Garab Case ee magaalada Jigjiga ka qalin jabiyaya 2000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Sida Gaarka ah U tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska.Ciidamadaa oo ka koobnaa Laba Shaalaqe oo tiradoodu dhan tahay 2000 oo askari ay dhamaysteen tababaro kala duwan oo ay siinayeen xirfadlayaal takhasus sare u leh fanka dagaalka oo ka socday Wasaarada Gaashaan-Dhiga ee Itoobiya oo ay ku jireen saraakiil sarsare oo hore u tababaray Ciidamada Nabad-Ilaalinta Itoobiya ee joogi jiray Dalka Ruwanda.
xaflada qalin-jabinta oo ay ka qayb-galeen Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane daa'uud Maxamed Cali iyo Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuulyiinta waaxyaha kala gadisan ee Xukuumada Degaanka Soomaalida waxay Ciidamadaa cusub ku soo bandhigeen dhoolu-tus milatari iyagoo ku hor dhaartay shacabkii iyo masuulyiintii ka soo qayb-galay xaflada hortooda.
Tababarkan cusub ee dufcadan Liyuu Booliska ah ay sababtay kadib markii natiijooyin wax ku ool ah iyo guulo badan ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan ururada nabad-diidka ah. Balse wuxuu war-murtiyeedku ka gaabsaday inuu faahfaahiyo goobaha ciidamada cusub fadhiisimaha looga dhigayo.
Warar aan madax banaanayn oo ay CakaaraNews ka heshay gudaha Xafiiska Nabadgalyada ayaa muujinaya in ciidamadan cusub lagu kala qori doono saddex goobood oo kale oo aan ahayn 6dii goobood ee hore ay u fadhiyeen
Xigasho; Cakaaranews.
By Editor - Posted on September 19th, 2009
Magaalada Jijiga ee caasimada dawlada deegaanka somalida ayaa waxa ka bilaabmay tababar dheer oo looqabanaayo dhamaanba Xafiisyada heer kilil. Tababarkan ayaa ku saabsan dib u habaynta shaqada BPR (Bussiness Process Re-engineering ) kaas oo larabo in laga hirgaliyo guud ahaan dalkan Itoobiya. Barnaamijkan BBR ka ayaa isagu ka hirgalay Xafiisyada heer faderaal iyo qaar kamida kililada kale ee dalka sida Tigray iyo Oromia.Tababarkan oo ay bixinayso dawlada faderaalka ayaa waxaa ka qaybgalaaya shaqaale tira badan oo ka kala socda dhamaanba xafiisyada heer kilil kuwaas oo tababarku usocondoono mudo 3 bilood ah. Waxaa hada kohor tababar noocan ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaanba kililada dalku, deegaanka somalida uga qayb galay xubno tobaneeyo ah kuwaas oo mudo hal sano ah casharo tababar ah kuqaatay magalaada Addsi Ababa ee caasimada dalka. Tobaneeyadan qof ee tababarka addis ababa kusoo qaatay ayaa loosoo tababaray sidii ay iyagu tababarada kililka u fulinlahaayeen, balse si loo sii xoojiyo hirgalitaanka iyo ka faa’iidaysiga tababarkan ayaa dawlada faderaalku ay u soo dirtay kililka macalimiin iyagu bixiya tababarkan.
Shaqaalahan casharada lasiinaayo ayaa lagu xarayay macadka Maaraynta halkaas oo ay habeen iyo maalinba ku jiridoonaan lana siindoono casharo is daba joog ah loona ogolaandoonin inay dibada usoo baxaan, waxaana laga yaabaa in marka dambena lageeyo jaamacada Haramaya. Shaqaalaha xafiisyada uga qaybgalaaya oo ugu yaraan xafiis kasta uu dhanyahay 15 xubnood ayaa larabaa marka ay dhamaystaan tababarkan in ay xafiisyadii ay ka kalayimaadeen ay ka hirgaliyaan barnaamijkan BPRka kaas oo la filaayo in uu waxbadan ka badalidoono nidaamkii shaqo ee xafiisyada.
Barnaamijkan ayaa dhimidoona tirada shaqaalaha ee xafiisyada looga baahanyahay, waxuu fudaydindoonaa nidaamkii iyo habsocodkii faylasha iyo shaqada, wuxuu baabiindoonaa waaxo nidaamku uu ka boodidoono shaqadoodii isaga oo isku xidhaaya waaxo kale. Waxa kale oo uu wax ka badalidoona qaab dhismeedyada xafiisyada taas oo samayndoonta xidhiidh cusub oo ay wadaagayaan shaqaalaha iyo maamulka xafiiskyadu
Waxaa aad loogu rajo waynyahay hadii nidaamkan cusub laga hirgaliyo deegaan in ay yaraadoonaan musuq-maasuqii iyo dhibaatooyinkii kale ee dhanka shaqada kasoo wajihijiray xafiisyada deegaanka.
Xigasho; Kilil5.com
By Editor - Posted on September 20th, 2009
KuSii Simaha Madaxwaynaha, ahna Hogaanka Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamud Cumar ayaa salaan iyo hambalyo ku saabsan munaasabada Ciidul fidriga u diray dhamaan dadweynaha u dhashay deegaanka somalida.
Waxaa uu salaan khaas ah u jeediyay jaaliyadaha u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku kala nool dalalka dibada isagoo xusay jaaliyadaha dalalka Sweden iyo UK oo ay la kulmeen wakhtiyadii wafdigii DDS uu booqashada ku marayay dalalka Yurub.
dhanka kale waxaa uu mudane cabdi illey sheegay inay maanta sii daayeen maxaabiis tiradoodu dhan tahay inta u dhaxeysa 380-400-qof, arintan oo ah arrin muhiim ah isla markaana ahaa kamid ahaa qodabadii ay jaaliyadaha sweden iyo Uk ka codsadeen maamulka ayaad moodaa inay xukuumadu fulisay.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on September 20th, 2009
Ciid Mubaarik “Kula Caam Wa’antum Bikhayr”. Waxaa maanta laga ciiday dhamaanba Gobolada dawlad Deegaanka somalida ee dalkan Itoobiya. Waxaa xalay abaarihii 9:00 fiidno ay marqudha bilaabeen dhamaanba masaajida magaalada Jijiga takbiirtii ciida iyada oo guud ahaan dalkan Itobiya laga Iclaamiyay ciida.Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka, Wadooyinka, Suuqaqa iyo xaafadaha magaalada ayaa waxaa ka muuqday boolis iyo askar tiro badan si xoogana u hubaysan kuwaas oo loogu talogalay sugida amaanka. Saaka salaadii subax markii la tukaday ayaa loo dareeray madasha lagu tukado salaada ciida waa baraxa wayn ee ku dhexyaala xafiisyada kililka halkaas oo albaabada laga soogalo ay taagnaayeen askar loogu talogalay baadhitaanka dadka soogalaaya goobta salaada iyo askar kulabisnay qalabka rabshadaha lagaga hortago sida Gaashaanka iyo Qoryaha ay ka dhacaan rasaasta caagta ahi.
Intaan salaada lagalin ka hor ayaa qudbado kala duwan ay soojeediyeen qaar kamida culima awdiinta deegaanku, waxaana markii dambe mikirifoonka lagu soo dhaweeyay hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada ahna kusiisimaha madaxwayna dawlada deegaanka mudane Cabdi Maxamud Cumar. Hogaanka ayaa hadalkiisii ku bilaaba war bixin kooban oo uu kaga hadlaayay fadaa’isha maalinka ciida iyo abaaro ba’an oo deegaanka ka jira. Hogaanka ayaa sheegay in deegaanka ay ka jiraan abaaro ba’ani isla markaana ay xukuumadu gobolada qaar u dirtay booyado biyo dhaamin ah balse wuxuu intaas raaciyay in aysan booyado waxba ka tarayn baahida biyo la’aanta ah ee kajirta deegaanka wuxuna jameecaadkii ka codsaday in alabariga labadiyo isaga oo u ducaynaaya baryaayana ilaahay inuu umada roob siiyo.
Hogaanka ayaa ka hadlay habaarayna dad culimo isku sheegaayay oo quraankii Ilaahay(SW) iyo Xadiiskii Rasuulka(SCW) u adeegsaday siyaabo khaldan si ay lacag ugu helaan iyo inay dawlada iskaga dhaadhiciyaan. Inkastoo uuna hogaanku magac dhabin culimadan hadana waxay umadii meesha isugu timid u fahantay inuu u jeedo Golaha arimaha Islaamka ee hada majaraha u hayay “Masjidul Aclaha deegaanka” kuwaas oo todobaad ka hor la sheegay in ay soo diyaariyeen una qaybiyeen imaamyadii masaajida magaalada jijiga oo dhan Khudbadii Jimaha taas oo ay kujirtay aayad quraan ah oo ka sheekaynaysa gaalo lahalaagay balse ay iyagu uga jeedeen Cumar Binu Khadaab(RC) oo ay soo daliishadeen Xadiis aan jirin kaas oo ay ku sheegayeen in uu kusoo duulay dalkan Itoobiya isla markaana lagu halaagay dadkii uusoo diray badda dhexdeeda kadibna ay aayadan quraanka ah u daliishadeen taasna ay tahay tan uu hogaanku ku tilmaamay in ay quraankii iyo xadiiskii rasuulka u adeegsadeen siyaabo khaldan iyo inay lacag ku helaan isla markaana ay dawlada ugu dhawaadaan balse waxay mutaysteen habaar iyo cawaaqim xumo.
War saaka soo baxay oonaan wali xaqiijinin ayaa sheegaya in lakala diray Golihii Arimaha islaamka iyo in jeelka loo taxaabaayo culimo ay ka midyahay Nadiir Sayid.
Waxaa kale oo uu hogaanku ka hadlay dadka iyaguna diinta kusoo gabanaaya isla markaan isku sheegaaya in ay Jihaad ku jiraan. Hogaanka aya soo qaatay tusaalooyin uu ka bixinaayay jihaadka iyo siyaabaha uu ku waajibo wuxuuna ku tilmaamay dadka noocaas ahi in ay baadil kusuganyihiin oo ay la dagaalamayaan dad islaama. Waxaakale oo hadalkiisa ka mid ahaa war “ war salaadu waa inay idinka reebtaa xumaanta” salaau haday aduunka wax idiinku tariwaydo miyaad filaysaan aakhira inay idin jano gaynayso. Sidoo kale hogaanku ma sheegin dadkan balse waxaan u qaadanay inuu u jeedo jabhadaha gaar ahaa sida ONLF, Al-Itaxad iyo kuwa ku dagaalama Somali-galbeed oo hada badidoodu sheega inay Jihaad ku jiraaan.
Waxakale oo uu hogaanku ka hadlay maxaabiis tirobadan oo ay xukuumadu ooda kaqaaday munaasabada ciida daraadeed. Inkastoo uusan sheegin tirada maxaabiista ay siidaayeen waxaa la sheegayaa ilaa shalay in lasiidaayay dad gaadhaaya 200 oo maxbuus oo ay kamid yihiin 70 dumar ahi. Xukuumada ayaa hore balan qaaday in ay siidayndoonto 250 waxaana lafilayaa ilaa maanta tirada siidayntu inay intan gaadho. Dadka lasiidaayay ayaa isugu jiray qaar hore maxakamadi u xukunta iyo qaar aan wali laxukumi, qaar loo haysta falal nabadgalyo, musuq maasuq iyo waxyaabo kale. Dadkani waxay isugu jiraan Ganacsato, Masuuliyiin, shaqaale iyo dad shacab ahaa.
Dadka magacyadoodu nasoo gaadheen ilaa hada waxaa kamid ah Jamiil Muxumed Gaas oo ahaan jiray Hogaanka Nabadgalyada Kililka, Sheekh nuur shaacib oo kamid ahaa Qandaraaslayaasha waawayn, Sheekh Axmed Aabi oo ahaa Madixii Arimaha Islaamka ee lagu badalay Sh. Nadiir Sayid. Waxaa kale oo uu hogaanku sheegay in sidookale ay degmooyinka ka siidaayeen maxaabiis badan isagoo carabka ku dhuftay magaalada Dhagaxuur. Waxaa kale oo lasheegayaa in shaqadi lagu celindoono Sheekh Axmed Aabi oo ahaa mufti deegaanka aad looga jeclaa dad badanina ay ku farxeen siidayntiisa isla markaana aad uga shaqayn jiray arimaha islaamka. Hogaanka ayaa sidookale sheegay in dadkan lasiidaayay dhamaantood kitaab la mariyay in ay ka waantoobaan wixii ay kujireen isla markaan daacad u noqdaan dadkooda iyo dawladooda, waxuuna sidookale habaaray dadkan hadii ay khayaamaan
Xigasho: Kilil5.com
By Editor - Posted on September 22nd, 2009
Xukuumada Degaanka oo haatan ay ka jirto Dawlad taaba gal ah oo nabad-Diidka iyo Horumar-diidka isku si ula dagaalamysa ayaa waxay talaabooyin hor leh ay ka qaadeen dabagalista mashaariicda horumarka ee aan la fulinin. Sida aan wada ogsoonahay kulan uu Xafiiska Hogaanka Nabadgalyada isugu yeedhay Degmooyinka Degaanka oo lagu eegayay sidii loo hirgalin lahaa mashaariicda horumarka ee degaanka, ayaa waxay Maamulada iyo wakiilada Degmooyinku ay codsi ka soo jeediyeen in mashaariic horumarin oo cusub ayna waxba soo biirinayn ilaa inta kuwii hore aan meel lagu hubsan. Kulankaa oo dhacay 3 bilood ka hor ayaa Xafiiska Hogaanka Nabadgalyada oo kaashanaya waaxyaha hoos yimaada sida Xafiiska Cadaalada waxay sameeyeen daraasaad lagu ogaaday in miisaaniyad dhan 22,803,947 oo Birr lagu qaatay mashaariic horumarin oo aan waxba laga qaban muddo dhan shan sanno.
Kadib markii ay natiijadaasi soo baxday ayaa shir Cabinet ah oo uu Gudoominayay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa lagu go’aamiyay in lacagahaas ku maqan qandaraaslayaashaa laga soo celiyo, isla markaana waxaa la aasaasay Guddi uu hogaaminayo hogaanka Nabadgalyada. Waxaa la sheegayaa in ilaa hada uu Guddigii soo uruuriyay lacag & gaadiid u dhigma 10 Milyan oo Birr oo Ganacsatadu ay ku bixiyeen qaanta ku maqan.
Hadaba, Xukuumada DDS ayaa soo saartay liiska magacyada Shirkadaha qaatay qandaraasyada mashaariicda Horumarinta ee laga fulinayay Degaanka Soomaalida. Shirkadahan oo mashaariicda ugu badan ee ay qaateen uu yahay mashaariic lagu dhisayay Dugsiyada Hoose ee waxbarashada iyo qodista ceelasha iyo War-Biyoodka, waxaa kale oo ku jira shirkado Consultancy ah oo iyaguna qaatay shaqooyin ay ka mid yihiin Surveying iyo samaynta masterplanada magaalooyinka qaarkood. Liiska Shirkadaha oo CakaaraNews ay heshay waxay kala yihiin
Shirkada Magaceeda Mulkiilaha iska Leh Goobaha ay Mashaariicda ka Samaynaysay
Liibaan Construction & Transport Company Xaaji Cabdiraxmaan Cumar Jigjiga, Dhagax-Buur, Wardheer, Qoraxey, Shiniile.
Nagi Construction & Transport Company Geeljire & Faseex Dambal, Ayshica Qabri-Dahar
Gal-Cusbo Construction & Transport Company Abubakar Feerfeer, Qalaafo & Mustaxiil
War-Diico Construction & Drilling Consultant Cali Tamaan Ceel-Biyood,
Barwaaqo Construction & Transport Company Xasan Axmed Iraad Qabri-Dahar & Dhoobo-Weyn
Region5 Construction & Transport Company Xaaji Cabdiraxmaan geesdiir Guradhaamoole & Baareey
Faafan Construction & Transport Company Xuseen Ciise Dambal & Fiiq
Rabco Construction & Transport Company Xirsi & Muuse Far-Madow, Gunagado
Al-Mahdi Construction & Transport Company Maxamed Cali Mahdi Nus-Dariiq, Dhuxun & Gabagabo
Eagle Construction & Drilling Consultant Duraan Fidaar & Xaaji Muxumed Shiniile
Waterfront Drilling Consultant Eng Carab Master plan kii Qabri-Dahar & Godey
Daruuriye Drilling Consultant Duraan Fidaar Master plan kii Qabri-Dahar & Godey
East Africa Dubai Group Company Maxamed Cabdi Dacay & cagaweyne Iib Qalab
Ugbad Construction & Transport Company Xaaji Cali Seyladii Erer
Magan Construction & Transport Company Cabdulaahi Shibiin Radio Station Afdheer
Sharmarke Construction & Transport Company Iido cagaweyne Radio Station Mayamuluqo & Wardheer
Warsame Construction & Transport Company Ismaaciil Sh Cabdi & Cali Baashe Radio Station Jigjiga & Liibaan
Idil Construction & Transport Company Xaaji Maxamed Buraale Radio Station Guradhaamoole
Xigasho; CakaaraNews
By Editor - Posted on September 26th, 2009
Waxaa muddo hal sano ah laga joogaa markii uu xilka madaxweynenimo ee Deegaanka Soomaalida qabtey, Daa’uud Maxamed Cali. Muddadaasi oo is baddal dhinacyo badan ahi ka dahcey deegaanka ayaan wareysi dheer madaxweynaha kala yeelaney isbadalladii dhanka horumarka nabadgalyada, iyo qorshaha dawlada ee sannadkan hada bilawdey. Wareysiga oo dhameystiran sidan ayuu u dhacdey .
Eegga.com; Mashaariicda horumarka ee deegaanka ka socda, kuwee ayaa ugu waaweyn, maxaad ka qabateen, maxaa natiijada ah oo ka soo baxdey?
Madaxweyne Daa’uud; Mashaariic badan oo horumarineed ayaa deegaanka ka socota, oo dhinac walba ah, haddey noon lahayd beeraha, dhismaha jidadka, horumarinta is gaadhsiinta, kordhinta awooda korontada, qodista ceelasha biyaha, ballaadhinta waxbarashada, iyo caafimaadka, balse mashruuca horumarinta wabiyada, ayaa ah mid aan muhimad gaar ah siiney, waxaa la dhameystirey, dajinta 2000 qoys gableedka Godey, dadkaas halkaas la dajiyey, waxay tiro ahaan ku dhawyihiin 120,000 oo ruux, waxaana u sameynay, adeeg caafimaad, mid waxbarasho, goobo ay biyaha ka cabaan. Waxaa loo diyaariyey dhul beereed fiican, si ay isku-fillaansho dhanka cuntada uga gaadhaan. Sidoo kale, dagmada Iimey Bari, oo matooro biyood aanu mar dhaw gaadhsiiney, ayaa iyana natiijo fiican oo lagu diirsado ka soo baxdey oo dadkii durbaba bilaabeen iney wax beertaan. Afdheer sidoo kale, waxaanu gaadhsiiney matooro biyood si ay bulshada ugu sahlanaato iney biyo u helaan beerashada dhulka.
Eegga.com; Mudane, M/weyne waxaa jirta in qeyb kamid ah miisaaniyadii deegaanka ee kal hore ay ka dhacey dagmooyin badan, haddana loo qabtey miisaaniyd kale, maxaad fileysaa inuu sannadkani kaga duwanaado.
Madaxweye Daa’uud; Marka hore miisaaniyadu ma ayna dhicine, waan u keydiney, si aysan ugu bixin meel aan ku habooneyn. Dhamaan dagmooyinkii aan isticmaalin miisaaniyadii kal hore, waxaan sannadkan u qodeynaa ceelal biyo oo laga bixinayo miisaaniyadii snadkii hore, tusaale ahaan gobolka Fiiq, dagmada Fiiq, Xamaro iyo Dhuxun waxaanu si dag dag ah uga qodeynaa 7 ceel biyood oo shirkadii qodi lahayd aan heshiiskii la galney. Isla miisaaniyadii kal hore, waxuu xafiiska Maaliyadu dagmooyinka ugu sameeyay nidaam ay u diyaarsadaan qorshayaasha, iyo tababaro sidii ay u maamuli lahaayeen mashaariicda, sidaasi darteed dagmadii qorshe iyo dhaq-dhaqaaq shaqo la timaada, miisaaniyadeeda oo idil waa loo siideyn, waxaanuna ku rajaweynahay, in sannadkan miisaaniyada la qoondeeyay aanu si haboon u wada isticmaali doono.
Eegga.com; Mashaariicda kale ee iyana socda, wax ma nooga sheegi kartaa?
Madaxweyne Daa'uud; Waxaa jirta inaan kordhiney saacadaha ay korontada isticmaalaan magaalooyinka waaweyn, waxaana Wakaalada Korontada aan ku heshiiney in korontada 24ka-saac ah ay magaalooyinka waaweyn ku geeyaan sannadkan gudihiisa, waxaa iyana garab socota in la billabey mashruuc in muddo ah u taagnaa amni xumo oo deegaanka koronto loogu sameynayo, lagana bilaabayo dagmada Xamaro. Sidoo kale, isla sannadka gudihiisa, waxaa dhammaan magaalooyinka deegaanka lagu dhameys tiridoonaa telefoonka Mobileka ah.
Eegga.com
By Editor - Posted on October 15th, 2009
Waxaa saaka Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga ka bilowday Qiimayntii rubuclaha ahayd ee lagu qiimaynayay waxqabadkii Rubuca 1aad (1st Quarter) ee sannad miidaaniyeedka 2002 ee Tirsiga Itoobiya. Qiimaynta waxqabadka ee rubuclaha waxaa si wadajir ah u sameeya Wasaaradaha heer federaal ee gacan siiya kililka, iyo Wasaaradaha Heer Degaanka ee dhinacyada Horumarinta iyo maamulka sagaalka Gobol. Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Dhamaan maamulka dawlad Degaanka Soomaalida iyo Masuuliyiin heer Federaal ah oo uu hor-kacayo Abaay Saahay, oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Wasiiro Ku Xigeeno Heer Federaal ah oo uu ka mid yahay Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Federaalka Mudane Bashiir Cabdulaahi Caydaruus. Wasiirka Waxbarashada Federaalka Mudane Demeke Mekonnen. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Federalka Mulugeta. Wasiir Ku Xigeenka Beeraha ee Federaalka Mituku
Waxaa hada la dhagaysanayaa warbixinada horumarinta oo ay soo jeedinayaan gudoomiyaasha sagaalka gobol.
Sida ay warbixintooda ku sheegeen, dhinaca waxbaarshada waxay warbixinta Goboladu ku sheegeen in Qorshaha dadaalkii ay DDS ku rabtay coverage waxbarashada wuxuu ahaa inay sannadkan gaadhsiiso 65%, balse waxay warbixinta ku sheegeen in baaxada gaadhsiinta Waxbarashada aasaasiga ah ee degmooyinka iyo gobolada qaarkood ka ay rubucan gaadhsiiyeen 70%.
Shirkan Qiimaynta Rubuca 1aad ee Sannad-Miisaaniyeedka 2002 TI (Tirsiga IToobiya) ayaala filayaa inuu sii socon doono ilaa dhawrka maalmood ee fooda inagu soo haya
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on October 21st, 2009
Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa u kiciitimay Magaalada Awasa ee caasimada u ah Degaanka Shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya. Mdaxawayne Daa'uud Maxamed Cali ayaa la sheegayaa inuu Awassa kaga qayb-gali doono kulan loogu gogol xaadhayo xuska maalinta Xoolo-Dhaqatada Itoobiya oo sannadkan 2002 ee Tirsiga Itoobiya lagu qaban doono Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga. Waxaa la sheegayaa in booqashada madaxwaynaha ee Degaanka Shucuubta Koonfureed uu madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali ku maqnaan doono muddo todobaad gaadhaysa. Waxaa kaloo wararku ay ku darayaan in Xilka Madaxwaynaha uu u sii wakiishay Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidoo kale, waxaa dhawaanahan Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida lagu arkay is-badal wanaagsan oo ay ka sameeyeen dhinaca dadka xilka laga qaado in isla markaaba la shaqaaleeyo oo lagu hawl-galiyo cilmiga iyo aqoonta ay soo barteen inay dadkooda ugu adeegaan. Sida la wada ogsoon yahay, waxaa hore Xukuumadaay u shaqaalaysay Suldaan Cabdi Cali Shagax iyo Rashiid Xaaji oo hore uga tirsanaan jiray hogaaminta sare ee Xisbiga talada haya ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida.
Hadaba, waxaa maanta la shaqaaleeyay Mudane Axmed Carab Aadan oo todobaadkii hore laga qaaday xilkii Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Dhaqanka ee Degaanka Soomaalida, iyo waliba Xoghayntii Xisbiga XDSHS. Waxaa kale oo Axmed Carab todobaadkii hore laga saaray Xubinimadii Guuddiga Fulinta iyo Gollaha Dhexe ee XDSHS ee uu ka midka ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta Axmed Carab oo aqoontiisu tahay Economics lagu shaqaaleeyay booska La Taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida. Waxaa halkaa laga garanayaa in ay xukuumada haatan jirta ay daruuri u aragtay in qofka lagu tix galiyo aqoonta uu soo bartay una saamaxdo inuu ugu adeego bulshadiisa.
Sida illo u dhaw dhaw Xukuumada Degaanka ay inoo soo tabiyeen, waxaa haatan horumar weyn laga sameeyay in maamulka haatan ka jira Degaanka Soomaalida uu garawsado inuu aqoonyahanka u saamaxo sidii ay ugu shaqayn lahaayeen meesha ay wax ka qaban karaan xataa hadii ay hore ugu fashilmeen shaqo kale. Taasina waa muhiim oo shaqsiga waxaa laga yaabaa hadii uu meel ku fashilmo inay jiri karto meelo kale oo uu wax ka qaban karo.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on October 28th, 2009
Shirkad ganacsi oo ka shaqaysa beeraha oo ay leeyihiin hantiilayaal u dhashay dalka Israa'iil oo la yidhaahdo AgroPeace Bio Ltd ayaa maanta lagu wareejiyay dhul beereed gaadhaya 3,000 oo hektar oo ku yaala duleedka Degmada Shiniille ee xarunta u ah Gobolka Shiniile. Sida uu noogu soo waramayo, wariyaha Shabakada CakaaraNews ee gobolka Shiniile waxaa maanta wafdi ka socda Dawlad Degaanka Soomaalida oo uu hor-kacayo Madaxa xafiiska Maalgalinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Qalbi Axmed Jaamac, iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlada Federaalka Itoobiya Ambasador Maxamuud Dirir, iyo hantiilayaasha u dhashay dalka Israa'iil.
Beryahan danbe waxaa Degaanka Soomaalida ku soo kordhaya maalgashiga dibada laga leeyahay iyagoo maaliyad fara-badan ku maalgalinaya dhulka Dawlad Degaanka Soomaalida.
Sida uu Madaxa Xafiiska Maalgalinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Qalbi Axmed Jaamac uu u sheegay waxay shirkadan AgroPeace Bio ay ku maalgalinaysaa Degmada Shiniile lacag dhan 150,000,000 US$ (boqol iyo konton malyan oo Dolarka Maraykanka ah).
Shirkadan AgroPeace Bio Ltd oo ah shirkad maalgashi oo dibada laga leeyahay ayaa heshiis la galay Xafiiska Maalgalainta ee Dawlad Degaanka Soomaalida iyo maamulka Degmada Shiniile ayaa lagu wadaa in la siiyo dhul beereed dhan 50,000 oo hektar oo ay ka sameeyaan beeraha lagu beero dhirta midhaha loo yaqaano Castor Hybrid oo laga tuujiyo saliid loo adeegsado shidaal ahaan.
Sida uu noo sheegay, Mudane Qalbi Axmed waxaa ay haatan ku wareejiyeen dhul beereed dhan 3,000 oo hektar iyadoo dhawaana lagu wareejin doono dhulka kale ee sida uu heshiisku dhigayo u hadhsan.
Waxaa kale oo dhulka la siiyay Shirkada AgroPeace Bio Ltd ku jira dhulkii ay ka dhisan lahayd Warshad Oil Extraction Facility iyo xarun u noqota Logistics Center.
Wafdiga maanta oo booqday dhulka lagu wareejiyay Shirkada AgroPeace ayaa waxay aad ula yaabeen dhirta midhaha Castor Oil ee ay hantiilayashaasi halkaa ka beereen oo dadka ka qayb galay ee Degaanka Soomaalida u dhalatay ay ku tilmaameen in dhirtani ay waligood ba yaqaaneen balse ayna ogayn muhiimada shidaal ee ay leedahay.
Galit Levit oo ah Maareeyaha Maamulka iyo Lacagta ee AgroPeace ayaa isaguna geestiisa CakaaraNews uga sheegay in dhul-beereedka ay Degaanka Soomaalida ka heleen uu yahay mid aad ugu haboon beerista midhaha castorka.
Wuxuu Mudane Levit sheegay in xaddiga saliida ee ku jira midhaha castorka ee ay ku tijaabiyeen Degmada Shiniile inuu yahay 50-55% oo saliid ah. Wuxuu kaloo Levit intaa raaciyay in halkii hektarba ay ka soo go'ayaan 1188 Kg oo midhaha Castorka ah ama saliid gaadhaysa 1413 Litir.
Sicirka saliida ee dhawaanahan cirka isku shareeray ayaa waxaa dunida horumartay ku kalifay inay raadiyaan ikhtiyaaraad kale oo lagaga kaaftoomi karo isticmaalka shidaalka oo badankiisu laga soo dhuro ceelal ku yaala dunni aan xasiloonayn oo u badan Gobolka Bariga Dhexe.
Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya nacaybka ay bulshada caalamka u qabto shidaalka madoow ee batroolka iyo waxa la halmaala kuwaasoo dhibaato wayn u gaysta cimilada iyo hanaanka bii'ada. Khubarada ku xeel-dheer dhaqaalaha tamarta ayaa iyagu sheegaya in abuurista shidaal nadiif ah sida Saliida Castorka ay wax wayn ka tarayso dhimista qiiqa hawada galaya.
Dhimista qiiqa hawada wasakheeya ayaa loo tiriyaa inuu yahay sababta ugu wayn ee keentay heer-kulka sii kacaya ee ku yimid koonkan aanu ku nool nahay.
Dhinaca kale, waxaa rajo wanaagsan haatan ay ka abuurmaysaa xaalada wacyiga dadka ku nool Degaanka Soomaalida oo soo fahmaya muhiimada ay leedahay in dhulka la maal-galiyo.
Sida aan wada ogsoon nahay, shacabka Degaanka Soomaalida ku nool oo u badan xoolo-dhaqato ayaa fikir khaldan ka aaminsanaa in dad kale oo ka baxsan beeshooda la dajiyo dhulka ay reer ahaan u dagaan, balse waxaa haatan ay shacabku soo fahmayaan in dhul banaan oo ayna wax manaafacaad ah uga soo go'aynin ay dhaanto in loo maal-galiyo oo ay helaan fursado shaqo oo ay ku kabaan noloshooda.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on November 3rd, 2009
Shir lagu falanqeenayay dhobaatada ka dhalata la dagaalanka koontorobaanka ayaa lagu qabtay Caasimada Dawlada degaanka Soomaalidsa ee Jigjiga. Shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen Maareeyaha Guud ee Xafiiska Kastamka ee Federaalka, Komishinerka Federaal Booliska, Wasaarada Ganacsiga, iyo Madaxa Booliska Finansiga ee Federaalka, waxaa dhinaca Degaanka Soomaalida ka qayb galay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida, Mudane Daa'uud Maxamed Cali, Hogaanka Nabadgalyada Maamulka & Cadaalada, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Xafiiska Cadaalada, Xafiiska Dakhliga, Xafiiska Xeer Ilaalinbta Guud & Cadaalada, Komishinka Booliska Degaanka Soomaalida iyo Xafiiska ganacsiga ee Degaanka Soomaalida.
Shirkaasoo ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa la dagaalanka kontorobaanka iyo sidii loo sixi lahaa dhibaatooyinka ka jira dhanka kontorobaanka. Waxaa shirkaa lagaga wada hadlay sidii loo xalin lahaa cabashooyin fara badan oo ay ka mid ahayd dad lagu dilay kootorobaan. Arrintaas oo Dawlad Degaanku ay aad uga gaws-qaniintay ayaa waxaa loo saaray guddi waxaana la isla qaatay in hawsha la dagaalanka kontrobaanku ay yeelato Central Command oo ka koobnaan doona dhmaan stock-holderada sida xafiisyada Degaanka ee Heer federaal. Waxaa guddigaas oo ka kooban xubnaha aan soo sheegnay oo ay kamid yihiin Xafiisyada Kamtamka, Immigrationka iyo Booliska Federaalka loogu tala galay inay xaliyaan dhibaatooyinka, waxaa gudoomiye looga dhigay Hogaanka Maamulka Cadaalada iyo Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamed Cumar.
Guddigan oo hada wixii ka danbeeya isku xidhaya arrimaha cabashada iyo dawlada Federaalka, waxaa lagu ansixiyay inuu hawlgalo sida ugu dhakhsaha badan.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on November 4th, 2009
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud & Cadaalada ee Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday inay dabagalkii ay ku hayeen soo celinta lacago cadadkoodu gaadhayso 5, Milyan oo Birr. Waxaa sidoo kale uu Xafiiska Cadaalada uu sheegay in qandaraas lagu bixiyay in lagu sameeyo Master Planka Magaalada Qabri-Dahar oo cadadkeedu dhamayd 3 Milyan oo Birr la la' yahay meel ay ku danbaysay. Waxaa ay sheegeen in qandaraaskaas uu qaatay nin la yidhaahdo Duraan Fidaar.
Waxaa sidoo kale, uu Xafiiska Cadaalada uu sheegay in ay heleen cadaymo muujinaya musuqmaasuq la xidhiidha lunsi lacageed oo lagu qaato magacyo iyo shirkado been-abuur ah oo hadhoow ay adag tahay meel loo raaco. Qisooyinka ugu mucjisada badan waxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud & Cadaalada ku sheegeen in nin qandaraasle ah oo la yidhaahdo Axmed Nuuriye oo Xafiiska Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga ka qaatay lacag dhan 3 Milyan oo Birr oo haba yaraatee, wax uu qabtay ayna jirin. Waxaa Xafiisku sheegay in maanta ay Axmed Nuuriye amar lagu siiyay in lacagaha ku maqan uu saddex cisho gudahood ugu soo shubo qasnada dawlada.
Xafiiska Xeer Ilaalinta & Cadaalada waxay sheegeen in baadhitaankii Xafiiska Hanti-Dhawrka ee shirkadaha Arwaaxda ah "Ghost Companies" uu soo dhamaystiray, waxa haatan u yaalana ay tahay in Fasaxa Maxkamadeed loo soo qaato (Arrest Warrant)
Xigasho Cakaaranews
By Editor - Posted on November 7th, 2009
Wafdi uu hoggaaminayo, Madaxweynaha DDS, Mudane Daa’ud Maxamed Cali oo maalmahanba kormeer shaqo ku joogey Gobolka Godey, ayaa maanta soo booqdey Mashruuca Waraabka ee Galbeedka Godey. Madaxweyne Daa’ud oo ay weheliyeen masuuliyiin ka socota dawlada Federaalka, ayaa markii ugu horeysay soo arkey goobta biyo xidheenka laga sameeyay iyo waliba halka la dajiyey in ka badan 3000 oo qoys oo u dhasey deegaanka Soomaalida. Mashruucan oo ay xukuumada deegaanka iyo tan federaalkuba ahmiyad gaar ah siiyeen, ayuu sida la sheegay Madaxweynuhu maanta ballan qaadey inuu kordhin doono dadaalka xukuumada deegaanka ee ku aadan mashruuca Galbeedka Godey, si loo gaadho ujeedadii laga lahaa.
Wafdiga oo mudo saddex maalmood ah, safar dhulka ah ku soo marey dagmooyinka Qallaafo, iyo Mustaxiil, ayaa la filayaa inay kormeerkooda shaqo soo gaba gabeeyaan maalmaha soo socda.
Eegga.com
Godey
By Editor - Posted on November 8th, 2009
Shir ay isugu yimaadeen Hogaamiye Dhaqameedyada, Garaadada, Ugaasyada, Salaadiinta, Caaqilada, Nabad-doonada, Cuqaasha, iyo odayaasha bulshowaynta Soomaalida ee ku dhaqan Degaanka Soomaalida ayaa maanta ka dhacay Xarunta Shirarka ee Xafiiska Arrimaha Haweenka ee DDS.Kulankan oo gogoshiisa ay dhigeen hogaamiye dhaqameedyada beesha Absame oo ay hor kacayaan Garaad Maxamuud Dool Xirsi & Ugaas Maxamuud Axmed Siciid waxaa ay ku cambaareeyeen aflagaadada iyo xumaanta dadka sheeganaya magaca beelaha Degaanka Soomaalida dagan ay ku samaynayaan dadka reer Puntland. Waxaa shirkan lagu lafa-guray wax ay ku tilmaameen xumaanta iyo sharka ay kooxaha nabad-diidku ka dhex wadaan beelaha walaalaha ah ee qowmiyada Soomaalida. Shirkan oo ka dhashay warar idaacadaha qaarkood laga sheegayay dhawaanahan oo sheegayay in beesha Absame ay cadaawad ula taagan tahay beelaha Soomaaliyeed ee dagan Puntland ayaa waxay hogaamiye dhaqameedyada ku sheegeen inayna waxba ka jirin.
Odayaashaas kulanka isugu yimid waxay sheegeen in dadka dibadaha ka hadlaya ee ku faanaya inay cadaawad iyo fidno ka dhex abuuraan dadka wada dhashay ee ku nool Puntland iyo Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayna matalin shacabka Degaanka Soomaalida, balse ay yihiin budhcad iyo budhcad kalkaal aan wax wada dhalasho iyo xidhiidh ah aan la lahayn shacabka Degaanka Soomaalida.
Odayaasha kulankan ka hadlay oo aad u fara badnaa ayaa waxay Dawlada Maamul Goboleedka Puntland ka codsadeen in loo soo dhiibo dambiilayaasha dhiiga iyo dhagarta ka galay shacabka Degaanka Soomaalida guud ahaantii, gaar ahaan shacabka beesha Ogaadeenka ee ku nool Degaanka Soomaalida.
Garaad Maxamuud Dool Xirsi oo furitaankii kulankan ka hadlay ayaa carabaabay in dambiilayaashaas laga qabtay maamulka Goboleedka Puntland ayna ahayn Ogaadeen balse ay yihiin cadawga Ogaadeenka iyo Soomaalida kaleba. Garaad Maxamuud Dool oo ku hadlaya magaca beesha Absame ee gogosha dhigtay ayaa tilmaamay in nimankaasi ay dhibaato iyo waxyeelo wayn ku hayeen shacabka Degaanka Soomaalidaiyagoo dilay dad fara badan oo tiradoodu ka badan tahay 1500 oo qof oo maati ah, oo isugu jira Odayaal, dhalinyaro, caruur, hooyooyin, cuqaal, iyo aqoon-yahan, isla-markaana gubay hanta iyo gawaadhi fara badan oo xataa qaar ka mid ahi ay lahaayeen dad u dhashay Maamul Goboleedka Puntland.
Sidoo kale, Ugaas Maxamuud Axmed Siciid ayaa sidoo kale sheegay in dambiilayaash lagu hayo Puntland ay yihiin kuwii ka danbeeyay dilka ugaasyo, salaadiin, cuqaal, wax-garad, iyo indheer-garad ku jiray beesha Ogaadeen.
Nabad-Doon Xaaji Gaboobe Daahir Nuur ayaa sidoo kale cambaareeyay dadka xumaanta iyo fidnada ka dhex abuuraya shacabka wada dhashay ee walaalaha ah. Wuxuu Nabad-Doon Gaboobe tibaaxay in dambiilayaasha budhcada ah ee lagu qabtay Puntland ay yihiin shuftada iyagoo ka tirsan budhcada nabad-diidka dilay dad biri-ma gayda ah oo ay ka mid yihiin, Suldaan Ibraahim Cali Saafi, Ugaas Muxumed Luqun-Dhure, Nabad-doon Kadawa iyo kuwa kaloo oo badan. Hogaamiye dhaqameedku waxay sidoo kale sheegeen in nimankaasi ay qudha ka jareen culimo-u-diin iyo hooyooyin fara badan.
Suldaan Aadan Yuusuf Taani ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada ay dadka ku hayaan budhcada nabad-diidka, wuxuuna tilmaamay in ay tahay wax lagu qoslo dadka maanta dambiilayaasha sida Cabdi Teerso iyo Faseex Cataab yidhi waa arday fasax ku tagaysay dhulkoodii. Wuxuu Suldaan Aadan Yuusuf Taani uu kulankaas uga sheekeeyay dhacdooyin murugo leh oo uu u soo taagnaa oo ay ku kaceen nimankaas budhcada ah, wuxuuna maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ka codsaday in ayna u nuglaanin beenta iyo borobogaandhada ay qawlaystada nabad-diidka ahi meelaha ka tidhaahdo.
Ugu-dambaystii waxay Hogaamiye dhaqameedka beesha Ogaadeen ka codsadeen, culimo-u-diinka, shacabka, iyo masuuliyiinta Dawlada Maamul Goboleedka Puntland inay eedaysanayaashaas u soo dhiibaan maamulka Dawlad Degaanka Soomaalida si maxkamad cadaalad ah loo saaro. Baaqii ka soo baxay kulankaas iyo uuqaalka shirka oo video ah ayaa shabakada CakaaraNews idiinka soo baahin doonaa, iyadoo sidoo kale muuqaalkaas laga heli karo bogga Shabakada CakaaraNews ku leedahay Mareegta YouTube.
Xigasho; CakaaraNews
By Editor - Posted on November 11th, 2009
Wararka ka imanaya dagmooyin dhawr ah oo ka tirsan deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in dagaallo dhex marey ONLF & Booliska Gaarka ah ee DDS, jab weyn loogu gaystay shuftada lagana diley 200 in ka badan. Booliska Gaarka ah oo sida wararku sheegayaan helay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ONLF, isla markaana diyaar garow ka sameeyay goobihii ay marayeen, ayay u suurto gashey iney ka il-helaan dharbaaxo xoog lehna ku dhuftaan shuftada sii dabar go’aysa ee Ina Cumar Cismaan.
Aagga jabka ugu ba’an loogu geystay ONLF, ayaa lagu waramayaa inuu yahey dagmada Xamaro oo lagaga diley 50 shuftey, sidoo kalena laga furtey dhammaan wixii saanad ahaa ee ay wateen.
Halkan Ka Daawo Cajalad Muuqaal ah oo Muujineysa Jabka Loo Gaystay
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on December 6th, 2009
M/weynaha Eriteria, Isayas Afewerki, ayaa sheegay inuu sameyn doono urur cusub oo lagu midaynayo dhamaan ururada mucaaradka ku ah dawlada Ethiopia. Isagoo u waramaya wariyaha shabakada ururka Axmaarada ee Ethiopian Review, ayuu sheegay Isayaas in loo baahanyahey in la sameeyo hal urur oo ujeedo mideysan leh, si dhkhsa ahna loo sameeyo inta kahoreysa sannadaka 2010. Isayaas oo ah shakhsiga sida dadban u xukuma ururadan uu isu keenayo, ayaa sheegay inuu badali doono hogaaminta ururada, isagoo ku tilmaamey kuwo daalan oon dagaal awoodi karin.
Admiral Mxamaed Cumar Cismaan ayaa la sheegayaa in loo ballan qaadey guri weyn oo villa ah oo ku yaalla magaalada xeebta ah ee Musawac, iyo lacag $150,000 si uu markaasi xilka ururka ugu wareejiyo, Abdirahman Maadey. Qorshaha Isayas Afewerki ayaa u muuqda mid aysan ONLF diidi karin. Isayaas ayaa sidoo kale sheegay in hoggaaminta ururadan aysan dib danbe ugu noqon doonin Europe iyo meelahay ka yimaadeen.
Ururka ONLF oo awalba taageerayaashiisu u badnaayeen kuwo qabyaalad u taageera, ayaa isbadalkani ku keeni doonaa in xubno badani ka baxaan hadii ay meesha ka waayaan cidii ay aanaysanayeen.
Eegga.com
By Editor - Posted on December 23rd, 2009
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey, ayaa dawlada Eriteria ku soo rogey cunaqabateyn, sabab looga dhigey hubeynta ay Eriteria hubeynayso kooxaha carqalada ka wada geeska Africa. Shir uu Golaha Amaanku yeeshay maanta oo Arboco ah, ayuu xayiraad ku soo rogey in dawlada Eriteria hub ay soo gadato, ama laga gato, iyo waliba hanti badan o ay leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado Eriteria xidhiidh la leh.
Qaraarka cunaqabateynta lagu saarey ayaa dawlada Eriteria ku amrey iney joojiso hubeynta dhamaan kooxaha xasilooni darida ka wada geeska Afrika.
Xigasho; VOA
By Editor - Posted on December 25th, 2009
Wasiirka Arrimaha Dibada Dawlada Ethiopia; Seyoum Mesfin, ayaa sheegay in wasaaradiisu dadaal badan ugu jirto soo jiidashada qurba-joogta u dhalatey wadanka Itoobiya, siday uga qayb qaadan lahaayeen horumarka wadanka ka socda. Isagoo ka jawaabaya su'aalo ay weydiiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Itoobiya, ayuu Seyoum sheegay, in wasaarada Arrimaha Dibadu shaqo badan ka qabatey sidii ay qurba joogta u dhalatey Ethiopia uga qayb qaadan lahayd nabadgalyada iyo horumarka ka socda dalka. Sidoo kale, ayuu Seyoum sheegay in wasaaradiisu ku dhiirigalisey in Itoobiyaanka qurbaha ku nooli ay maal-gashadaan dalkooda, wuxuuna carrabka ku dhuftey, in ilaa hada ay qurba joogtu dalka ku maal galiyeen lacag kor u dhaafeysa 17-Billion oo Birr.
Halkan Ka Daawo muuqaal, ka waramaya sida Dawlad Deegaanka Herarida ay u maalgashadeen qurbajoogta u dhalatey.
Xigasho; ENA
By Editor - Posted on December 26th, 2009
Guddoomiyeyaasha sagaalka gobol ee Deegaanka Soomaalida, ayaa soo gaba gabeeyay
safar aqoon korodhsi ah oo ay mudo todobaad ah ku soo mareen Deegaanka Qawmiyada
Tigreega.Safarkan oo ujeedadiisu ahayd, sidii ay maamulada gobolada Deegaanka
Soomaalidiu waaya aragnimo uga soo qaadan lahaayeen tallaabooyinka ay deegaannada
kale ka qaadeen dhinacyada kala gadisa ee horumarika, sida waxbarashada, caafimaadka,
beeraha, biyaha, iyo waliba sida ay u wada shaqeeyaan heerarka kala duwan ee
maamulka, heer deegaan ilaa qabalee, ayey guddoomiyeyaasha gobollada Soomaalidu
soo mareen magaalooyinka Axum, Shire, Adigrat iyo Meqale. Markii ay soo
dhameysteen safarkoodii waxaa casho sharaf habeenimadii Sabtida ahayd u sameeyey
Dawlada Deegaanka Tigreega, intii aysan wafdiga Soomaalidu u so anba bixin Addis
Ababa.
Eegga.com
Addis Ababa
By Editor - Posted on December 27th, 2009
Kooxda budhcada ah ee ONLF, ayaa todobaadkii la soo dhaafey dab sudhey afar tuulo oo
ka tirsan dagmada Xamaro ee gobolka Fiiq, kadib markii ay shacabkii halkaasi daganaa
ka dhaceen wixii raashin ahaa ee ay haysteen. Xogtan oo ay na soo gaadhsiiyeen
shacabkii halkaasi laga soo bara kiciyay ehelkoodii ay la soo xidhiidheen, ayaa naloogu
sheegay tuulooyinka ay ONLF gubtay iney kala yihiin; Waldaye, Hora-Haween, Haar-
Dhagax iyo ceelka Laba-Darre.
Dadka guryihii ay daganaayeen iyo hantidoodii la gubey, ayaa sheegay in kooxda ONLF
ee dabka sudhay tuulooyinka ay ku eedeeyeen shacabka ku nool nawaaxiga Xamaro iney
gacan ku siiyeen Liyuu Booliska jabkii uu bishii hore u gaystey ONLF. Shacabka la bara
kiciyey ayaa sidoo kale sheegay inay kooxdii dabka galisey tuulooyinka ku hanjabayeen
iney wada gubi doonaan dhamaan tuulooyinka Xmaro, dadka dagana ka wada qixin
doonaan.
Dhanka kale, isla todobaadkii hore, waxay ONLF ku gubtay meel u dhexaysa Dhuxun
iyo Xamaro, laba gaadhi oo dad shacab ah u raran iyagoo halkaasi ku dilay
mulkiilayaashii labada gaadhi oo u dhashay Somaliland.
Tallaabooyinka naxariis darrada ah ee noocan ah ayey dad badani ku tilmaamayaan iney
tahey qorshe ay ka danbeyso dawlada Eriteria oo adeegsaneysa calooshood u
shaqeystayaasha ONLF.
Eegga.com
Fiiq
By Editor - Posted on January 11th, 2010
Kulan maanta uu Madaxweynaha DDS, Mudane Daa’ud Maxamed Cali magaalada Jigjiga kula yeeshay
ganacsatada deegaanka Soomaalida, laguna gorfaynayey xaalada ganacsatada deegaanka
ee qandaraasyada ka qaata dawlada, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ay xukuumadu
mudnaan gaar ah siin doonto ganacsatada. Qiimeyn iyo daraasad lagu sameeyay kadib,
ayaa ganacsatada ama qandaraaslayaasah loo qaybiyey saddex heer. Qaybta koobaad, oo
ah shirkadaha, waaweyn ee shaqooyinka sida fiican uga soo baxa, isla markaana leh
awood ay ku fuliyaan mashaariicda ay qaataan, ayuu Madaxweyne Daa’ud sheegay in
dawladu si gaar ah isu garab taagi doonoto.
Qaybta labaad oo ah heerka ay shirkadaha deegaanku u badanyihiin, ayaa lagu booriyey
iney tayadooda kor u qaadaan, isla mar ahaantaana sameystaan xafiisyo iyo shaqaale
fuliya hawlaha shirkadaha. Heerka sadexaad oo ah shirkadaha ay ku adkaatay iney
fuliyaan mashaariicda ay qaateen, ama tabartoodu hoosayso, ayaa lagula taliyey inay
shaqadooda ku koobaan hawlaha ay ka bixi karaan oo kaliya inta ay ka yeelanayaan
awood wanaagsan.
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on February 15th, 2010
Waxaa dhawaantan Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay wafdi ka socda qurbo joogta u dhalatay Degaanka Soomaalida ee ku nool cariga Maraykanka.
Wafdigaas oo ka kooban xubno Qurbo joog ah oo door libaax ka qaatay baraarujinta walaalahooda qurbo joogta ah iyo isku xidhka sidii qurbo joogtu ay u maalgashan lahaayeen degaanka ay u dhasheen ayaa waxaa ka mid ah Mudane Maxamuud Sheekh, Badri Yuusuf Ciise iyo Maxamuud Cabdi Cali oo ka wada tirsan ama xubno ka ah ururka jaaliyada ee Somali Ethiopian Economic & Cultural Development Association ee ka jira Minnesota, USA.
Waxaa kale oo xubnahani ay ahaaayeen aasaasayaashii idaacada la iska arko ee Jigjiga TV ee ka jirta Minnesota.
Waxaa kale oo xubnahan yimid ka mid ah Mudane Cumar Dool oo ka tirsan qurbo jooga doorka wayn ka ciyaaray hirgalinta maalgashiga ay xubnaha dibadaha ku nool ka sameeyaan Degaanka Soomaalida.
Waxaa kale oo wafdigan la socda Mudane Bashiir Garaad oo degan Magaalada Seatle isagoo lixdii sanno ee u danbeeyay si aad ah uga shaqeeyay hogaaminta jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Washington.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on February 22nd, 2010
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Beeraha iyo Horumarinta Reermiyiga ee Dawlafa Federaalka Itoobiya,Mudane Bashiir Cabdilaahi Caydaruus, ayaa booqasho kusoo maray dagmooyin katirsan Gobolka jigjiga iyo shiniile kuwaasoo ay ka socdeen mashaariicaha horumarinta waraabka dalagyada beeraha. Mudane Bashiir Cabdilaahi Caydaruus ayaa kulamo kaladuduwan layeeshay bulshada beeralayda Qabaleeyadaas, Jafi Baadi oo katirsan Dagmada Jigjiga iyo Dagmada Erar kuwaasoo dalagyo kala gadisan ka beertay goobahaas. Mashaariicda Dagmada Erar kasocday ayaa waxaa kamid ah mashruuca taakulaynta waaxaha beeraha ee (Agriculture Assistance Sector Project ) oo kawada dhismaha kali biyoodyo waraabiya beeraha oo dhareerkoodu dhanyahay 1.5 km fogaan ah
Masuulku mar uu ka hadlay ujeedada booqashadiisan ayaa wuxuu noo sheegay in Wasaarada Beeraha iyo Horumarinta Reermiyiga oo kaashanaysa xafiiska Beeraha ee DDS, inay kafuliso laba mashruuc oo kala gadisan, kuwaas oo haayadaha Deeq bixiye yaasha ay fangareeyaan, kuwaasoo kashaqeeya horumarinta waraabka taas oo labadan degmo ay caan kuyihiin falashada beeraha kuwaas oo sarac ama midho aad ubadan soosaara.
Kuwaas oo la odhan karo in ay xirfad aad ubalaadhan uleeyihiin dhinacyada beero falashada dhamaan deegaanka.
Sidoo kale waxay labaduba qani kuyihiin waxsoosaarka waraabka beeraha
hadaba si aay tani uhirgasho waxaa loo bahan yahay sidii marin miyoodyo ama maangadyo biyo mareeno ah oo casri ah loogu samayn lahaa
kuwaas oo labada degmaba ay leeyihiin dur duro dabiici ah taas oo biyahaas looga faa'iideyo loogu sameeyo marinbiyoodyo ama maangadyo casri ah kuwaas oo qaabdhaqanyo aan casri ahaan u isticmaalijireen aqoon iyo kaalmo logu casriyeeyo loogu dhisilahaa.
Markaas hadii aan tusaale usoo qaadano kanaal kani oo dhererkiisu yahay 1.5 km oo waraabin karaya beero aad ufarobadan ayaa waxaa uu masuulku sheegay in ay uqorshaysan dhismaha marin biyood dhararkiiskuana yahay ilaa 4km
Masuulku isagoo hadalkiisii sii wadaya ayaa waxa uu yidhi kaqaybgalka hawlahan waxaa kaalin sare kaqaatey bulshada beeralayda ah ee deganka Erar muruq iyo maalba galiyayay dhismaha marinbiyoodkan.
Dhanka kale waxaa uu wasiiru dawluhu sheegay inuu aad ugu riyaaqay beeralaydii qabaleega Jafi Baadi ee degmada Jigjiga oo iyakuna biyaha iyo durdurada kasoo baxa buuraha deegaankaas sidii larabay uga faa iidaystay dhinaca waraabka beeraha wuxuuna u cadeeyay in dhinaca waraabka beeraha loo casriyaayay
Taas oo ay keentay in waxsoosaar koodii shalay iyo maanta uu aad ukala duwanyahay waxaaney wasaaradu lagarabtaagan tahay gacankasiinta taageeraoyinka farsamada casriga ah ee beeraha laguna dhaadhiciyay shaqaalaha horumarineed ee beeraha
Ugu danbayntiina wasiiru dawluhu waxa uu sheegay in ay sidardar galin donaan iskaashi yada wasaarada beeraha xafiiska beeraha dalaga iyo xoolaha DDS ,
maamulada heerarkooda kalagadisan ee gobol degmo iyo qabalee sidoo kalena dadka ku dhaqan degmooyinkan una sii xoojin lahaayen horumarika dhinaca beeraha ee kasocda, isla markaasna ay baahinimadii iyo faqriga uga bixilahaayeen.waxaa kalu carabka
ku dhuftay in shacabka loo sugi doono damaanad qaadkooga cunto ee dhinaca waxsoosaarka beeraha.
sidoo kalena sidii noloshooda wax iskaga bedeli lahaayeen taasna shacabka wuu ubalanqaaday wasiiru dawluhu.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on March 3rd, 2010
Gudoomiye ku xigeenka budh-cada jaha wareersan ee ONLF, Maxamed Ismaaciil Cumar
ayaa soo gaadhey dalka Canada, isagoo dadaal ugu jira si uu u soo gacan marsado
taageerayaashiisa. Maxamed Ismaacil oo wareeg ku maraya qaarada waqooyinga
America, ayaa damacsan inuu been iyo borobagaando aan jirin sidii caadada ahayd lacag
kaga gurto qurba joogta aan ka war haynin waxyaabaha ka socda wadankoodii. Sidoo
kale waxaa qaarada Yurub iyaguna dadka martooda furanaya hogaamiyeyaasha
nabadiidka ee ku sugan halkaasi.
Kala soco Eegga.com halka ay ku danbeyso boobka ay shacabka ku hayaan kooxdan
cimrigoodii dhamaadey.
Eegga.com
By Editor - Posted on March 15th, 2010
Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo kaashanaya Xafiiska Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee DDS ayaa dhawaan aasaasay guddi isku dhaf ah oo looga dan leeyahay in lagu baadi-goobo halka uu ku danbeeyay maydkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.Guddigan oo loogu magacdaray Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayid Maxamed waxay bilaabeen shaqadooda bishii aynu soo dhaafnay, waxayna haatan sheegayaan inay natiijooyin wax ku ool ah ka gaadheen raad guristii ay ku hayeen halka uu ku danbeeyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sida uu Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ku sheegay war saxaafadeed lagu qabtay Xafiiska Mass Media Agency ee caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga, waxaa guddigan oo ka kooban khabiiro kala gadisan loo aasaasay inay darsaan isla markaana baadi-goobaan halka ugu danbaysay ee lagu aasay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sida la wada ogsoon yahay, waxaa Sayid Maxamed oo da'diisu 64 sanno jir ahayd uu ku geeriyooday Degaanka Soomaalida dhexdiisa, waxaana 21kii Bishii Decembar 1921 lagu aasay Buurta Sarmaan oo ku taala duleedka Iimeey Galbeed oo ka tirsan Gobolka Afdheer.
Waxaa xabaashii Sayidka maydkiisa laga saaray horaantii 1927, iyadoo ilaa haatan aan la garanayn meesha dhabta ah ee uu ku aasan yahay. Hadaba waxaa guddiga Baadi-Goobka oo shaqadooda ka bilaabay Degmada Iimeey Galbeed ay ilaa hada diiwaan galiyeen 22 goobood oo lagu tuhunsan yahay in Sayidku ku aasan yahay.
Hawl-Galka Baadi-Goobka
Muuqaal hordhaca oo ay soo daayeen Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayidka ayaa dhawaan loo qaybiyay unugyada saxaafada ee Degaanka Soomaalida.
Cajaladaas oo aan galinay Bogga CakaaraNews ayaa muujinaya waraysi dhawaan Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayidka ka qaadeen dad loogu tagay agagaarka Buurta Sarmaan.
Waxaa dadkaas ka mid ah oday da'diisu tahay 107 sanno jir oo la yidhaahdo Makaahiil Cabdulle Aadan oo isagu ka mid ahaa dhalinyaradii 1927dii ka qayb qaatay soo saarista maydka Sayidka. Waraysigan oo aad muhiim u ah ayaa muujinaya sheekooyin fara badan oo aan hore dadka taariikhda darsa ayna u ogayn.
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe wuxuu sheegay in hordhaca daraasaadka ay guddigu ilaa haatan heleen ay cadeeyeen in Sayidka laga yaabo inuu ku aasan yahay mid ka mid ah 22 xabaalood oo ku kala yaala saddex Dawlad Degaan oo kala ah Degaanka Soomaalida, Degaanka Orromiya, iyo Degaanka Shucuubta Koonfureed.
Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay inay ka codsanayaan qof Alla qofkii ka tirsan ama ka soo jeeda tafiirtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan inay ugu soo tabarucaan muunad hiddo-side (DNA), si loogu kala saaro lafaha ku jira dhawr & labaatankan xabaalood ee haatan la beegsanayo.
Mudane Guuleed Casoowe oo ka hadlaya sida ay suuro gal u tahay in maydka Sayidka loo soo celiyo hadii uu ku aasan yahay Degaan kale oo ka baxsan Degaanka Soomaalida, wuxuu sheegay in "Marka xogaha aan ilaa iminka helnay laga duulo, waxay 90% u eg tahay in Sayid Maxamed uu ku aasan yahay meel ka baxsan Degaanka Soomaalida, balse taasi nagama hor istaagayso inaan dalbano in dib loogu soo celiyo Xabaashii Sarmaan ee uu hore ugu aasnaa" ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.
Dib U Dhiska Qalcada Iimeey
Sida uu sheegay Mudane Guuleed Casoowe, waxaa xafiiska Hogaanka Nabadgalyada & Xafiiska Warfaafinta ay isku af garteen in si wadajir ah ay iskaga kaashadaan dib u dhisida Qalcadii Iimeey ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ku taalay dusha Buurta Sarmaan.
Qalcadan oo haatan la burburiyay ayaa waxaa wali buurta Sarmaan dusheeda laga arkaa raadkii & aasaaskii ay lahayd Qalcada Iimeey.
Qalcada Iimeey oo ahayd gabaadkii ugu danbeeyay ee uu dhisto Hogaamiyihii Daraawiishtii iyo bartii ugu horaysay ee lagu aaso Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxay ku taala meel strategic ah oo saaran qarka wabi Shabeele, halkaas oo uu u doortay muhiimada xeelad difaac & samatabax, maadaama ay leedahay hal kadin oo qudha oo marinka qalcada laga gali karo.
Sidoo kale, ayaa waxay Qalcada Iimeey ku taalay meel u dhaw biyaha Wabiga Shabeelle oo u saamaxayay inay si fudud u helaan biyaha ay ciidanku cabaan.
Guddiga isku Dhafka ee laga aasaasay labadan Xafiis ayaa soo bandhigay sawir ay ku tilmaamayaan inuu u eg yahay qalcadii Iimeey xilligii Sayid Maxamed Cabdulle xasan, waxayna Guddigu sheegeen inay damacsan yihiin inay qabtaan carwo lagu uruuriyo dhaqaale (fund-raising or teleton exhibition) si ay ugu helaan maaliyad dib loogu dhiso qalcadii Iimeey ee Buurta Sarmaan ku dul taalay.
Dhinaca kale, waxaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo cadadka lacageed ee ku baxaya hawsha dib u dhisida Qalcada Iimeey.
Ka Qayb Galka Muwaadinka
Wuxuu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran ee Liyuu Boolisku u yabooheen inay muruqooda kaga qayb qaataan dhamaan wixii shaqo ah ee looga baahdo hawsha dib iu dhisida Qalcada Iimeey.
Sidoo kale, waxaa Mudane Guuleed uu carabka ku dhuftay in wali qorshaha dib u dhisku uu yahay mid qabyo ah oo u baahan in kolka hore xukuumadu ay gaadho go'aan goobta Sarmaan looga dhigayo inay tahay Regional Heritage Site, si ay ugu sahlanaato in dib u dhiska loo guda galo.
Hadaanu nahay bahda CakaaraNews, waxaan dhamaan shacabka Degaanka Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba ku boorinaynaa in ay ka qayb qaataan dedaalka loogu jiro ilaalinta taariikhda & attaarta shacabka Degaanka Soomaalida, taasoo ah xil saaran qof kasta oo muwaadin ah oo jecel ilaalinta & kobcinta dhaqanka & hidaha dadkiisa.
Xigasho: CakaaraNews
By Editor - Posted on March 29th, 2010
Waxaa todobaadkii ina dhaafay Xafiiska Nabadgalyada ee Dawlada
Deegaanka Soomaaliyeed isu soo dhiibay wakiilkii ONLF u fadhiyey
magaalada Asmara ee wadanka Eriteria, Cabdullaahi Qaji. Wareysi
dheer uu siiyey Cakaaranews ayuu Cabdulahi Qaji ku faah faahiyey
sababaha ku kallifay inuu iskaga soo baxo ururka nabadiidka ah ee
ONLF oo u arko inuu yahey mid hoog iyo halaag u horseeday shacabka
deegaanka Soomaaliyeed. Cabdulahi Qaji ayaa uruka ONLF ka tirsanaa
in ka badan 18 sanadood wuxuuna ka mid ahaa xubnihii ONLF ee 1996
lagu qabtay Hargeysa.
Halkan Ka Daawo Wareysiga Cabdulaahi Qaji oo Maqal & Muuqaal ah
Eegga.com
Jigjiga
By Editor - Posted on March 31st, 2010
Gudoomiyaha X.D.SH.S Oo Sheegay In Doorashada Soosocota X.D.SH.S Soo Sharaxay 186
Musharax Oo Uu Soo Sharaxay Golaha Baarlamanka Ee Heer Deegaan. Gudoomiyah X.D.SH.S
Mudane Cabdi Fatax Sheekh cabdilaahi ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu
carabka ku dhuftay in doorashadan soosocta heer fedaraal iyo heer deegaan uu X.D.SH.S soo
sharaxay 186 musharaxa oo uu usoo sharaxay golaha barlamaanka ee heer degaan.
Gudoomiyaha X.D.SH.S waxa uu intaa ku daray in xisbigu 23 musharax uu soo sharaxay golaha
wakiilada shacabka ee barlamaanka heer federal isla markaana X.D.SH.S hal (1) musharax uu ka
sharaxay ismaamulka magaalada Diredawa.
Hadaba X.D.SH.S oo ka haya hogaaminta deeganka soomaalida wuxuu sanadihii u danbeeyey u
talaabsaday dib u habayn iyo hoos u dhaadhicin unugyada xisbiga oo la gaadhsiiyey ilaa iyo heer
tuulo.
Xisbiga oo hadafkiisu yahay nabadgelyo, horumar iyo maamul suuban wuxuu qorshihiisu yahay
in la siiwado adeegyada bulshada ee la gaadhsiinayo goob kasta oo ka mid ah deegaanka
soomaalida waxaana jira hawlo lagu dardar gelinayo in la dabaalo baahida dhinaca adeegyada
bulshada ee caafimaadka, waxbarashda, beeraha, xoolaha iyo biyaha.
Ugu danbayntii gudoomiyah X.D.SH.S Mudane Cabdifatax Sheekh Cabdilaahi waxa uu shacabka
deegaanka soomaalida ugu baaqay in ay ka qayb galaan hawlaha dhinaca doorashooyinka oo ah
xuquuq uu siiyay distuurka J.D.F.E taas oo ah inuu qofkasta oo muwaadin ah uu wax dooran
karo isla markaana la dooran karo sidaa awgeed wax shacabka deegaanka soomaalida ku dhiiri
galinayaa inay door muhiima ka ciyaaraan doorashada wareega afraad ee heer qaran iyo heer
deegaan.
Xigasho; Cakaaranews
By Editor - Posted on May 11th, 2010
Dadka u dhuun daloola masiibada nabad-diidka & mashaqada ay ku hayaan shacabka Degaanka Soomaalida ayaa ku tilmaamay sannadkii 2009 inuu ahaa sannadkii dhabar jabka budhcada, balse sannadkan 2010 oo weli bilow ah ayaa saadaashii waji cusub u yeelay oo ka dhigay sannadkan 2010 kii ay ubo baabií lahayd.Waxaa dhawaan Ciidamada Liyuu Booliska ee Degaanka Soomaalida ay hawlgalo balaadhan ka fuliyeen goobo fara badan oo ka tirsan Degaanka Soomaalida oo ay ku dhuumaalaysan jireen nabad-diidka shuftada ah ee ubo.
Hadaba, hawlgalada Ciidamada Liyuu Boolisku waxay cagta mariyeen oo ay baabi'íyeen, nabad-diid fara badan oo dhibaato badan ku hayay shacaka degaanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa guulaha ay gaadheen Ciidamada Liyuu Booliska ugu muhiimsanaa inay si fudud oo khasaare yar ay u cidhib tiraan hogaaminta nabad-diidka oo ay ku jiraan kuwa ugu mayalka adkaa ee dhawaan laga soo diray Xukuumada Kali Taliska ah ee Shacbiya.
Shaqsiyaadkan mayalka adag ee haatan Ciidamada Liyuu Boolisku ay dabar jareen, waa nabad-diidkii sida gaarka ahaa Ereteriya loogu soo tababaray inay fuliyaan siyaasada fad-qalalada, iyo xasilooni darada ah ee ay ka wadeen Geeska Afrika guud ahaantii, khaasatan Degaankeena Soomaalida & dalka Itoobiya. Waxay ashkhaastan si gaar ah u fuliyeen xasuuqyo aad u waawayn oo lagu gumaaday shacabka Degaanka Soomaalida sida kuwii lagu xasuuqay shacabka Garbo, Gunagado, & Cobole.
Shakhsiyaadkan waxay ahaayeen kuwo xataa ay Ereteriya sida tooska ah ula xidhiidhi jirtay, iyagoo aan xataa ka amar qaadan jirin, nabad-diidka duuga ah ama gaboobay ee hore u sii dhibaatayn jiray degaankeena Soomaalida. Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ahaa ninka la yidhaahdo Maxamed Rashiid oo haybtiisu ahayd Reer Diini Maxamed ayaa ahaa shuftay ay dawlada Ereteriya ku dhaarato, oo ay ku tilmaanto inuu astaan u yahay hogaaminta argagixisada mustaqbalka ee bilaa naxariista ah.
Sida wararku sheegayaan Shuftaygaas la yidhaado Maxamed Rashiid waxaa hogaaminta nabad-diidka ka dhaqdhaqaaqa Wardheer loo dhiibay kadib markii Ciidamada Liyuu Boolisku ay dileen Adeerkii Cabdulaahi Guudcade oo budhacada hogaaminteeda ka tirsanaan jiray.
Shakhsiyaadka Budhcada Mayalka Adag ee Bilaa Naxariista dadka ku gumaadi jiray ee hooyooyinka dooxi jiray, ee gabdhaha shabada ah kufsan jiray, ee caruurta dabi jiray, waxay ahaayeen kuwo ay Sirdoonka Argagixisada ee Kaligii Taliska Shacbiya si toos ah ugu xidhan oo ku amar ku taaglayn jiray xasuuqa shacabka ay ku hayaan. Waxaa nimankaa ka mid ahaa Faysal Caga Rog, Hure Kaamil, Macangag Haybe Maxamuud, iyo kuwii xataa hooyadood Dhagax-Buur ku dooxay Hudle Gamadiid, iyo argagixiso kale oo badan.
Hadaba inkastoo nabad-diidka ay labada todobaad ee na soo dhaaftay la dilay ay aad u badan yihiin, haatan waxaa Shabakada CakaaraNews la soo gaadhsiiyay liiska 20 shuftay oo ka mid ahaa hogaaminta nabad-diidka mayalka adag ee ay Ereteriya sida gaarka ah uga amar qadanayay. Liiskii oo aan idiin soo tabinay waa kuwa magacyadooda hoos ku taxan yihiin.
Nabad-Diidka Hogaaminayay Qaybaha Shuftada
1) Maxamed Rashiid Reer Diini Maxamed
2) Dayib Madoobe Abraahiin
3) Tiijar Reer Amaadin
4) Qorane Dhagacade Abraahiin
5) Hudle Gamadiid (Gorgor) Reer Afwaax
Nabad-Diidka Hogaaminayay Ururada Shuftada
1) Hure Kaamil
2) Lade Daahir Kaahin
3) Cabdi Xakiin Kaydsane
4) Haybe Maxamuud Cabdulaahi
5) Maxamuud Faarax Xaaji Warfaa
6) Xiis Rashiid Maxamed
7) Faysal Xiis Caga-rog
8) Cali Akaan Dheere
9) Cabdi Rashiid Cali
10 Ilkacase Mowliid Dheere
Nabad-Diidka Hogaaminayay Horimaha Shuftada
1) Maxamed Xaaji Wali
2) Amiin Sheekh Cali Cabdulaahi
3) Farxaan Maxamuud
4) Canjeex Maxamed Xaaji Reer Faarax Xirsi
5) Mukhtaar Maxamuud
Dhinaca kale, waxaa wariyaha Shabakada CakaaraNews ee gobolka Wardheer uu soo xaqiijiyay in nabad-diidkii ubo ee gacanta lagu dhigay dagaalkii lagu dilay shuftaygii Cabdikariim Sheekh Muuse ay haatan tiradoodu dhan tahay 8 xubnood. Waxaa wariyaha CakaaraNews uu sheegay in sideeda shuftay haatan loo soo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee magaalada Jigjiga.
Isla war kan oo kale ah ayaa wariyaha CakaaraNews ee Gobolka Dhagax-buur waxaa uu soo sheegay in 14 xubnood oo nabad-diidka ubo ee ka dhaqdhaqaaqi jiray inta u dhaxaysa Wardheer & nus-dariiq ay isku soo dhiibeen ciidanka Liyuu Booliska ee ku sugan Gurdumi.
Waxaa kale oo wariyaha CakaaraNews sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Dhagaxbuur Mudane Badal Xiis uu goob joog ka ahaa isa soo dhiibaistaas. Waxaa kale oo uu wariyuhu sheegay in nabad-diidka isa soo dhiibay ay sheegeen in dhabar jabkii ka soo gaadhay dagaalkii Marsin & Nus-dariiq ee dhawaan ciidanka Liyuu Booliska Liyuugoodu ay ku qaadeen uu aad u naafeeyay budhcada ubo.
Dhamaan wariyayaasha CakaaraNews ee gobolada kala duwan ka soo waramaya waxay isku waafaqsan yihiin in intii ay qalin jabiyeen ciidanka Cusub ee Liyuu Booliska Liyuugooda ay dardar galisay guulihii isdaba jooga ahaa ee lagu yaqaanay Ciidanka Liyuu Booliska isla wakhtigii la aasaasayba.
Gabagabadii, waxaa muran ku jirin in maanta ummada laga soo qabtay kuwii ugu darnaa nabad-diidka ee mayalka adkaa ee Kaligii Taliye Isias Afeworqu uu ku taamayay inay noqon doonaan hogaaminta carbisan ee Argagixisada bilaa naxariista ah ee ubo.
CakaaraNews
By Editor - Posted on June 4th, 2010
By Editor - Posted on June 4th, 2010
Waraysi ay maanta layeelatay shabagada CakaaraNews Wasiirka Waxbarashada DDS Mudane C/raxmaan Sh/maxamad (Guray) ayaa shaca ka qaaday in Maalinta bari ah oo Arbaca ah ay dhammaan dalka Itoobiya oo dhan ay ka bilaabanayaan Imtixaanaadkii Ardayda fasalada 10aad iyo 12aad, ayaa sidoo kale dhammaan DDS 9 ka Gobal ee uu deegaanku ka kooban yahay ay ka billaabanaysa. ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa ee kama dambaysta ah sannadkan 2010 ayaa tiradoodu kumanaan kor u dhaafaysa, iyadoo hadana malinta bariya aan filayno in Arday ka badan intii sannadkii hore ay gali doonaan Imtixaanaadkan bari ay ufadhiisanayaan.
Madaxa xafiiska mar aan wax ka waydiinay ardayda ayaa waxa uu kaga jawaabay sida tan, ardayda ku guulaysata Imtixaanaadkan ayaa isugu jiri doona kuwa hela heer Jaamacadeed iyo kuwo hela Kulliyado ay dawladu leedahay,Kulliyado khaas loo leeyahay oo lacagtooda ay ku dhigtaan iyo waliba fursado shaqo oo loogu qiimeyo shahaadada ay qataan,sidoo kalena ardayda aan helin Imtixaankan ay Nasiib u yeelanayaan inay dib ugu celinayaan Waxbarashadii sannadkaas, dabadeedna uu sannadka soo socda uu mar kale Imtixaanka ufadhiisanayaan marlabaad maadooyinkii uu ku hooseeyay.
Hadaba halkan waxaan ku eegaynaa waxqabadkii guud ee saddexdii sanno ee ugu dambaysay talaabooyinkii ay qaaday xukumada ku sifoowday maamulka suuban,daraasaad ay samaysay Xarunta Dhexe ee XDSHS uu ku qeexay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada deegaanku iyo haatan halka uu marayo.
Waxa la wada ogsoonyahay in mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshada xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka soomaalidu ay tahay dhibaatada dhinaca Waxbarashada ka jirtay ee mudada dheer soo haysatay shacabka deegaankan.
Waxbarashadu waa shey ka mid ah waxyaabaha lagu cabiri karo koboca dhaqaale iyo bulsho ee uu yeelan karo hal wadan ama deegaan. Maadaama ay Sidaas tahayna waxa lagama maarmaan noqotay in iyada oo la dejinayo isteraatiijiyado, siyaasado iyo qorshayaal xilliyeed ah kor loo qaado tirada iyo tayada Waxbarashada.
Hadaba, Xukumadu iyadoo dadaal dhinac kastaba leh ugashay sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee shacabka deegaanka, ayaa waxa uu gaar ahaan saddexdii sanno ee ugu dambaysay (1998—2002) culayska saareen sidii loo kobcin lahaa dugsiyada Waxbarashada heerarka kala duwan iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen bulshada xoolo-dhaqatada ah. Isbedelada uu maamulka suubani ka keenay dhinaca waxbarashadana waxaan u eegi karnaa sidatan:-
1. Dhinaca Dugsiyada Hoose (Primary Education)
Sannadkii 1998 ee tirada dugsiyada hoose ee guud ahaan deegaankeenna ka jirtay waxay ahayd 152 dugsi-hoose oo keliya, balse dadaalkii uu XDSHS iyo dawlada uu hoggaamiyo ee deegaankuba ka sameeyeen dhinaca kobcinta Waxbarashada waxa lagu guuleystay in sannadkan 2002 ay noqdaan 635 dugsi hoose oo dugsiyada caadiga ah iyo dugsiyada ABE-ga oo dhan 1414 dugsi,kuwaas oo lagu guuleystay halkii tirada ardayda dugsiyada hoose ka ahayd 59,228 in la gaadhsiiyo 661,000 oo arday (iyada oo aysan ku jirin ardayda wax ka barata dugsiyada gaarka loo leeyahay),tana tahay mid ay indhaha iska qabanayan horumardiidku xaqiiqaqda tala deegaanka iyo talaaboyinka ay ku hana qaday xukumadu taas oo ah natiijo lagu diirsan karo oo bilow ah, una baahan in la sii joogteeyo;
Marka aan eegno ka qayb-galka caruurta bulshada xoolo-dhaqatada ah ee dhinaca waxbarashadana halkii ay Sannadkii 1998 ka ahayd 30% maanta waxa ay maraysaa 70%, taas oo ah natiijo ka timid dadaalka iyo midnaanta gaarka ah ee uu Maamulka suubani ee hada hana qaaday uu siiyay, kobcinta aqoonta bulshada xoolo-dhaqatada ah, taasoo ah dadaal iyaduna u baahan in la sii joogteeyo.
Waxa intaas dheer, kadib markii XDSHS-da iyo dawlada uu hoggaamiyaa ay xaalad ku haboon u abuureen dugsiyada maal-gashiga ah ee gaarka loo leeyahay, in halkii Sannadkii 1998 uu deegaanka oo dhan ka jiray 1-dugsi oo xanaanada caruurta leh (Kinder garden) in sannadkan 2002 ay tiradoodu gaadhay 20 dugsi (Kinder garden) ah oo ay wax ku bartaan arday aad u tiro badan, taasina ay tahay dadaalka iyo jewiga ku haboon ee uu maal-gelinta gaarka ah siiyey Dawladan ay majaraha u hayaan madaxdan Maamulka suubani
2. Dhinaca Dugsiyada Sare
Waxa aan xusuusanahay in tirada dugsiyada Preparatory ee deegaankeennu Sannadkii 1998-kii ay ahaayeen 2-dugsi sare oo keliya oo ay wax ku baranayeen arday dhan 974 arday, balse hada 2002 ay ka jiraan 27 dugsiyada sare ee wareegga 1aad ah iyo 11 Dugsiyada Sare ee wareegga 2aad ah, kuwaas oo ay dhigtaan arday dhan 16,432, taasina ay tahay mid ka mid ah natiijooyinkan bilowga ah ee laga helay hoggaaminta adag iyo waxqabadka Maamulka suuban iyo ka go’naanshihiisa ku aaddan sidii jahliga looga saari lahaa bulshadeenna xoolo-dhaqatada ah; coverage 12.8%.
3. Xarumaha Tababarada, Farsamada Iyo Xirfada Iyo Waxbarashada Sare
3.1. Xarumaha Tababarka Farsamada & Xirfada
Waxa deegaanka ka jiray Mac’hadka Tababarka Xirfada iyo Farsamada, Mac’hadka Waxbarashada Caafimaadka, Mac’hadka Tababarka Macalimiinta iyo Kuliyada Aqoonta Cilmiga Beeraha ee Godey, kuwaas oo dhamaantoodba dadaalkii ay xukumadu ugashay kor u qaadida tayadooda iyo kobcinta heerkooda la gaadhsiiyey in dhamaantood Mac’hadyadaas loo bedelay Kuliyado bixiya aqoon ka tayo saraysa
midii ay hada kahor bixin jireen. Tusaale ahaan:-
Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta oo Sannadkii 1991 ay ka soo qalin jebiyeen Barayaal dhan 256 oo isugu jiray Certificate iyo Diploma level, ayaa waxay gacan ka geysteen sidii bulshada deegaanka kor loogu qaadi lahaa aqoonteeda; ilaa maanta waxaa laga qalanjabiisaa 3820.
Marka aan eegno barayaasha aqoontoodu heer Degree tahay ee Deegaanka oo Sannadkii 1987-kii ahaa 50 ayaa waxa manta 2002 la gaadhsiiyey 436 macalimiinta Degreega ah oo wax ka dhiga dugsiyada heerarka kala duwan ee Deegaanka;
Sidoo kale, waxa iyaguna jira 4 dugsiyada Xirfada iyo Farsamada ah oo ay iska leeyihiin hantiilayaal gaar ah, kuwaas oo iyaguna door laxaad leh ka qaata kobcinta Waxbarashada, taas oo fursada maalgashigooda ay ahayd mid ay xaalado iyo jewi ku haboon u fureen Xukumadan oo ku talaabsatay isku xidhka jaaliyadaha deegaanka udhashay iyo maal qabeenada deegaanka ku sugan oo hantiilayaasha ku dhiiri geliyey ka qayb-qaadashada doorkooda ee dhinaca Waxbarashada bulshada iyo fursadaha maal gashi ee kala duwanba;
3.2. Xarumaha Waxbarashada sare
Iyada oo deegaankeenan aanay hada kahor ka jirin wax Jaamacad sare ah, ayay Xukumadu dadaalkii ay ku baadi goobeen sidii loo heli lahaa Jaamacad uu leeyahay Deegaan
ka Soomaalidu, ayaa waxa la suuro geliyey in deegaankeenan uu yeesho Jaamacada Jigjiga Unuversity, Godey Agricultural College, (810) Jijiga Health Science College (900), Jijiga TVET(1226), management institute (342) kuwaas oo dhamaan ku hawllan sidii ay u kobcin lahaayeen tayada Xirfada aqooneed.
Waxa kaloo DDS ay dadaal u gashay inay soo jiidato jaamacadaha kale ee dalka ka jira ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, sida Alamaya University, Civil Service College, Alfa University, Admas College, Unity College, horn international, nur international health scien+ce iwm… oo iyaguna ay waxbarasho kala duwan ka qaataan muwaadiniin badan oo u dhalatay deegaanka.
Hadaba, iyaga oo dhamaan hawlahaas wax lagaga bedelayo hab-nololeedka bulshadeenna xoolo-dhaqatada ahi ay yihiin ku laga helay natiijooyin bilow ah, xisbiguna uu dadaalkan iyo natiijooyinkan ku keenay kalsoonida shacabkiisa, ayaa hadana dadaalkaas iyo natiijooyinkaasiba ay yihiin kuwo u baahan in si ballaadhan loo sii xoojiyo.
Sidaas derteed, si hawlahan loo sii joogteeyo, xisbiguna uga midho dhaliyo siyaasadihiisa ku aaddan horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada ah, ayay shacabka deegaanka soomaalidu iyagoo garaadka iyo bisaylkiisa khibradeed ka duulaya dhamaantood si kalsooni leh gebi ahaanba codkoogii doorashada siiyeen XDSHS.oo si buuxda ugu guulaystay xubnihii barlamaanka umatali lahaa shacabka hadana looga fadhiyo inay la yimaadaan dadaal aan horey loo arag oo ay kor ugu qadayaan bulshada xoolo-dhaqatada ah ee sidia kalsoonida leh usoo dooratay masuuliyiinta da'dayar ee aqoonyahanada ah.
Xigasho Cakaaranews
By Editor - Posted on June 18th, 2010
Boqolaal kun oo shacabka Degaanka Soomaalida ayaa subaxnimadii maanta dibad baxyo ay ku taageerayaan go'aanka dacwada lagu qaadayo hogaaminta nabad-diidka isugu soo baxay dhamaan magaalooyinka waawayn ee Degaanka Soomaalida.Tobaneeyo kun oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga ayaa saaka isugu soo baxay banaanka wayn ee ku yaala Magaalada Jigjiga. Waxaa dad waynahaa ay siteen boodhadh iyo calaamado ay ku qoran yihiin weedho iyo halku dhigyo muujinaya sida ay u taageersan yihiin in dacwado lagu soo oogo kuwa hogaamiya ururada nabad-diidka ee ubo.
Halku dhigyada ay dadkaas dibad baxyada sameenayay ay wateen waxaa ka mid ahaa weedho ay ku codsanayeen in dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Ustraaliya & Denmark oo ay ka codsanayeen in loo soo dhaweeyo dadkaasi hogaaminaya nabad-diidka ee dambiyada dagaal ka galay shacabka degaanka.
Waxaa ay dadka dibad baxyada sameenayay ay ku dhawaaqayeen "Ina Cumar Dacay, Ina Ismaaciil & Ina Ruqiyo Dhuubo Ha Na Loo Soo Taago Maxkamad"
Sidoo kale, Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe ayaa waraysi uu maalintii shalay ee Khamiista ahayd uu siiyay Idaacada BBC Qaybta Soomaaliga ku sheegay in Xukuumada Degaanku ay haatan go'aansatay in dambiyada shacabka ay ka galeen nabad-diidka lala taagsado.
Wuxuu Madaxa Xafiiska Warfaafintu uu sheegay in dacwad ay ku soo oogayaan 16 nin oo ka mid ah nabad-diidka UBo ay dacwado kaga soo oogayaan meelaha ay ku nool yihiin. Wuxuu Mudane Guuleed Casoowe sheegay in dambiilayaasha oo kala haysta dhalashooyin ajnabi ay dambiyo iyo gabood falo ka dhan ah bini aadminimada ay ka gaysteen shacbaka Degaanka Soomaalida.
Wuxuu Mudane Guuleed Casoowe sheegay in ilaa hada dacwadahaasi ku jiraan dad gaadhaya 712 dhibane oo dadkoodii ay dileen nabad-diidka ubo. Wasiirka ayaa sheegay in "cid kasta oo dambi ka gashay muwaadiniinta iyo dadka dowladda deegaanka Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan ay halkiisa ku dacwayn doonaan".
Wuxuu sheegay in ay dalbanayaan in "dalalka ay joogaan maxkamad lagu saaro ama loo soo musaafuriyo Ethiopia si ay iyaguna u maxkamadeeyaan".
Dhinaca kale, Banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Dhagax-Buur, Qabri Dahar & Godey. Danbiyada lagu haysto hogaaminta nabad-diidka ayaa ku qotoma xasuuqyada ay nabad-diidka ubo ka gaysteen Garbo, Gunagado, Cobole, Lahelow, Qoriile, Mara Caato, Dhoobo Weyn & Hora Khaliifo.
Waxaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay inay haatan hayaan cadaymo qiraal iyo dukumenti isugu jira oo ka marag kacaya in dadkaas eedeesanayaasha ahi ay dambiyadaas ka galeen iyagoo og inay dad ku laynayaan.
Odayaasha degaanka Soomaalida, hooyooyinka iyo culimo u diin fara badan oo ka hadlay dibad baxyadaa maanta ayaa sheegay inay taageersan yihiin go'aanka dacwadahaa lagu soo oogayo dambiilayaasha. Garaad Maxamuud dool oo ku hadlayay Magaca cuqaasha Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegay in maanta loo baahan yahay in aan arrinkan dacwada laga hadhin oo sharciga lala tiigsado kuwanabad-diidka ah ee xasuuqay shacabka iyo maatida.
Marwo Raxma Xasan Haybe oo ka mid ahayd dadkii isugu soo baxay banaanbaxa ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in kuwa nabad-diidka ah ee dadkii degaankan laayay ay ku gabanayaan baasabooro iyo dhalasho ajnabi oo ay gabaad uga dhiganayaan dalalka dibada.
Mudane Jamaal Garaad Dayib oo ahaa wakiil ku hadlayay magaca Dhalinyarada Degaanka Soomaalida ayaa isna geestiisa ka sheegay inay garab istaagayaan go'aanka dacwada lagu soo oogayo nabad-diidka ay ka mid yihiin kuwa hogaamiya ubo ee dalalka dibada ku dhuumaalyasta.
Xigasho; CakaaraNews
By Editor - Posted on July 1st, 2010
Machadka Cilmi-baadhista Beeraha & Xooalha ee DDS ayaa horumar la taaban karo ka gaadhey ujeedadii loo aas aasay, isla markaana tusaale lagu hirto u noqday hay’adaha horumarinta deegaanka. Machadka ayaa ku guulaystay hirgalinta mashaariic iyo tijaabooyin aad u badan oo looga gol lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha xoola-dhaqadata iyo beeraleyda deegaanka Soomaaliyeed.
Machadka Cilmi-baadhista ayaa xarumo kleh in ka badan 7 goobood oo ka tirsan deegaanka, isla markaana ku guda jira barnaamujyo aad u tiro badan oo la filayo in marka la dhamays tiro ay ka manaafacaadi doonaan shacabka deegaanku. Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa si aad ah ugu bogtay wax-qabadka xafiiskan, sidoo kalena aad ugu hanweyn in mashaariicda uu gacanta ku hayo xafiisku wax ka badali doonaan nolosha beeralyda iyo xoola-dhaqatada deegaanka.
Wax-qabadka xafiiska Cilmi-baadhista iyo faah-faahin ku saabsan mashaariicda uu fuliyey iyo waliba kuwa u qorshaysan, waxaad ka heli kartaa shabakada machadka
http://www.sorpari.org.et/
Eegga.com
By Editor - Posted on July 5th, 2010
Magaalada Minneapolis ee wadanka Mareykanka waxaa shalay lagu qabtay shir ay isugu yimideen taageerayaasha Jabhada ONLF, oo lagu taageerayo heshiiska ay jabhadu la gashaya dawlada Itoobiya. Shirkan ayaa waxaa khadka telefoonka kaga soo qayb galay gudoomiayaha ONLF, Saalaxudiin Xaaji Macow oo isagu dadkii goobta isu yimid ku booriyay inay taageeraan heshiiska, isla markaana qayb ka qaataan sidii nabad galyo, horumar loogu gaadhi lahaa.
Sidoo kale waxaa hadalo goobta ka soo jeediyay masuuliyiinta ONLF ee gobolka Minnesota, oo iyagu soo qaban qaabiyay kulanka aadna ugu faraxsanaa inay halgankoodii ku istaajiyaan tubta nabada.
Eegga.com
By Editor - Posted on July 14th, 2010
Golaha Xildhibaanada deegaanka Soomaalida, oo maanta yeeshay kal-fadhgiisii 11aad ayaa Cabdi Maxamed Cumar u doortay Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida. Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa sidoo kale Gudiga fulinta Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaaliyeed u doorteen inuu noqdo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga iyo Madaxweynaha Xukuumada. Golaha xildhibaannada ayaa sidoo kale maanta ansixiyay xil ka qaadista madaxweynihii hore.
Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo ahaa Hoggaanka Amniga afartii sano ee u danbeysay ayaa xilka maanta loo dhiibay ku mutaystay shaqo wanaag iyo karti, wuxuuna wax weyn ka badalay nabad-galyada deegaanka, isagoo shacabka u soo celiyay kalsoonidii dawladnimo iyo kala danbayntii.
Qudbadii ugu horeyase ee uu Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdi Maxamed Cumar ka jeediyay golaha xildhibaannada deegaanka ayuu ku sheegay inuu xooga saari doono siduu deegaanka uga abuuri lahaa shaqooyin. Madaxweyne Cabdi ayaa ku nuux nuuxsaday inuu si dar dari ku jirto ugu dhaqaaqi doono sidii deegaanka looga horumarin lahaa dhanka Biyaha. Madaxweynaha ayaa golaha xildhibaannada ee wakhtigodu dhamaadey u ballan qaaday hal sano oo mushaar ah iyo in dhamaantood la shaqaalayn doono.
Dhanka nabadgalyada ayuu Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar sheegay la xoojin doon ciidamada Liyuu Booliska lana qaadi olole xoog badan oo soo afjara amni darida deegaanka la hadhay.
Eegga.com
By Editor - Posted on July 15th, 2010
Press Release.
July 15, 2010.
Fiqi Omar Community Congratulates The New President Abdi Mohamed Omar, Calls For President To Make His Number One Agenda To Attend the Needs Of the Raaso Region.
The Fiqi Omar (Sheekhaal) Community takes this opportunity to congratulate the newly elected president of the Somali Regional State Mr. Abdi Mohamed Omar. The community welcomes the president’s appointment, and hereby affirms the Sheekhal community’s loyalty and commitment to work with the president and his new administration to solve the Somali Region’s challenging problems. The challenges facing the new administration are many: Security, access to education and Health, Food Security, good governance, limiting corruption, and expanding government services to the expansive region. Though the Sheekhal Community recognizes the daunting many challenges facing the president and the administration he will install in the coming days and weeks, this community believes nothing is more pressing than bringing to a resolution the political wilderness of the Raaso region and its more than quarter million inhabitants.
The Federal government and the Sheekhaal Community have for the past 4 years been trying a just political solution for the community and have tabled several proposals but the administration of Da’ud Mohamed have been a roadblock to every effort or solution, often injecting poisonous clan politics for political expedience. To reach a fair political solution for the community’s political grievances requires the region’s president to provide real leadership and political courage. The community would like to remind the president Abdi Mohamed Omar that he himself has acknowledged the plight of the Sheekhal clan, and has promised action to fix the clan’s injustice when the community met the president in London in his last visit. The Sheekhal community on the other hand has accepted the president’s appeal for support in the London meeting and has been engaged ever since in the strengthening of the Somali regional State despite the clan’s grievances against the previous administration.
We believe and are confident given the track record of the president in his previous capacity to bring much needed security to the region, his willingness to listen citizens and demonstrated courage to act boldly when required, that he will do the right thing for the Sheekhal community and the citizens of the Somali regional State. We are confident that the president will make Raaso region his priority and top of his agenda. We hope the president will convene a meeting with clan elders in Jigjiga or Raaso as soon as he completes forming his administration and that the community will be well represented in his new cabinet. We are counting on the president that his administration will be different and act in the best interest of the region and its citizens. We hope the president will rise above partisan clan politics and do what’s right, and act in the best interest of our citizens. Once again, we congratulate the president and wish him good luck. He is faced with a mountain of difficult challenges but we are confident he is up to the challenge. The president should know that he has our support and we are praying for him to succeed for the good of our citizens and region. Dr. Ahmed Sheikh, Executive president Fiqi Omar Political Action Committe of North America (FOPAC).
By Editor - Posted on July 15th, 2010
You’re Excellency, It gives me immense pleasure to extend, on behalf of the North American Youth Association, our warmest congratulations and sincere greetings to Your Excellency, Abdi Maxamuud Cumar as you begin your first tenure as the President of Somali region of Ethiopia. The elections which have just taken place are another illustration, were one needed, of the exceptional robustness of Somali region democracy.
Ethiopia has once again proved its commitment to strengthening democracy. Nothing improves the reputation of a government and its leader more than their returning the power with an increased majority and choosing new presidents for their regions.
Your Excellency, you have been providing leadership to your people in Somali region of Ethiopia in a way that no one has ever done before you, especially during the past five years as the Head of Justice and peace of Somali region. I am sure that with your impeccable credentials you stand in a good position to lead the country on the road towards joining the community of developed nations in ensuring peace, prosperity and justice for all the citizen of Somali region of Ethiopia.
Please do continue on your determination of making Somali region more secure and more prosperous region of Ethiopia. As citizens of Somali region of Ethiopia in North America, we are eager to work with you hand by hand for all the challenges that are head of you.
As the President of the Somali Region of Ethiopia, you will certainly have great and difficult tasks before you, but also many opportunities to create change in the lives of those millions who continue to struggle for basic human needs. You must also remember and work for these people, wherever they may be.I wish Your Excellency good health, prosperity in our country and happiness for all of us.
Please accept the assurances of our prayers and Allah's blessings upon you and our nation.
SincerelyAbdirahman Abdi Abdulahi (Ilkawayne)
By Editor - Posted on July 15th, 2010
Jaaliyadda Reer Ow Xasan ee North America iyo Europe waxay tahniyad qaayo iyo qiima badan u diraysaa Cabdi Maxamed Cumar, Madaxweynaha DDS. Waxayna jaaliyadda u balan qaadeysa madaxweynaha taageero aan hagar lahayn iyo in kala shaqeyso arrimha Deegaanka guud ahaan iyo khaasatan arrimaha degmada FeerFeer. Ugu danbeyna, jaaliyadda, waxay madaxweynaha ilaah ooga baryeysaa in xilka uu qaaday eebbe u fududeeyo. Amiin. C/Xakiin Sheekh Axmed-Sahal Gudoomiyah Jaaliyadda Reer Ow Xasan ee North America iyo Europe.
By Editor - Posted on July 17th, 2010
Wararka naga soo gaadhaya magaalada London ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Cismaan loo diiday goob uu rabay inuu shir ku qabto todobaadkan aakhirkiisa. Arrintan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii dad ay eheladood laysey kooxda uu madaxda ka yahay Ina Cumar Cismaan ay dacawad kaga oogeen maxakamad ku taala waanka Ingiriiska. Goobta shirkani ka dhici lahaa ayaa ahayd dugisi sare oo kuyaalada magaalada London, laguna magacaabo Furtherstone.
Warar iyaguna isasoo taraya ayaa sheegaya in wasaarada amniga ee dalka Mareykanka (Homeland Security) ay ka mamnuucday Maxamed Cumar Cismaan inuu soo galo dalka Mareykanka. Arrintaas ayaa waxaa cadayn u ah shir ay kooxda isaga taageerta ka iclaamiyeen inuu ka dhici doono Minneapolis July 3-deedii, kaasoo sheegeen inuu ka soo qayb gali doono.
Tan iyo intii Gudoomiyaha ONLF, Engineer Macow uu heshiiska la qaatay dawlada Itoobiya, waxay albaabadii iska so xidhayaan kooxda Eriteria saldhigeedu ahaa ee Ina Cumar Cismaan
Eegga.com